Somalia:Moderate
Islamists declare Jihad against Al-Shabab
By Alasow Clickhere
Somalia:People supports
government in rallies By Alasow Clickhere
Madaxweyne Kibaki oo qaabilay hogaamiyaha Somalia
Nayrobi 9 March
2009 Waagacusub Media
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa maanta
aqalka madaxtooyadda ee state house Nairobi ku qaabilay
madaxwaynaha dawladda ku meel gaarka ah ee soomaaliya
Sheikh Shariif Ahmed kadib markii wefdiga madaxwaynaha
soomaaliya ay shalay soo gaareen xarunta dalka Kenya ee
Nairobi
Labada hoggaamiye ayaa waxay isla jeex jeexeen
arrimo ay ka mid yihiin ammaanka,xiriirka labada
dal,tababarida ciidamadda soomaaliya,burcadbadeedka iyo
taageerida dadaaladda ay beesha caalamka ku doonayso in
soomaaliya lagu geeyo ciidamo ka socda qaramadda
midoobay kuwaas oo la sheeggay in ay bari gantalayaan
xukumadda soomaaliya ee lagu soo yegleelay dalka jabuuti
Saraakiil sar sare oo ka tirsan xukumaddaha Kenya iyo
somaliya oo kulanka labada hoggaamiye goob joog ka ahaa
ayaa waxay qaxiijiyeen in madaxwaynaha soomaaliya si
diiran logu soo dhaweeeyey xarunta madaxtooyadda markii
ugu horraysay tan iyo markii Shariifka loo idmaday in uu
qabto hoggaanka dalka ay dagaaladu daashadeen ee
soomaaliya
Kulanka maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda ayaa
waxaa sidoo kale ku wehlinayey hoggaamiyaha cusub ee
soomaaliya,wasiirka arrimaha dibadda,qorshaynta
qaranka,gaashaan-dhigga,maaliyadda iyo danjiraha
dawladda soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mohamed Ali
Nuur Ameriko oo kulankaasi kadib saxaafadda u sheeggay
in labada dhinac waxyaabihii ay ka wada hadlayn arragti
midaysan laga qaatay
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku
tirtinsiiyey madaxda soomaalida in ay meel iska dhiggaan
kala duwanaanshahooda xagga siyaasadda islamarkaasna ay
meel uga soo wada jeestaan sidii wax looga qaban lahaa
xaaladda murugsan ee soomaaliya,haddii soomaalidu aysan
iyaga wax dhisan cidna uma soo celin karto amaan oo
haani gunta hoose ayey ka tolantaa
Madaxwaynaha soomaaliya ayaa waxaa horyaalla caqabado
waawayn oo ay ugu horrayso ka shaqaysiinta hay”adihii
dawliga ahaa ee dalka oo gabi ahaanba burburay,in ay
wasaaradaha dawladiisa ay helaan meel ay ku
shaqeeyaan,iyo tan ugu wayn oo ah kooxaha ka biyo
diidsan isaga
Mursal Quule
mursalquule@journalist.com
Nairobi-Kenya
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new