Happy
New Year 2009
FARXADDII GUULDARRADA :-Maxaakimta & la Dagaallanka
Argagaxisada 8-aad
Somalia
, 13 Febaury
2009 Waagacusub Media
« Fursadda
8aad
Adeegsiga xeeladaha dhagarta
Fursadaha ay ka faaiidaysteen ururka midowga maxkamadaha
waxaa ka mid ahaa sida argagaxa leh ee ay u adeegsadeen
khiyaanooyinka, taasoo aan laga malaysan karin dad diin
sheeganaya.
Hoggaamiyaasha soomaalida iyo taageerayaashoodu aqoon
uma lahayn sida diinta islaamku uga digtay una cadddaysay
inay jiraan dhagar qabayaal ku ganbada diinta islaamka.
Aqoonyaridaas hoggaamiyaashu waxay keentay in kuwa sida
dhagrta ah u adeegsada diinku isugu kala qaybiyaan afar
qaybood oo kala ah:-
1. Qayb la shaqaysa hoggaamiyaasha, oo isugu muujisa
saaxiibka koowaad ee ugu dhow, si ay ugu fududaato bixinta
xogaha, ka fogaynta dadka wanaagsan, kala furfurka iyo
iska horkeenka taageerayaasha iyo burburinta wax kasta
oo wax tar u ah hoggaamiyaha.
2. Qayb la shaqaysa hoggaamiyaha lakiin ay isku xunyihiin,
si toosana uga hor yimaada wax kasta oo muhiim u ah,
iyagoo taageerayaasha ku qancinaya in hoggaamiyuhu xunyahay,
dariiqii ka weecday, ayna tahay in layska tuuro IWM.
labadan kooxood ee ka tirsan ururka ama maamulka hoggaamiyaha
marka hoggaamiyuhu tamar darreeyo ama wahaabiyadu xoog
yeelato waxay ku dhawaaqaan inay ka bexeen maamulkiisa,
ayna ku biireen dadka khayrka wada!! oo ay uga jeedaan
Wahaabiyada.
3. Qayb ku noqota mucaaradka ugu fog. Qaybtan waxay
canbaareeyaan gaalo ku sheegaan hoggaamiyaha iyo qof
kasta oo la shaqaysa ama taageerta, waxayna awooddooda
isugu geeyaan weerarrada iyo dacaayadaha ka dhanka ah;
waxay soo jiitaan ama la midoobaan cid kasta oo kasoo
horjeedda xataa hadday gaalo tahay.
4. Qayb iska dhigta dhexdhexaad!, waana qaybta ugu xun,
waxay u sheegaan hoggaamiyaha inay dhexdhexaadinayaan
isaga iyo wadaadada! ka soo horjeeda; waxay ka faaiidaystaan
meel kasta oo laga wareemi karo hoggaamiyaha iyo fursad
kasta oo looga faaiidayn karo wahaabiyada.
Afartan Qaybood waxay iska kaashadaan sidii ay u guulaysan
lahaayeen wahaabiyadu, waxay iska kaashadaan burburinta
awoodda hoggaamiyaasha; waana iska caddahay in hoggaamiyaasha
Soomaalidu aanay lahayn siyaasadd ay isaga badbaadin
karaan dad ilaa heerkaas u diyaarsan khiyaanada, iyagoo
adeegsanaya magaca diinta islaamka.
Sida xaqiiqada ah, munaafaqnimada iyo khiyaanadu waa
hubka ugu culus ee ay adeegsadaan al-itixaadka wahaabiyada
iyo ikhwaankoodu. Waa farsamada ugu weyn ee ay isticmaalaan
marka ay doonayaan inay gaaraan danahooda bidcannimo.
Waxay ammaanaan qof kasta oo ay u arkaan in dan ugu
jirto ammaantiisa, noocuu doono ha ahaadee.
Waxay ammaanaan qof ay aad u neceb yihiin khayr ama
shar midduu doono ha lahaadeee,waxayna u ammaanayaan
inay ka diyaarsadaan sidii uu gacan uga gaysan lahaa
burburintiisa iyo halaajinta awooddiisa ama jiritaankiisaba.
Aan wax yar ka tilmaanno khiyaanooyinka ay kula dhaqmaan
ciddii dani ka gasho:-
Qoraal ay u direen dawladdii sal-ballaar ee Xuseen Caydiid
madaxweynaha ka ahaa iyagoo muujinaya inay dawladdaas
taageersan yihiin, waxay u qornayd sidan:
Muqdisho
24- 8- 96
ku: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee J. Soomaaliya
ku: Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta J.Soomaaliya
og: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
og: Golaha Hoggaaminta Qaranka ee J. Soomaaliya
Ujeeddo: Codsi oggolaansho shir culamaa’udiin Soomaliyeed.
