Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Topnews:-QM oo qurba joogta Soomaaliyeed fariin culus dul dhigtay.

Djabuuti  8 March 2009 Waagacusub Media

Ergayga Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa fariin qoraala oo qodobeysay u soo diray dhamaan qurba joogta Soomaaliyeed,wuxuuna ergayga ku bixiyay xog fara badan isagoo ugu dambeyntiina xusay go-aanka golaha amaanka ee dadka ku jira liiska argagixisada iyo in laga saarayo.
 
Ahmed Ould Abdalla wuxuu xusay in kaalinta qurba joogta,isbedelka Somalia iyo moowqifka beesha Caalamka.

Warqadda ku socota qurba joogta Soomaaliyeed oo xafiiska ergayga u soo diray Warbaahinta Waagacusub waxay u qoran tahay sidaan:
Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsaon Arrimmaha Siyaasadda Soomaaliya

Warqad ku socota Qurba-joogta Soomaaliyeed, Salaam Aleikum Saaxiibayaal

Sida aad fahamsan tihiin, hour-marka xagga nabadda iyo deganaanshahaba waxay u socda xawli ka dheereeya inta ay filaayeen dad badan oo Soomaaliyeed ama bulshada caalamka ka mid ah ba. Ayada oo aan joogno dhammaadkii shir muhiim ah oo ay ku yeesheen deeq-bixiyaassha caalamiga ah halkaan, Brussels, waxaan jeclahay in aan warbixin idinka siiyo, isla markaasna idiinla qeyb-sado afkaarta soo socota ee la qaban doono.

Ka gadaal markii la magacaabay Raiisul Wasaaraha, waxaa la dhisay Golihii Wasiirada cusub hal asbuuc oo wada-hadalo ah ka dib. Waxay ka kooban yihiin qaar wanaagsan oo laga keenay TFG-da, ARS-ta iyo banaankaba, dhammaantoodna waxaa ka go’an in ay tixgeliyaan sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed, iyo si dii isafgarad dhexmara dhamaan Ummadda Soomaaliyeed loo heli la haa , kaas oo si aad ah loogu baahan yahay.

Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka, Raiisul-Wasaaraha, Wasiirada iyo Xubnaha baarlaamnakaba way ka guureen Jabuuti, waxayna u guureen Muqdishu. Arrintaas waxay aheyd talaabo aan fududeyn balse waxaa si buuxda ugu heshiiyey geesiyiinta Soomaaliyeed oo garwaaqsaday in loo baahan yahy dhismaha dawlada la geeyo Caasimadda.

Markii aan booqday dalkiina, bilihii Nofembar 2007 iyo February 2008, kuwii weday dagaalada, waxay farta ku fiiqaayeen joogitaanka Itobiya, kuwa taageersanaa qaska waxay mar-marsiyo ka dhiganaayeen joogitaanka Ciidamaada Itobiya. Haddana, hal bil ka dib markii ay baxeen ciidamaddii Itobiya, weli gumaadkii baa sii socda. Dadka arrimmaha Soomaliya u dhuun- daloola, waxay hore u sheegeen in sababta runta ah ee wax loo dilaayo aysan aheyn joogitaanka Ciidamdda Itobiya. Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan hadlaayo, idinka oo ka codsanaaya kuwa wax dilaaya in ay joojiyaan daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Way qaldan yihiin kuwa ku adkeysanaaya inay wax dilaan, afduubaan ama galaanba denbiyo kale haddii ay u heystaan in arrintu sidii hore ee caadiga aheyd ay isaga socon doonto sidaas maaha walaahi. Horey dadkaani waxay u dilijireen walaalahooda, bulshada caalamkuna wey iska daawan jirtay, ayada oo marwalba abaabuli jirtay shir cusub oo arrimmaha Somalia looga hadlaayo. Arrinta sikastaba ha ahaatee, xaalkaasi wuu dhammaaday hadda. Dadkiina, saaxibadiina, iyo deriskiinaba, dhammaan intuba waxay ka daa-leen dhiiga macna la’aanta loo daadinaayo. Ayaga iyo bulshada caalamkub ma ogolanayaan in dhiigo iska socdo. Annaga oo wadajira ayaan wada shaqeyneynaa si aan u soo celino madax-banaanidda iyo karaamadda wadanka.

