Koboca Islamiyiinta Somalia 10aad By C.Shakuur Cobol
Somalia
, 06 Febaury
2009 Waagacusub Media

Cutubka Shanaad.
Ismuujintii Awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Tobnaad..
Sanadkii 1991-kii horaantiisii kolkii dawaldii dhexe
Soomaaliya dhidibada u siibeen kooxihii
hubaysnaa ee ay horboodaysay USC-du. Ayaa waxaa soo
baxay marnaansho awoodii dawladnimo ee dalka. Iyadoo
kooxihii meesha ka saaray dawladu aysan karti u yeelan inay
buuxiyaan kaalintii dawladnimada, saxaanna khaladdaadkii
kacaankii Oktoobar ee wadanka xukunkiisa hayey
21 Sano.
Somalia:Free
media stand for peace
Islaamiyiinta ayaa ahaa kooxaha keliya ee diyaarsan,lahaa
istaraatijiyad fog. Kolkay burburtay dawladii dhexe
ee isku haysay Soomaaliya. Wax walba oo lahaa astaanta
dawladinmada ayaa la waayey gebi ahaanba. Markale
ayey ka faa’iidaysteen Islaamiyiintu marnaansha dawladnimo.
Iyagoo si qunyar socodnimo ah u bilaabay inay buuxiyaan
kaalintii dawladnimo. Marka laga eego dhinaca u adeegida
bulshada.
Islaamiyiinta ayaa waxay badbaadinaayey dadka la beegsanayey,waxayna
ahaayeen kooxaha keliya ee qabiilooyinka dhexmari kara
wax u kala gudbinkara maadaama dalkii Soomaaliya
la oran jiray dagaal sokeeyey hareeyey. Dhaqaalaha dalka
ayey raad ku yeesheen Islaamiyiintu weliba si xawli
ah. Iyaga ayaa noqday kuwa la aamini karo dhan
ganacsi iyo dhaqaale-ba. Waxaa bilaabantay inay
si fudud u noqdaan ganacsadayaal cusub oo buuxiya
doorkii ay baneeyeen ganacsatadii hore maadaama wadanku
dhinac walba ka burburay. Waxay gacan ku qabteen dhinaca
Waxbarashada oo durba asaaseen Tacliin ku salaysan
aqoonta maadiga ah iyo mida diineedba. Iyaga ayaa noqday
u heelanayaasha keliya ee ku hawlan Waxbarshada
dalkaas burburay.
Arrimahaas aadka isku milaa ayaa Islaamiyiinta aad iyo
aad ugu sahleen inay hantaan quluubta shacabka
Soomaliyeed intooda badan, sumcadoodana kor u qaaday.
Waxaa iska cadayd waxqabadkoodaas muuqanayey inuu lahaa
koboc siyaasadeed oo qorshaysan, kuna jihaysan meel
la higsanayey. Waxaa kaloo soo ifbaxayey in dacwadii
diinta ee baraaruga laga feer bilaabay dhaqdhaqaaq abuuritaan
cudud ciidan oo ku jihaysan jihaad.
Hogaamiyihii Al-itixaad Shiikh Cali Warsame waxaa uu
ka soo noqday isaga iyo taageerayaashiisiba xeryaha
Qaxootiga ee Bariga Itoobiya. Kolkii la riday dawladii
uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale
xubnihii ururkaas ee Al-itaxaad, kana soo jeeday qabiilka
Daaroodka ayaa iyaguna saldhig ka dhigtay Kismaayo.
Qabiilooyinka kale wadadii ahaa waxay ku negaadeen Muqdisho.
Waxaa halkaas laga dareemi karay kala miiransho ku timid
Islaamiyiinta oo qudhooda uu saameeyey qabiilku. Hase
ahaatee waxay Islaamiyiintu ahaayeen kuwa diidayey inay
kala miiransho ku timid iyaga. Waxay waqtigaas Islaamiyiinta
uu horboodo ururka Al-itixaad ku fekerayen in meel ka
mid ah Soomaaliya ay ka dhisaan nidaam Islaami ah oo
waqtiga dambe ku baaha Soomaaliya oo dhan.
