Koboca Islamiyiinta Somalia 11aad By C.Shakuur Cobol
Somalia
, 13 Febaury
2009 Waagacusub Media

Cutubka Shanaad.
Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Somalia.
Qormadda Kow iyoTobnaad.
Kooxaha sida fog daacadda u ahaa Gen.MSMorgan ee ka
barbar dagaalamayey Islaamiyiinta waxay baneeyeen aagii
ay difaaca uga jireen si aanay u guulaysan Islaamiyiinta
oo dagaal gacmaha la isula tegey kaga soo horjeeday
ciidamo lagu qiyaasay 3000 (saddex kun) oo dagaal yahan
iyo in ka badan 120 (boqoliyolabaatan)gawaarida tiknikada
dagaalka ah. Iyadoo tiradda Islaamiyiinta ee waqtigaa
dagaalka ku jirtay lagu qiyaasay 500(shanboqol). Xooga
kale ee u harsanaa Al-itixadad waxaa laga dhigay kayd
ciidan. Islaamiyiinta dagaalka Araare ee agagaarka Jamaame
waxaa hogaaminayey Col.Maxamuud Ciise(AbuuMuxsin),IbraahimAfgaani,
Col.Cabdulqaadir Macallin, Col.Faarax Xasan (Weji xun).
Fikirkii Gen.MSMorgan ee ahaa in la jebiyo kooxihii
islaamiyinta ka dagaalamay aagaas waa uu guulaystay.
Waa laga gacan sareeyey Islaamiyiintii Al-itixaad. Waxaa
dagaalkii Araare kaga geeriyooday Al-itixaad inta u
dhexeysa Konton ilaa Lixdan dagaal-yahan,waxaana kaga
dhaawacmay inta u dhexeysa 110 ilaa120 dagaalyahan.
Sidoo kale waxaa USC-da soo gaaray dhimasho iyo dhaawac
intaas ka fara badan. Waxaan dagaalkaas Gen.MFCaydiid
uga hooseeyey hogaamintiisa Col.Cabdi Qaybdiid oo ah
ninka inta badan geystay tacdiyadii ay galeen maleeshuiyaadkii
USC-da ee ka dagaal galay Jubadda Hoose..
Waxaa la arkayey inuu jiro qorshe midaysan oo ay
qabeen hogaamiyayashii dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya
horkacayey. Iyagoo ka soo wada horjeeday kooxaha
Islaamiyiinta ah. Gen.MFCaydiid iyo maleeshiyaadkii
uu hogaaminayey waxay Kismaayo soo galeen 25Aprile 1991-dii.
Iyagoo soo jiiray difaacii dagaalyahanadii Al-itixaad
oo dagaalka ay uga bexeen qabiilooyinkii ka feer diriraayey
ee la haybta ahaa.
Soo gelitaankii USC-da ee Kismaayo. wax yar ka hor waxaa
dekeda Kismaayo ka furtay Markab lagu magacaabi jiray
M/V Kuanda. Kaas oo u raraa hay’adda ICRC-da. Waxaa
Markabkaas xoog ku kaxaystay dagaalyahanadii Al-itixaad
ee gacanta ku hayey Dekedda. Waxaa Markabka ka raacay
Kismaayo ilaa 600(lix boqol) qof oo u badnaa Al-itixaad
iyo taageerayaashooda. Waxay Al-itixaad ku rarteen Markabkaas
hubkoodii intiisii badnayd. Iyagoo hubkaas kala degey
Markabka kolkii uu gaaray Raas-Kambooni.
Dhamaan ragii saaraa M/V Kuanda waxaa loo dejiyey xeebta
Ras-Kambooni. Iyadoo lagu wargeliyey si khiyaama ah
in Markabku ciladaysan yahay. Waxaa loo abaabulay si
koox koox ah. Iyadoo qaar loo diray inay qoryaha wax
lagu karsanayo soo guraan. Hawlaha socda iyo in Markabku
tegeyo Al-itixaad waa ay la socdeen. Keliya hadafkooda
ayaa ahaa inay helaan rag dagaalama oo la mabda noqda.
Sidaas ayuu ku ambabaxay M/V Kuanda iyadoo aan laga
warhayn. Weli dadkii Markabkaas raacay waxay ka sheekeeyaan
tacadigii dagaalyahanadda Al-itixaad kula kaceen dadkii
saraa Markabkaas.
Ras-Kambooni ayaa noqotay saldhiga ay isku urursadaa
xoogagii Islaamiyiintu ee ka soo jabay Kismaayo. Iyadoo
si dhaqso ah qaab ciidan isugu habeeyey. Waxaa jiray
dagaalyahano ka tirsanaa Al-itixaad oo dhaawac ahaa
iyagoo doon loogu qaaday Boosaaso. Waxaa Doon lagu magacaabi
jiray Nabiyuu-Bismilaaha keentay 24 Aprile 1991-kii
dhaawicii Islaamiyiinta dekadda magaaladda Boosaaso
.
