Happy
New Year 2009
FARXADDII GUULDARRADA :-Maxaakimta & la Dagaallanka
Argagaxisada 5-aad
Somalia
, 30 Janaury
2009 Waagacusub Media
« Fursadda
6aad
Khilaafka Hoggaamiyaasha
Fursadda kale ee ay ka faaiídaysteen midawga
wahaabiyadu waxay ahayd khilaafka iyo is aamin la’aanta
aan xalka lahayn ee muddada dheer u dhexeeysey hoggaamiyaalkan.
Wahaabiyadu gacan fiican ayey ka gaysteen kala fogaanshaha
hogaamiyaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya wacyi yaridooda
hoggaamineed. Shir kasta oo ay ku hishiin waayaan wuxuu
fursad u noqonayey wahaabiyada.
Si ay uga gaaraan hadafkooda marba qayb ayey la safanayeen,
gaar ahaan kuwa markaas looga itaalka roonyahay qabqablanimada.
Markii ay dareemaan isu soo dhawaanshaha hoggaamiyaasha
waxay u muujinayeen taageero laqdabadu u dhammays tiran
tahay.
Isla markaaba waxay si degdeg ah u billaabayeen tillaabooyin
ay ku jillaafaynayaan isu soo dhowaanshaha. Waxaan tusaale
ka dhigan karnaa hishiiskii loo yiqiiin Hishiiskii Qaahira.
Hishiiskan waxaa wada gaaray hoggaamiyaal Soomaali ah
oo ay hormuud u ahaayeen kuwii muqdisho. Hishiiskaan
aad ayey uga naxeen wahaabiyadu, waxay u arkeen in ay
ka dhalan karto awood hoggaamin, gaar ahaan gobolka
banaadir.
Bishii 6-aad 1997 Meel kastoo ay Xamar ka joogeen waxay
taageereen hishiiskan, waxay hoggaamiyaashoodu idaacadaha
iyo wargaysyada ka baahiyeen oraahdoodii ahayd :
“waxaan taageersannahay geeddi socodka nabadeed ee ay
wadaan Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi, dadweynaha soomaaliyeedna
waa inay taageeraan guushaas”.
Taageeradaan oo kale waxaa soo wada saaray Cornel Xasan
Daahir Uweys oo ku saxiixay magaca ururka Al-Ictisaam
oo lagu beddelay magacii Al-itixaad iyo Yuusuf Cali
Caynte oo ku saxiixay ururka al-ikhwaanul-muslimuun.
Dhanka kale, waxay ka wadeen abaabulka sidii ay afka
ciidda ugu geli lahaayeen hishiiskan ay u tageereen
habka munaafaqnimada ah.
Sidaas awgeed waxay isla markiiba billaabeen samaynta
maxkamaddii ifka xalan ee lagu furayey magaca beesha
Cayr, iyo xoojinta maxkamaddii shirkole oo lagu furay
magaca beesha Sulaymaan.
Waxaa xusuus mudan, Mar kasta waxay samaynta maxkamadahan
billaabaan marka ay doonayaan inay carqaladeeyaan barnaamij
noocaan oo kala ah. Sidoo kale waxay samaynayeen qalqal
gelinta ammaanka iyo dhiirra gelinta isbaarooyinka si
ay ugu guulaystaan fashalinta hishiiska iyo in loo baahdo
maxkamadahooda.
Haddii culammada ama wax garadku sheegaan khaladaadka
habka loo diyaarinayo maxkamadahan diin ahaan iyo xag
kastaba, waxay wahaabiyadu ku dhawaaqayeen: waxay diidayaan
horumarka qabiilkeenna!, waxaa soo dirsaday reer hebel
iyo erayo kale oo lagu kicinayo dadka garashadoodu hoosayso.
Kicinta caadifaadda qabiilka ee wahaabiyadu adeegsanayeen
Waxaa fursadaha ugu badan siinayey khilaafka iyo kala
fogaanshaha hoggaamiyaasha waayo khilaafkoodu wuxuu
door weyn ka qaadanayey sii aamminsanaanta qabyaaladda
iyo hishiis la’aanta ummadda.
Hoggaamiyaasha kooxuhu waxay ku fashalmeen hishiisyo
badan oo inta badan lagu qabtay dalka dibaddiisa, hishiisydan
waxaa ugu danbeeyey kii Embegathi ee dalka kenya.
Hishiiskan waxaa mooddaa inuu ka raja roon yahay kuwii
hore, waayo waxay hoggaamiyaashu ku soo dhisteen dawladda
ku meel gaarka ee Federaalka Soomaaliya.
In kastoo ilaa iyo hadda aanay ka muuqan ka faaiidaysiga
fursaddaas oo ay durbadiiba muujiyeen khilaaf dhexdooda
ah.
Markii dawladdan la dhisay Sidii caadada u ahayd wahaabiyadu
waxay boorka ka jafeen maxkamadihii ay awelba ku soo
beegi jireen marka ay dareemaan maamul lagu samayn karo
awood dawladnimo.
Waxaa la ogsoonyahay in maxkamadaha wahaabiyadu aanay
wax macna ah lahayn markii lagu dhawaaqayey dawladda
fadaraalka Somalia.
Intaas waxaa u wehliyey mar kale ayey wahaabiyadu heleen
fursaddii ay ka faa’iidaysan jireen ee khilaafka hoggaamiyaasha;
waxaa markiiba is afgaran waa ka dhex dhashay hoggaamiyaashii
muqdisho oo wasiirrada ka noqday dawladii federaalka
iyo madaxweynihii dawladda C/llaahi Yuusuf Axmed.
Si ay u kala firdhiyaan sidii caadada u ahayd, wahaabiyadu
waxay soo dhoweeyeen xiriirna la sameeyeen wasiirradii
gadoodsanaa iyagoo adeegsanaya magaca qabiilka hawiye.
Qaar ka mid ah hoggaamiyaalkan iyo wahaabiyadu waxay
horay u wada sameysteen ururkii ay ku magacaabeen Samata
bixinta.
Arrintan waxaa la sheegaa inuu kaalin mug weyn ku lahaa
madaxweynihii dawladdii Carta C/qaasim Salaad xasan,
oo dana badan ka lahaa dibin-daabyaynta dawladdii fadaraalka
iyo taageerada wahaabiyada al-itixaadka.
Intaa kadib hoggaamiyaalkii kooxuhu waxay horseed ka
noqdeen isbahaysigii la magac baxay la dagaallanka argagaxisada,
waxayna la dagaallameen huwantii la baxday midawga maxaakimta.
Dagaalkaas waxaa ka ka muuqanayey raadkii ka dhashay
khilaafkii iyo is aamin la’aantii horay u halakeeyey
hoggaamiyaalka kooxaha. Ma jirin hal dagaal oo ay isula
galeen si wada jir ah, taas ayaana ka mid ahayd waxyaalaha
lagu tiriyo guul darradii kala eridey iyo fursadihii
al-itixaadka iyo shababkooda.
Sidaas darteed, khilaafka iyo heshiis laáanta
hoghgaamiye kooxeedyadu ma ahayn oo kaliya caqabad ka
mid ah heshiis la’aanta Soomaaliya, balse waxay noqotey
fursad ka mid ah sababihii looga adkadey.
la soco

W/Q Guddoomiyihii ahlu-sunna wal-jamaaca (Somalia)
Sheekh Cabdirasaaq Yuusuf Aadan
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka
dhageyso

Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new