Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Shabaab oo amar dul dhigay dumarka iyo ganacsatadda

Baydhabo 9 March 2009 Waagacusub Media

Gudoomiyaha Maamulka Bay iyo Bakool ee kooxda Shabaab ayaa haweenka gobolkaas ku amray inay qaataan jalbaab isagoo dhinaca kalena ku hanjabay in tilaabo laga qaadayo haweeneydii lagu qabto iyadoo aan sidan dharka adag ee laga tosho jalbaabka.
 
Haweenka gobolka oo ay ka mid yihiin gabdhaha yar yar ee dugsiyada dhigta waxaan ku amreeynaa inaan xijaabka qaataan sidoo kalena ganacsatada bay iyo Bakool waxaan fareeynaa inay canshuurta bixiyaan,hadii ay diidaana waxaanu xanibo doonaa ganacsiyadooda ama gaadiidkooda isticmaala labada gobolka ayuu yiri Gudoomiyaha cusub ee Shabaab ee isku magaacabay Sheekh Xasan Abu Eyman balse magaciisu saxdaa yahay Khaliif Cadale.

Amiirka cusub ee Bay iyo Bakool u magacaawday kooxda Shabaab wuxuu faray dumarka inay aqbalaan guurka waxa uu ku sheegay Mujaahidiinta Shabaab.

"Gabdhaha gayaanka waa inay guursadaan gabdhaha Mujaahidiinta,waxaana laga doonan doonaa waalidintooda"ayuu yiri Abuu Eyman oo shir Jaraa'id ku qabtay Baydhabo,Halkaan ka dhageyso codkiisa

Ganacsatada waxaa sidoo kale lagu amray inay xiraan goobahooda ganacsi xilliyadda Salaadda,waxaana uu Abu Eyman ku goodiyay in qofkii la qabto waqtiyadda salaadda goobtiisa ganacsi oo furan ay u macna tahay inuu mari doono ciqaab adag.

" Dumarka qaar ayaan heysanin lacag ay kala baxaan jalbaabaha lagu amray,tani waa xadgudub weyn oo darees qaata waa qasab,waxaanu nahay dad Muslima,gabdhaheena waxay qaataan dhar xijaaban"sidaasi waxaa tiri Hooyo Luul Aliyow Mohamed oo la hadashay Waagacusub.

Gaadiidleeyga isaga gooshta bay iyo bakool ayaa sidoo kale cambaareeyay amarka Shabaab waxayna wax lala yaabo ku sifeeyeen in hore Shabaab u dhaheen ma qaadeeyno canshuur hadana bilaabeen inay dadka lacago baada weeydiiyaan.

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new