Happy
New Year 2009
FARXADDII GUULDARRADA :-Maxaakimta & la Dagaallanka
Argagaxisada 7-aad
Somalia
, 06 Febaury
2009 Waagacusub Media
« Fursadda
7aad
Colaadda qabiillada iyo dicaayada wahaabiyada
Waxay midawga wahaabiyadu ka faaidaysteen Colaadihii
qabiilooyinka u dhexeeyey muddadii dagaallada sokeeye.
Waxay soo cusboonaysiiyeen colaadahaas waqti laga soo
kabsanayo oo dadkii isu soo dhowaadeen.
Waxaa xaqiiqa ah hogaamiyaalka dagaalka ee al-itixaadka
wahaabiyadu waxay geysteen danbiyo ka wayn kan hoggaamiya
kooxeedyada, laakiin waxay ka faaiidaysteen dadka oo
aan waaci ahayn, danaystayaal qariya danbiyadooda, fulayaal
cabsada, iyo wahaabiyada oo aad u dicaayad badan, kuna
ganbata diinta.
Hoggaamiyaasha ooy aad u liidato xeeladoodu, culammada
wanaagsan oo aan haysan wax tas’hiilaad ah oo ay ummadda
uga badbaadiyaan wahaabiyada, saxaafadda oo aad ula
safan wahaabiyada oo sababtay in wahaabiyadu helaan
fursado ay dad badan uga qariyaan danbiyadooda lagama
soo waaqsadaanka ah.
Hal kudhigyada ay dadka ku dagaal geliyeen waxaa ka
mid ahaa: “ma reer hebelkii iyo nimankii 16-ka sano
idin hor taagnaa ayaad maanta taageeraysiin, ama aad
diidaysiin in lala jihaaado!! iyo erayo kale”.
Qalinku wuu ka yaxyaxayaa inuu qoro xaqiiqada habkii
maxkamadaha! wahaabiyadu u isticmaalayeen adeegsiga
qabiilka.
· Qabiillada qaar waxay ku dagaal gelinayeen
maanta ayaad hesheen fursaddii aad uga aarsan lahaydeen
reer hebel.
· Qaar waxay ku lahaayeen ma waxaad doonaysaan
in reer hebel idinka aarsadaan, haddaadnaan maanta is
difaacin.
· Qaar waxay ku dhahayeen saw reer hebel ma aha
kuwii hor istaagay madaxweynihii qabiilkiinna.
· Qaar kale waxay ku oranayeen sow reer hebel
ma aha kuwa idin haysta, maanta ka faaiidaysta dagaalkan
si aad u xorowdaan.
· Qaar waxay ku dhahayeen reer hebel waa kuwii
idin laayey, waxna idinkama siin dekedihii iyo garoommadii
ay idinku dul samaysteen.
· Qaar waxay ku dhahayeen weligiin waa laydin
haystey, waxba maadnaan ahayn maanta ka faaiidaysta
maxkamadaha islaamka.
· Qaar waxay ku dhahayeen maanta waa fursaddii
aad ku degi lahaydeen guryihiinnii laydinka bililiqaystay.
· Qaar waxay u sheegayeen inay dan u tahay in
la jebiyo awoodda reer hebel, oo markaas iyagu soo baxayaan.
Intaas waa waxyaalaha loo sheegayey qabiilka, waxaase
ka badnaa waxyaalahii ay u sheegayeen ururrada, hay’adaha,
shaqsiyaadka, firqooyinka diinta!, ganacsatada, shaqaalaha,
danlayda IWM.
Subxaanallaah!,aaway dadka aqoon-yahamiintiisii, wax
garadkiisii, siyaasiintiisii, saraakiishiisii, gabdhihiisii,
dhallinyaradiisii iyo dhammaan qaybihiisii xaqa loogu
lahaa wax tarka iyo garashada!!!.
Ugu yaraan maxaa loo weydiin waayey kuwa hoggaaminaya
dagaalka wahaabiyada ee la baxay midawga maxkamadaha
:
· Idinku yaad tihiin? Illayn cidna ma reebine.
· Maxaa loogu sheegi waayey in intooda badani
yihiin kuwii ku taajiray hantida ummadda.
· In bililaqadii hantida shacabku weli gacantooda
ku jirto.
· Inay safka hore kaga jireen dagaalladii qabiilka,
burburka iyo fitnada.
Waxaad yaabaysaa marka aad maqasho masuuliyiin, barafasorro,
saraakiil, iyo odayaal ammaanaya maxkamadahan! Bidcada
iyo wax qabadka wahaabiyada, iyagoo aad arkayso inay
ku beegayaan ammaantaas dano ay markaas leeyihiin, waxaad
mooddaa inaanu wax dan ah ka lahayn mustaqbalka.
Waxaad arkaysaa in aanu wax aqoon ah u lahayn taariikhda
iyo xaqiiqada cidda uu taageerayo.
Waxyaalahaas oo dhan waxay kaalintooda ka qaateen fursadihii
maxaakamadaha al-itixaadku uga faaiidaysteen dagaalkii
la magac baxay farxaddoodii guul darrada .la soco

W/Q Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca (Somalia)
Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new