Run ahaantii dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu shaki
soo kala dhex geliyey kooxaha Islaamiyiinta oo u kala
miirmay si muuqata qabiilooyinkii ay ka soo jeedeen.
Waxaa soo shaac baxay kala qaybsanaatoodaa. Iyadoo kooxiba
kooxda kale ku eedaysay inay xadgudub sameeyeen ku aadanaa
dhinaca mowaaqifa ahayd inay dhex ka noqdaan dagaalka
qabiilooyinka u dhexeeyey. Waxaa intaas barbar socotay
barabugaanda dagaal oogayaashu ku hayeen inay Soomaaliya
ka soo shaac baxo fakir kale oo ka duwan tan ay aaminsan
yihiin ee ahayd in Soomaalidu qabiil qabiil u kala haysataan.
Magaalada Muqdisho ayaa tageerayaasha USC-du waxay Islaamiyiinta
u arkayeen inay yihiin kuwa u adeegay qabiil iyaga cadow
u ah. Waxaa maalmahaas caan noqotay kooxaha Islaamiyiinta
ah oo qabiil qabiil ciidamo u samaysanaya. Halkay waqtigii
hore ka ahayeen kuwa isku duuban oo mid ah. Dagaalkii
Araare waxaa keliye ee laga bartay ayaa ahayd sida fudud
ee kooxaha Islaamiyiinta ah u degdegaan iyagoon qorshaynsan
istaraatijiyad ay u dhan yihiin. Waxaa kaloo Al-itixaad
lagu amaanaa sida geesinimadda lahayd ee ay dagaalka
uga qayb qaataan goobaha la iskaga horyimaado.
Islaamiyiinta ayaa iyagu ka gilgisha hadaladda siyaasad
ahaan lagu durayo amaba iyaga lagu dhaleecaynayo afkaartooda.
Dagaalkii ka dhacay Araare Islaamiyiinta ku abtirsadda
qabiilka Daaroodka ayaa la yiraahdaa inay si qabiilinimo
ah dagaalkaas uga horyimaadeen maleeshiyadii USC-dii
Gen.MFCaydiid oo baacsanayeey ciidamadii qabiilka Daaroodka
ee sida awooda ah ku tegey daafaha magaaladda Muqdisho.
Iyagoo qarka u saaraa inay qabsadaan caasimadda Soomaaliya
Muqdisho.
Su’aal la isweydiin karo ayey noqotay. Maxay Islaamiyiinta
Kismaayo ku sugnaa u hor istaagi waayeen ciidamadda
Daaroodka ee duulaanka ku soo ahaa Muqdisho iyo beelaha
Hawiye? Maxay labadda ciidan ee dagaalamayey u kala
dhex geliwaayeen?
Xubno aan ka soo jeedin Islaamiyiinta Daaroodka oo aan
arrimahan wax ka weydiiyey ayaa sheegay in dagaalkii
Araare loo wada dhamaa. Marka laga eeggo xagga qabiilooyinka
Soomaalida iyo unugyadda ay ka koobnaayeen xooggaga
Islaamiyiintu. Inkastoo ay si balaaran u shaacday in
Islaamiyiintu fikirka qabiilku soo kala dhexgalay.
Mid ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta oo ku sugnaa
Boosaaso ayaan weydiiyey waxa ka jira in qaab qabiil
Islaamiyiintu u kala qaybsameen dagaalkii 1991-kii ka
dhacay Araare? Wuxuuna iigu jawaabay
’’Arrintaasi sax ma ahan, qabiil qabiilna Islaamiyiintu
uma kala qaybsamin.’’
Waxase jiray ayuu yiri
’’ In lagu degdegay in la galo dagaalkii Araare xilligaas’’.
Ibraahim Afqaani ayaa si kale, isna u dhigay dagaalkii
Araare. Mar uu tegey Sanadkii 1991-kii magaaladda Nairobi
ee Kenya. Isagoo sheegay in fikir ahaan lagu kala qaybsanaa
dagaalkii Araare, ayna jirtay sinbiriirixasho qabiil
ee dhinaca dagaalkaas sida loo maamulay. Waxaa xusid
mudan in Ibraahim Afqaani uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii
dagaalkaas ka dhacay Araare ee Islaamiyiinta iyo maleeshiyadii
Gen.MFCaydiid iskaga horyimaadeen goobtaas.