Waxaan codsanaynaa in naloo oggolaado in aan qabanno
shirka kor ku xusan, kaas oo ah mid daba yaal Baaqii
Madaxwaynihii hore allaha u naxariistee Gen Maxamed
Farax Caydiid ee ahaa:-
Culamadu ha midoobaan, hana keenaan qaabkii loogu dhaqmi
lahaa shariicada islaamka, shirkaasoo ujeedadiisu tahay
in la mideeyo aragtida culamada Soomaaliyeed, si ay
uga qayb qataan dhismaha waddanka.
Waxan ka rajeyneynaa madaxda sharafta leh ee warqaddani
ku socoto in ay naga oggolaadaan gacanna nagu siiyaan
qabashada shirka kor ku xusan.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka culamada Soomaaliyeed
Sh. Cumar-Faaruq Cabdi Suldaan Xaaji Maxamed.
1/10/1416 oo ku beegan bishii 2-aad sannadkii 1993 wakiilkii
wahaabiyada kismaayo C/raxmaan Maxamed Jibriil wuxuu
yiri :
“Moorgan waa amiirkii mu’miniinta haddii uu maanta joogi
lahaana isaga ayaa salaadda na tujin lahaa oo imaam
noo noqon lahaa”
21/8/1996 waxaa aniga xafiiskayga yimi qaar ka mid ah
hogaamiyaalka wahaabiyada al-itixaadka iyo ikhwaanul-muslimiinka
oo kala ahaa:
Cumar faaruuq Sh. Cabdi Suldaan
Cornel Xasan Daahir Uways
Jabriil Afrax Ayaanle iyo Yuusuf Cali Caynte oo wakiil
ka ahaa Sh. Maxammed Macallin.
Waxay iisoo gudbiyeen farriin ay iga codsanayaan in
aan ka mid noqdo xubnaha ugu muhiimsan shirkooda.
Sidoo kale waxay ii soo gudbiyeen qoraal gaaban oo uu
ku saxiixnaa sheekha wahaabiyada Soomaaliya cumar Faaruq,
wuxuuna u qornaa sidan:
??? ???? ?????? ??????
??? ???? ??? ????? ???????? ????? ??? ?????? ???? ???
?????? ????? ????? ???? ??????? .
??? ???? ??????? ?????? ???? ??? ???? ????? ????? ?????
???????
????? ?????? ??? ?????? ??????, ?? ??? ???? ????? ???????.
????? ??? ??????? .
????? ?? ?????? ????????? ?????? ????? ???????
???????: ???? ???? ??????? ????? ??? ????? ??? ??? ?????
7- 4- 1417?? ??????? 21- 8- 1996
Ujeedadoodu ma ahayn inay mideeyaan culimada ama ay
itixgelinayaan ama ay ahlu sunna waljamaacah khayr u
wadaan, waxayse ahayd inay helaan kalsoonida dariiqooyinka,
mudarrisiinta iyo taageerayaalka ahlu-sunna wal-jamaaca.
Annagoo ka faaiidaysanayna aqoonta aan u leenahay ula
jeedooyinka wahaabiyada waan fashalinnay shirkaan iyo
isku dayo aad u fara badan oo wahaabiyadu ku diyaarsanayeen
danahooda al-itixaadnimo.
Waxaa faham iyo xusuus mudan, Haddii aad aragto wahaabiyo
ku tixgelinaysa, kula tashanaysa, kula midoobaysa, kula
hishiinaysa ama ku ammaanaysa waxaa ku yar awooddii
ay kugu muquunin lahaayeen, waxayna kaa diyaarsanayaan
sidii ay awood ugu heli lahaayeen burburintaada.
Marka aad dhuuxdo hab dhaqanka wahaabiyada waxaa kuu
caddaanaya in mabad’a ama fikriga wahabiyadu ku xoogaysan
karo waddan ay ku nool yihiin mujtamac ama shacab uu
aad u hooseeyo wacyigooda diineed, siyaasadeed iyo bulsho,
kuma sii jirto haddii waddankaas ka jirto dagaallo,
gaajo, jahli IWM.
Dhagarahoodu ma ahan intaan oo kaliyah. Matallan marka
ay doonayaan inay maxkamad aasaasaan waxay marka hore
ku tallaabsanayaan muáamarado cirka ku shareera
nabadgelyada.
Markey dadku isla dhawaaqaan ayey yiraahdaan saw ma
aragtaan in loo baahan yahay maxkamad nabadgelyada sugta.
Sidaas awgeed xeeladda iyo dhagartu waxay ka mid ahaayeen
fursadihii maxkamadaha! midawga wahaabiyadu uga faaiidaysteen
dagaalkii uu kala taageerayey ajnabigu. .la soco

W/Q Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca (Somalia)
Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new