Happy
New Year 2009
Koboca Islamiyiinta Somalia 9aad By C.Shakuur Cobol
Somalia
, 30 Janaury
2009 Waagacusub Media

Cutubka Afaraad.
Maxaa Fashiliyey Dhexdhexaadintii Xasan Al-Turabi Ee
Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta Soomaaliya?
Qormadda Sagaalaad.
Xasan Al Turaabi
Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa inta badan lagu sheegaa
kuwa aan bislayn oo hal la boodo leh isla markaana aan
la jaanqaadi karin isbedelka siyaasadda waqtiyada qaarkood.
Marka la barbardhigo wadama badan oo islaam ah. Sida
Masar iyo Sudan.
Wadanka Sudan kolkii uu fashilmay Afgembi ay wadeen
kooxo Shuuciyiin ah oo uu hogaaminayey Axmed Maxjuubi
July 1971-dii ayaa Madaxweynihii wadankaas ee xilligaas
Jacfar Al-Numayri waxaa uu wadankiisa ka eryey July
1971-dii khubaradii Midowgii Soofiyati ee Sudan joogatay,
isagoo isla markaana hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa
Soofiyatka tuhuna ka qabay inuu gacan siinayey isku
daygaas Afgembiga. Halkaas waxaa ka faa’iidaystay Islaamiyiinta
Suudaan oo markaas u muuqday Cadawga koowaad ee xukuumadaas
uu madaxda ka ahaa Jacfar Al-Numayri.
Sanadkii 1977-kii ayaa waxaa heshiis dib u heshiisiineed
dhexmaray laba kooxood Islaamiyiinta Sudan ahaa , waxaana
Xasan Al-turaabi loo ogolaaday inuu dalka dib ugu soo
noqodo, isagoo Sudan uga maqnaa Masaafuris iyo weliba
xabsi lix sano uu ku jiray oo ka horayey Masaafuriskaas.
Turaabi waxaa la siiyey Jagada Wasiirka Cadaaladda Sanadkii
1979-kii isagoo ku dhex milmay nidaamkii uu madaxda
ka ahaa Jacfar Al-Numayri, ugana faa’iidaystay inuu
bulshada reer Sudan ku baraarujiyo ku dhaqanka shareecadda
Islaamka.
Sudan ayaa ahayd wadan ay wax ku bartaan Soomaali badani
iyadoo waxbarashadaasina ay saamayn ku yeelatay ardaydii
wax baranaysay . Sudan codka Qalinjebinta ardayda Jaamacadaheedu
waa 26 cod sanadihii sideetamaadkii. Waxaa 25 ka mid
ah codadkaas ku guulaysta ardayda u janjeerta afkaarta
Islaamiyiinta taasoo Sudan ka dhigaysa meel ay aqoonteeda
hogaamiyaan Islaamiyiintu. Waxaay lagama maarmaan in
Soomaalida wax ku soo baratayna ay sidaas oo kale noqdaan.
Aqoon-yahan Cabdicasiis Faarax ayaa ka mid ahaa raga
wax ku soo bartay Sudan. Kan tirsanaa Ururka Al-itixaad.
Bartamihii Sideetamaadkii ayaa Cabdicasiis Faarax waxaa
uu tegey Sacuudiga sida uu ii sheegay Aqoonyahan A.A
oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta.Xilligaas
ku sugnaa Sacuudiga waxaa jirty warqad qoraal ah oo
uu Xasan Al-Turaabi u soo dhiibay Cabdicasiis Faarax,
uguna soo dhiibay Islaamiyiinta Soomaalida oo madaxdoodu
inta badan ku sugnayd Sacuudiga waxaana uu xoog warankiisii
iigu bilaabay sidan:-
’’ Anigu waxaan waqtigaas ka mid ahaa ardaydii wax ka
baranaysay Sacuudiga,aad ayaan ugu dhodhowaa xarakadda
Islaamiyiinta. Waan ka war hayey Allaha u Naxariiste
Cabdicasiis Faarax inuu xarakadda u soo gudbiyey dhanbaalkii
Xasan Al-Turabi odayadii madxada u ahaa xarakadda Islaamka.
Nuxurka dhanbaalka ayaa ahaa in uu dhexdhexaadiyo Madaxweynihii
Hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta
oo ragga inta badan hogaamiyaa ay joogeen Wadanka Sacuudiga
. Waxaa Turaabi qorshihiisaa dhexdhexaadineed ku soo
bandhigay inuu isagu la hadlayo Maxamed Siyaad Barre,
kana dhamaynayo wax dhinaciisa ku xiran. Waxaa uu ku
booriyey Islaamiyiinta Soomaaliya in iyaga reer Sudan
ahi la heshiiyeen Jacfar Al-Numayri. Intaad dibadda
ka ahaan lahaydeen dawladda waxaa ka haboon ayuu u sheegay
inaad la heshiisaan oo dhexgashaan. Waxaa uu soo bandhigay
in Bangi Islaami ah oo Sacuudigu maalgelinayo laga furayo
Muqdisho.Siyaad Barre waa ogol yahay ayaa qoraalkaas
ku qorayd.’’
Markaas ayaan waxaan weydiiyey maxaa fashiliyey isku
daygaas? Waxaa uu iigu jawaabay:
’’ Waxaan oran karaa bisayl la’aanta waqtigaas Islaamiyiinta
iyo Islaamiyiinta u badnaa reer Waqooyiga oo ku adkaystay
inaan wax wada hadal ah lala gelin Siyaad Barre. Waxaa
kaloo laga baqay in Islaamiyiinta Soomaaliya kala qaybsamaan
hadii qolo isku daydo in wada hadal lala furo Xukuumadii
Kacaanka ahayd. Laakiin Turaabi aad ayuu marar kale
isugu hawlay inuu wada hadalsiiyo Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta.
Mar dambe ayaan garanay waxaa uu Turaabi u doonayey
inaan la heshiino Siyaad Barre ………’’
Kolkaas ayaan ku celiyey maxaad garateen oo aaydinaan
markii hore garan?
’’ Waxaan garanay taladii Turaabi hadaan raaci lahayn
in wax badan noo qabsoomi lahaayeen. Laakiin wax walbi
waa qadar alla.’’
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new