Somalia:Moderate
Islamists declare Jihad against Al-Shabab
By Alasow Clickhere
Somalia:People supports
government in rallies By Alasow Clickhere
Ahlusunna
oo Shabaab kaga adkaatay dagaal Baardheere ku dhexmaray.
Bardheere 9 March
2009 Waagacusub Media
Shan ka tirsan garabyada dagaalamayay iyo qof rayida
ayaa ku dhaawacmay dagaal ka qarxay Magaaladda
Baardheere.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay kooxda Alshabaab iyo
xoogaga kasoo horjeeda ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa
soconayay mudo daqiiqado ah halkaas oo aan la ogeyn
khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay waxayse kooxda
Shabaabka sheegteen in dagaalka ay kaga dhaawacmeen
sedex askari oo mid uu yahay Sarkaalkii Maleeshiyadooda
watay.
Shacabka degaanka oo is hubeeyay ayaa la sheegay inay
wadooyinka Magaaladda xireen,waxaana la arkayay iyagoo
ka garab dagaalamaya xoogaga hubeysan ee Ahlusunna Wal
Jameeca.
Masaajidada ugu waaweyn Magaaladda Baardheere ayaa
sameecadahooda la dheereeyay iyadoo Culumaa'udiinka
Ahlusunna Wal Jameeca ay bilaabeen qasiidooyin lagu
xusayo dhalashada Nabigeena Muxumaed Nabadgelyo iyo
Naxariis korkiisa ha ahaatee.
Xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay sheegeen inay
guul kasoo hooyeen dagaalkii galabta ayadoo dhankoodana
uu ka dhaawacmay hal qof oo kaliya sida uu warfaafinta u
xaqiijiyay Sheekh C/raxmaan Axmed Al-Ansaari halka
xoogaga Alshabaab sarkaal u hadlay oo lagu magacaabo
Qalbi uu sheegay inay ka guul gaareen dagaalkii la isku
casar gaabsaday wuxuuna qirtay in ilaa 3 askari ay
dagaalka uga dhaawacmeen.
Dhinacyada ay dirirtu ku dhexmartay degmada Baardheere
ayaa dhinac kasta waxa uu sheeganayaa guusha dagaalkii
galabta ayadoo aanay jirin ilo madax banaan oo xaqiijin
kara cidda meesha u hartay maadaama uu dagaalka
biloowday xilli galab gaaba.
Dagaalka u dhaxeeya Ahlusunna iyo Al Shabaab ayaa ka
biloowday ka gadaal markii ay kooxda Shabaab diideen
xuska Nabigeena Muxumad NNKH loo sameeynayo taas oo ay
ka kaceen Culumaa'udiinka iyo Shacabka Baardheere.
Waxaa gabi ahaanba joogsaday isu socodka dadweynaha ee
labada dhinac ee ay magaaladu u qeybsan tahay ee Barri
iyo Galbeed ayadoo uu dagaalku saameeyay isu socodka
buundada halkaas oo isku xiri jirtay laba dhinac ee
Baardheere.
Culimaa-udiin, Waxgarad iyo aqoonyahano ayaa ku
tilmaamay dagaalka ka biloowday magaalada Baardheere mid
aan loo baahnayn waxayna ugu baaqeen dhinacyada ay
dirirtu u dhaxeyso inay si degdeg ah oo aan shuruudi ku
xirnayn ay u joojiyaan dagaalka.
Xaalada guud ee degmada baardheere ayaa dagan caawa
ayadoo aan la ogayn waxa xigi doona ayadoo dadka
deegaankana ay walaac ka muujiyeen dagaalka galabta ka
biloowday galbeedka degmada.
Wixii kasoo kordha xaalada Baardheere waan idiin soo
gudbin doonaa
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new