Dadaal ayaa jiray ay Islaamiyiintii u badnaa ururka
Al-itixaad ku hawlanaayeen. kuwaas oo ku wajahnaa sidii
mar kale loo midayn lahaa xoogga Islaamiyiinta, meeshana
looga saari lahaa kala shakiga soo galay, loona dhayi
lahaa diiftii uu reebay dagaalkii Araare. Taas oo keentay
tuhma ah in qabiil qabiil loo kala qaybsamo. Wadaada
doorka ku lahaa xilligaas waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan
Dahir oo isagu si furan u sheegay in laga haboon yahay
in la kala qaybsamo, wadar jirkuna uu yahay guusha dhabta
ah ee Islaamiyiinta.
Wafdiyo ayaa Islaamiyiintu u kala direen degaanadda
Jubadda Hoose iyo Waqooyi Bari si is faham loo dhaliyo,
ergooyinkaasina waxay soo hooyeen guul ah in mar kale
la mideeyo Islaamiyiinta. Waxaa la qaatay go’aan ah
in la xoojiyo awooda goboladda Waqooyi Bari ku leeyihiin
Islaamiyiinta maadaama degaan kaasi yahay halka isku
xiri karta Konfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, kuna dhow
magaaladda Burco oo xudun u ahayd hogaanka sare ururka
Al- itixaad .
Waqtigaas waxaa hoosta laga xariiqay xoogaga ku jira
mucaskarka Raas Kambooni in loo soo raro magaaladda
Boosaaso. Maadama magaaladaasi tahay magaalo istaraatijiya
oo ku dhow gacanka Carabta, buuralayda gollis. isla
markaas si toos ah xiriir loogagala samayn karo wadamadda
kulaalaya Soomaaliya. Ee islaamka iyo carabtaba ah.
Xoogagii Islaamiyiinta ayaa afar bilood ka dib waxay
ka soo guureen Ras-kamboni Bishii Agosto1991-kii. Iyagoo
soo degey Dhoobley. Taladooda guud ayaa ahayd Islaamiyiinta
in dhica goboladda Bari la soo aado. Halkaas waxaa kaga
haray Shiikh Xasan Turki oo diiday inuu soo kicitimo
Goboladda Waqooyi Bari. Waxaa uu si toos ah uga amar
diiday hogaanka sare ee Al-itixaad. Isaga iyo ciidama
taabcsanaa waxay kaga hareen Dhoobley xoogagii u soo
guuray Bari. Waxaa kaloo taladaas ku raacay Cabdiraxman
Maxamed Jabriil oo u sheegay Al-itixaad inaanay ka soo
faa’iidayn aaditaankooda Bari. Waxaa uu ku adkaystay
Shiikh Cabdiraxmaan in lagu negaado degaanadda Jubooyinka
.
Siyaasad ahaan ayaa waxaa la arkayey xilligaas doorka
sii xoogaysanayey ee Islaamiyiinta dhinaca siyaasadda,
kobocooda awoodeed iyo hanka hogaamineed ee ay qabaan
inay Soomaaliya ku hantaan. Inksatooy jirtay aragti
feejigan oo ka imanaysay raga u hanqal taagayey inay
gacanta ku dhigaan awooda hogaameneed ee Soomaaliya.
Iyadoo raggaasi aalladda ay siyaasadooda u isticmaalayeen
ahayd qabiilka oo inta badan dadka Soomaalida ahi u
nugul yihiin habar isu wacasho markay timaado. Taas
ayaa badiyaa meesha ka saartay in Soomaalidu yeelado
hadaf iyo waxay si nuxur ah u aaminsan yihiin, mana
lahan waa Soomaaliduye’ asaas siyaasadeed oo ku salaysan
axsaab la aaminsan yahay, khibraddan ayaana laga helay
waqtigii Sagaalka Sanadood ahaa ee dawladii rayadka
ahayd..
Tusaale ahaan marka axsaabta mucaaradka xubnaha ku soo
gala barlamaankii Lixdamaadkii doorashadda xilligaas.
Ayaa markay ku fariistaan kursiga barlamaanimo. Gadaal
u eegi jirin bulashadii soo dooratay ee uu codkooda
wax ku helay, waxaana uu si fudud ugu biiri jiray xisbiga
S.Y.L. oo ahaa kan ugu weyn ee dawladaas hogaamin jiray.
Xaqiiqooyinka laga dhaxlayaa ayaa inoo marag furay sida
Soomaalidu uga fog tahay mabda’ la aamino. Balse Islaamiyiintu
waxay ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee Soomalida qaraniga
labaatanaad ee si dhab ah u aamina waxay aamin san yihiin
oo ah in diintu tahay siyaasad sharci, aqoon laguna
maamuli karo dadka Soomalaiyeed iyagoo cuskanaya waxaa
loogu yeero islaami siyaasi.
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new