Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

GalMudug State oo laga xusay 8March+sawiro

Galmudug State  9 March 2009 Waagacusub Media


Magaalada Gaalkacyo ee Dawlad Goboleeedka Galmudug state ayaa si weyn looga xusay Maalinta loo asteeyay haweenka aduunka ee 8march, waxaana munaasabado dhawr ah lagu qabtay qaybaha kala duwan ee xarumaha arimaha bulshada maamulka Galmudug state ee Gaalkacyo
 


Subaxnimii hore ee saakay ayaa la arkayay wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay socod ku marayaan boqolaal dadweyne ah oo u badan haweenka Galmudug oo ay wehliyaan ardayda wax ka barata dugsiya haweenka Galmudug State.




Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ka turjumaya 8maarso iyo calamo ayay ruxayeen haweenka iyo gabdhaha Aradayda oo ayguna ku labsinaa dharka yunifomka ah aygoona ku qaylinayay MAANTA MAANTA WAA MAALINTII HAWEENKA iyo Erayo kale


Munaa sabadahan oo ay soo abaabuleen ururka haweenka Galmudug state ayaa waxaa hor kacaysay Marwo xabiibo koofurow Gudoomiyaha ururka haweeka Galmudug isala markaasin ah kuxigeenka wasiirka ganacsiga Galmudug state
 


Munaasabad aad ubalaaran oo sidoo kale ka dhacay xarunta wax barashada HORSEED ahana xarunta ururka haweenka MIDNIMO ayaa waxaa ka soo qayb galay Qaybaha kala duwan ee ururada bulshada, dadweyne farbadan iyo Masu’uuliyiinta Galmudug uuna ka mid ahaa Gudoomiayah baarlamaanka Max’d salaad ducaale oo hadal dheer oo uu jeediayay hanbalyo udiray dhamaanba haweenka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabdda maalinta haweenka 8maarso.


waxa Sidoo kale Masuliyiinta xafladda ka hadahsay ka mid ahaa Wasiirka Amniga Galmudug ahna kusimaha Madax weynaha Cumar Suuri Max’uud Rooble, kumishinerka dhaqaalaha Cali Axmed tooyo, xilidhibaan Gayfane, wmarwo xabiibo koofurow wasiir ku xigeenka Ganacsiga, qaamiso cismaan halafo iyo xaliimo neero oo ka tirsan ururka haweenka iyo masu’uuliyiin kale oo dhamaantood qudbadahooda ku muujiayay xuska 8maarso maalinta haweenka aduunka oo meelo badan oo dalka soomaaliya ah si weyn looga xusay 


Sidoo kale masu’uliyiinta dawlad Goboleedka GalMudug ayaa munaasabdda kaga hadalay dhanka nabad Galyada gobolka oo baryahaan falal amni dari ah ay ka jireen waxa ayna balan qaadeen in ay wax muuqda ka qabanyaan


Ugu danbayntii munaasabdda oo ciidadma polic-ka ay amnigeeda sugayeen ayaa ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan

Abdalla Mohamed Abdulle
Galkacyo GalMudug Satate
+25290752260
cabdalla45@hotmail.com
Abdalla@waagacusub.com


Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new