Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Puntland oo colaad ka aloosan tahay.

Puntland  9 March 2009 Waagacusub Media

Kordhinta Canshuuraha laga qaado ganacsatada ayaa waxay ku soo aadaysaaWaqti ay Dowlad goboleedka Puntland soo food saartay xaalad colaadeed oo dhamaan gobolada oo dhami ka jiraan colaad iyo saansan colaadeed tusaalena aan uga soo qaadan karnaa dagaalka ka hurmay degaanka Ufeyn ee gobolka Bari oo ay isku dagaalayaan labo beelood oo wada dega.
 
 
Dagaalada ka socda degaanka Cagaaran ee u dhexeeya labo beelood wada dega, gadoodka ciidamada Daraawiishta jiida Laascaanood ka dib markii uu madaxweynaha soo saaray in ciidanka daraawiishta ay mushaharkooda ka horeeyo tirokoob iyagoo aan in muddo ah wax mushahar qaadan joogna furinta, magaalada Galkacyo oo habeen waliba ka dhaco dilal iyo dhaawacyo, degmada Qardho oo dagaal dhexmaray ciidamada Boliska iyo koox dhalinyaro ah halkaas oo ku geeriyoodeen sadax ka mid ah dhalinyaradii joogtay isbaarada halka nin askari ahna ku dhaawacmay ayaa dowladu u turjumtay in ay taliyaha ciidanka watay aan cidna dirsan lalana ogeyn halkaas oo ay kala dhexdhacday beesha uu ka soo jeedo taliyaha ciidanka markaa watay iyo beesha ay ka geeriyoodeen dhalinyarada sadexda ah halkaas oo ciidamadii la xiray loona gudbiyay maxkamada Islaami ah waxna lagu waayay maadama ay cadeemo iyo qiraal laga waayay.

Magaalada Bosaaso oo habeenimadii ugu danbeeyay ka jireen dilal iyo dhaawacyo ayaa habeenkii xalay ahayd ciidamada booliska lala beegsaday qarax aan sidaas u weyneen, qaraxaas oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac halka ciidmada dowladana ay rasaas la beegsadeen dadweyne halkaas ku sugan.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa soo saarey xeer Lambarkiisu yahay 16, kuna saabsanaa Qiimaha Doollarka iyo qaadista Canshuurta dowlada 100%.

Sida lagu sheegay qoraalka warqada ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed waxaa xeerkan uu ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay Shirka todobaadlaha ee golaha Xukuumadda.

Xeerka xafiiska madaxweynaha Puntland waxaa uu ka koobnaa labo qodob oo kala ahaa:

1.In laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/03/2009,qiimaha Canshuurta halka Doolar, ooh ore u ahaa 22,000/Sh/So laga dhigay 28,000/Sh/So,halka Doolar,laguna qabanayo Canshuurta Dawladda.

2.In Canshuurta Dawladda loo qaado si buuxda 100% siiba qaadka ee loo samayn jiray waxa loo yaqaan discountka.

Soo saaristan xeerkan waxaa madaxweynaha Puntland uu u cuskadey Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad, haddaba waxay dadweynaha iyo ganacsadata reer Puntland is weydiinayaan wax ka qabad la'aanka iyo ururinta lacageed ee dowlada ay ku macneeyeen dowlad aragtideedu tahay sidii ay bank-yadeedu u buuxin lahayeen aan dan ugu jirin shacabka ay masuulka ka yihiin arintaan ayaa dadku ku noqtay ma isbedel doonkeeni ayaa sidaan noqday, haddiiba sidaas tahay waxaana ka sii daran wax u qarsoon dowlada aan bilaha la timi maslax siyaasadeed ee aan danta shacabka ka maran iyo dulqaadkaba.

Dhan kale waxaa iyadna hoos socto dareen ay bulshada reer puntland qabaan oo ah in ay jiraan lacago la daabaco kuwaas oo aan weli suuqa la keen balse sida la dhexmaraayo lana rabo in waqtiyo dhow lagu xalin doono mushkilada iyo howlaha dowlada

far.hayder@yahoo.com
C/samad Xaydar
Garowe Nugaal
Puntland

 

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new