Waxaa jira dareen adag ee heer wadan iyo caalamiba leh, loogan soo horjeedo kuwa ay ka go’an tahay sii wadista qaska ayaga oo sii qabsanaya wadanka ama qeybo ka mid ah. Waxaa xaqiiq ah in dadka ka soo horjeeda qaswadayaasha aynan ogolaanaynin in xukuumadda isbel xun lagu sameeyo. Hadaba ayada oo arrintaan maanka lagu hayo, fadlan u sheega kuwa doonayaa in Somalia ay ahaato wadan gunta ka-kala qeybsan in ay joojiyaan qaska, xoogooduna isugu geeyaan geedi socodka nabadda, naftooda wax utaristeeda, tan eheladooda iyo tan dadka ay dhibaateynayaanba. Hadiise ay dhibaatadaan ay u samaynayaan xumaan ay ka xunyihiin guusha Sheikh Sharif Sheikh Axmed waa in kuwani akhristaan suuradda quraanka kariimka ah ee birabil Falaq.-- (Suratul –Al-Falaq 113)

Seddex wadan oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka- France, UK iyo USA ayaa shir isgu yimid 25 February 2009 magaalada London, shirkaas oo ahaa mid guuleystay lana doonayay in wax lagu qabto. Haddaba, Goaanka shirka ee ku aadana in lagu taageero nabada iyo xukuumada cusub wuxuu ahaa mid cad oo aan leexleexad lahayn. Waxaa jira baahi loo qabo in dadka loo dhawaado, waxna laga qabto dareenkooda la xiriira arrimmaha nabadgelyada, kaalmada bani’aadanimo, dib u dhiska iyo iso keenista ummadda. Sida dhammaan wadamadda kale ee ay ka jirto nabadda, Somalia waxay xaq u leedahay in Safaarado lag dhex furo, ayna xafiisyo ku yeeshaan wakiiladda ururadda caalamiga ah sida Qarammadda Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Ururka wadamadda Islaamka aduunka iyo wixi la mid ah. Laakin Somalia arrinteedu maanta wey ka duwantahay sida aan soo sheegnay, waa waddan aynna joogin safiiro---- haddaba arrintaani waa in ay dhamaato.

Fikrada Wadamada seddexda ah ee aan soo sheegay (France, UK, USA) waxaa ogolaaday gudiga caalamiga ah ee la xiriirka arrimmaha Somalia, kaas oo anigu aan ku shir gudoominaayey magaalada Brussels intii u dhexeeysay 26-27 February. Shirkaani wuxuu ahaa kii ugu soo qeybgalka badnaa, laga soo bilaabo sannaddi 2005 taas oo aheyd markii la aasaasay ururka. Waxaan hadda ka soo qeybgalay ku dhawaad 30 wadan iyo ururo kale oo caalami ah. Bulshada caalamku waxay balan qaaday in ay si deg-deg oo macquul ah u maalgeliso baahida ugu mudan. Waxaa sharaf idin ah in aad ogaataan in arrin khuseeysa Soomaalidiina qurba-joogta ah laga hadlay dhowr jeer taas oo khuseysa doorka ay ka qaadan karaan geedi socodka nabada. Haddaba, waxaa jira Mashruuc lagu hawlgelinaayo 150 khubaro Soomaaliyeed ah, laguna hawlgelinaayo dadka qurbajoogta ah si loo kaalmeeyo maamulka cusub ee Soomaaliyeed. Annaga ayaa idinkaga soo warami doona su’aasha la xiriirta khubaradaani iyo go’aanka ay ka qaadanayaan wadamada qaarkood kuwaas oo hadal furan la yeelan doona madaxda dadka Soomaalida ah ee wada-madooda ku nool si wax ku ool ah loogu taageero geedi socodka Nabadda ee Soomaaliyeed.

Dadka qaarkii ayaa soo jeediyey waxa laga yeelaayo dadka Soomaaliyeed ee ku jira liiska dadka la doonaayo ee Golaha Amaanka. Haddii aan si kale u iraahdo sideebaa daadkaan looga saari kara liiska. Jawaabteyda waa mid cad oo walaal tinimo ku qotonta. Dad badan baanan caawinaynin dadka Soomaaliyeed, ayaga oo arrintaan jaah-wareer ka abuuraaya. Waxaan dhihi kara dadka Soomaaliyeed ee ku jira liiskan, waxay xaq u yeela-naayaan in laga saaro liiska haddii iyo goorta ay cadeeyaan taageerada ay u haayaan nabadda wadankooda ka socota. Anniga ayaa qof ahaan mas’uuliyad isaga saaraaya in aan difaaco arrimmaha dadkaan haddii ay qaadaan talaabada aan soo sheegnay

Bulshada caalamku waxay si cad u cadeyneysaa taageerada ay u heyso talaabooyinka muhiimka leh ee laga sameeyey dalka gudihiisa. Sida caadadu tahay taageerida qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa mar walba muhiim u ah ka libkeenista guusha waqtiga dhow iyo kan fogba.


Walaalkin,
Ahmedou Ould Abdullah

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new