Kolkii Soomaalidu faraha kula jirtay dagaalkii sokeeyey
ee dhiiga badan ku daatay. Islaamiyiintu gaar ayey u
taagnaayen iyagoon qabiilna la safan. Kama maqnayn inay
abuurayeen cudud ciidan oo dhinac walba kaga wanaagsan
maleeshiyaadka qabaa’ilka ee sida waxshnimadda ah u
dagaalamay.
Qodobadii
Saxaafadda soo saareen halkaan ka akhriso
Gen.MFCaydiid .

14 Aprile 1991-dii ayey Islaamiyiin si sibiq ah
waxay u galeen dagaalay kaga horimanayeen maleeshiyaadkii
USC-da una hogaaminayeey Gen.MFCaydiid Buundada
Araare una dhow magaaladda Jamaame gobolka Jubadda Hoose.
Warqad ay Islaamiyiintu u gudbiyeen Gen.MFCaydiid, uguna
sheegayaan inuu ka laabto duulanka uu ku yahay magaaladda
Kismaayo. Waxaa warqadaas Gen.MFCaydiid u gudbiyey xubno
ay isku beel ahaayeen oo ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta.
Waa uu ku gacan sayray baqoodaas. Waxaa la sheegaa inuu
warqadaas gaarsiiyey Shiikh Xasan Dahir hogaamiyaha
USC-da Gen.MFCaydiid . Waxaa la isweydiin karayey sida
Shiikh Xasan Dahir Aweys ku tegey magaaladda Kismaayo?
Sida dad xogogaal ahi ii sheegeen Shiikh Xasan Dahir
Aweys waxaa uu ku sugnaa magaaladda Qoryooley. Kolkii
ciidamadda Daroodku qabsadeen dagaamadda Shabeeladda
Hoose bishii Maarsi 1991-dii dagaalkii loo yaqaanay
rogaal celinta. Lama aqoon Shiikh Xasan Daahir. Waxaase
laga baqay inay dad aan xil kas ahayn farta ku fiiqaan
xilli Soomaalidu isu ugaarsanaysay qabiil qabiil. Xubno
ay saxiib ahaayeen una badnaa Al-itixaad ayaa si hufan
uga soo saaray Shiikh Xasan Dahir Qoryooleey, una soo
gudbiyey Kismaayo. Inta uu joogay Kismaayo waxaa uu
ku sugnaa Xeradda Ciidamadda ee Guulwade. Halkaas ayaa
waxay saldhig u ahayd Dagaalyahanada Al-itixaad. Waxaa
uu isku dubariday hawshii ciidamadda ee halkaas ka socotay.
Uma dhegjalaq siin xaalada kolkaas ku sugnayd Kismaayo
oo ahayd halka laga soo duulayey Muqdisho. Waxaa Shiikh
Xasan Dahir ahaa mid ku hawlanaa hawlihiisa uu hayey
ee ku aadanaa Maktabka Jihaad ee Al-itixaad. Ma ahayn
waqtigaas nin caan ah oo si weyn loo wada yaqaano.
Islaamiyiinta Al-itixaad waxaa saldhigyadooda Kismaayo
kala ahaayeen Saddexda meelood ee ahaa xeradda Guulwade,Dekadda
Kismaayo,Xarunta Keydka Shidaalka Kismaayo. Waxaa lagu
qiyaasi karay xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa magaaladda
Kismaayo ugu yaraan Sideed Boqol oo dagaal yahan oo
tababaran , diyaarna u ahaa inay dagaal galaan.
Gen.Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ku gacan sayray baaq
Islaamiyiintu u doreen.. Waxaa uu dhinaciisa u soo jeediyey
talo ah inay xeryahooda ciidankoodu ku ekaado. USC Waxay
ka helayaan amaan ah inaanay faragashan dooni hawlahooda
u gaarka ah. Shiikh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ahaa
xubnaha qoraalka soo gaarsiiyey Gen.MFCaydiid isagu
dib uguma noqon Kismaayo ee waxaa uu u soo kicitimay
dhinaca magaaladda Muqdisho.
