Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Haweenka Wobad oo xusay 8March.+Sawiro

B/xaawo 9 March 2009 Waagacusub Media


Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Horumarinta Ganacsiga Haweenka WOBAD ayaa waxa ay ka dhacday Hotel Col-Ujoog ee degmada B/xaawo.
 
 
Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada B/xaawo haween, aqoonyahano, dhalinyaro iyo waxgaradba ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Degmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus oo lagu sharfay inuu furo munaasabada xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.

Mr. Burkuus ayaa siweyn ugu dheeraaday qiimaha ay haweenka soomaaliyeed leeyihiin, isagoo si gaar ah u xusay in maalintan ay midaynayso haweenka haddii ay yihiin cadaan amaba madoow amaba sida uu hadalka u yiri kuwo muslim ah.


Xaliimo Faarax (Xaliimo Buuro) oo ah guddoomiyaha Ururka Horumarinta Ganacsiga Haweenka WOBAD ayaa dumarka ugu baaqday inay xoojiyaan nabada iyo wax kaqabashada dhibaatada ka oogan dalkooda hooyo.


Dhanka kale xaflad kale oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay taasoo ay soo agaasimeen Ururka haweenka ee HALGAN ee Deg. B/xawo ayaa waxa ay ka dhacday xarunta hay’adda ASEP ee magaalada B/xaawo, halkaasoo ay hadalo ka soo jeediyeen haween ay kamid ahayeen Canab Sh Xasan iyo Batuulo Yabarow oo kamid ah ururka HALGAN.

Mas'uuliyiin ka socday Maamulka degmada B/xaawo oo uu horboodayay Guddoomiyaha Degmada Burkuus ayaa waxaa ugu horreyn uu ka hadlay marxalada ay soo mareen haweenka soomaaliyeed gaar ahaan 19-kii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Degmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus oo daah furay munaasabadaasi ayaa ku booriyay haweenka inay hal meel ah ka istaagaan xaaladda dalka uu ku jiro. Waxaana uu ka codsay in ay dumarka u shaqeeyaan dhanka wanaagsan maadaama ay yihiin mindi labo af leh.


Dhammaan dhinacyadii Haweenka ee ka soo qeyb-galay Munaasabada 8 Maarso ayaa si weyn ugu faraxsanaa in ay goob-joog ka ahaadaan Xuska Maalintan ku weyn Haweenka Adduunka, xili Magaalada B/Xaawo iyo guud ahaan Gobollka GEDO si weyn looga dabaal degay munaasabadahaasi.

Deg. Garbahaaray iyo Luuq aya kamid ah goobaha kale oo ay ka dhaceen xafladahaasi lagu weynaynayo maalinta 8-da maarso oo ku beegnayd maanta.


Mr. Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (C/f Cagayare)
+2525 0 986554
+254 (0) 722474596

Cagayare17@hotmail.com

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new