Sidoo klae ayaa Al-itixaad waxay isku khilaafsanayd
dagaalka laga bar bar dagaalamayo qabiilooyinka. Shiikh
Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa kula taliyey hogaamiyayaasha
ciidamada Al-itixaad ee tira ahaan u badnaa qabiilka
Daroodka inay faaruqiyaan xeryaha Ciidan ee ay ku leeyihiin
Kismaayo, loona raro ciidamadda Dhooblay. Sidan waxaa
ii sheegay xubin ka tirsanan jiray Al-itixaad oo aan
ku waraystay Bosaaso, igana codsaday inaan xusin magaciisa.
Waxaa kaloo uu intaas iigu daray garabkii ciidamadda
ee Al-itixaadkii Kismaayo joogay inay ahaayeen koox
si gaar ah u doonaysay inay awood helaan. Waxa kaloo
uu yiri:-
’’ Muqdisho waxaa nooga yimid xilligaas aan joognay
Kismaayo 1991-kii Wafdi ka socday Al-itixaad. Waxay
noogu caqli celiyeen inaan la gelin dagaal lala safto
qabiilooyinka. Iyagoo ka digay hadii lala safto qabiilooyinka
ururka Al-itixaad ku yeelan doono raad. Taladaas waxaa
diiday hogaankii dagaalyahanadda Al-itixaad ee Kismaayo
iyagoo qiil ka dhigtay inay naftooda daafacayaan.’’
Dagaalkii ka dhacay Araare waxaa uu ahaa mid u dhexeeyey kooxaha
Islaamiyiinta iyo USC-da uu hogaaminayey Gen.MFCaydiid.
waxaan goobjoog u ahaa Aniga Cabdishakuur ahi in dagaalkaasii
ahaa mid faraha laga gubtay. Iyadoo dharbaaxo culusi
ku dhacday maleeshiyaadkii USC-da. Halis ayuu galay
hogaamiyihii Gen.MFCaydiid inuu u gacan galo kooxihii
Islaamiyiinta ee ka dagaalamayey goobta Araare.
Waxaa xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugnaa xeradda Guulwade
ee magaaladda Kismaayo dagaal gelinaayey xubno afar
ahaa oo ka soo dagaalamay wadanka Afganistaan, uuna
ka mid ahaa ninka lagu magcaabo Ibraahim Afqaan iyo
Sheikh. Col.Maxamuud Ciise (Abuu Muxsin), intaanu dhinaca
Muqdisha u safrin Xasan Dahir waxuu masuul ka ahaa Maktabka
Jihaadka iyo weliba isagoo ahaa ku xigeenka hogaamiyha
ururka Al-itixaad. Hogaamiyaayaasha Al-itixaad ee dagaalka
lagaga hortagayey Gen.MFCaydiid waxay u arkayeen fursad
qaali ah gelitaanka dagaalka iyo inay degaankaas ka
abuuri karaan awood Islaamiya oo waqtiga dambe hanata
wadanka Soomaaliya oo xilligaas ku jiray biloowgii dagaalka
sokeeye iyo abuuris dawlad Islaami ahba. Sida uu ii
sheegay mid ka mid ahaa dagaalyahanadii Al-itixaad waxaa
jiray khilaaf aan soo shaac bixin ee u dhexeeyey rag
dagaalka Islaamiyiinta Hogaaminayey gaar ahaan labada
nin ee ciidamadda Al-itixaad goobta dagaalka masuulka
uga ahaa Faarax Xasan (Waji Xun) iyo Cabdulaahi Raabi
Kaahin.
Dagaalkii Araare waxaa ku gacan sareeyey Islaamiyiinta
oo si adag isaga caabiyey duulaanka xoogagii USC-da.
Islaamiyiinta ayaa waxaa dhabar wareemay xoogagii
ka soo horjeeday USC-da ee uu hogaaminayeey Gen.MSMorgan
oo iyagu is tusay hadii Islaamiyiintu guulaystaan inaan
gacani wax ugu jireyn laga saari doono degaanka si isku
mid ah iyaga iyo USC-daba. Waxay ka doorbideen guusha
Islaamiyiinta inay magaalda Kismaayo gacanta u
gasho Gen.MFCaydiid .La soco
11-aad
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new