Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Muwaadin su-aalo kulul waydiiyay Amiirka Shabaab.

Muqdisho  8 March 2009 Waagacusub Media

Email uu noo soo diray akhriste Waagacusub ayuu ku jeex jeexay su-aalo badan iyo arar uu ka dhigtay hordhac oo ku socday Amiirka kooxda khawaarijta Shabaab Ahmed Abdi Godane oo isugu yeera Abu Zubeyr hasse yeeshee qoraalkiisa guud waxaanu ka qaadanay 14 su-aalood iyo ciwaanka uu u bixiyay:-
 
Yoolka Shabaab muxuu yahay?

Maamulkii Maxaakiimta iyo Mujaahidintii u halgantay in Soomaaliya laga xoreeyo cadowga Xabashida, boqolkiiba boqol 100% ayaan taageeray (ardent supporter). Hasa yeeshee beryahaan qulub iyo walaac ayaa i asiibay oo waxaan ku wareeray oo fahmi waayey hadafka kooxaha sheegta Mujaahidinta gaar ahaan Xarakada Shabaab oo eedaha laga tirsanayo ka sokow yoolkeedaba aan la aqoon halkuu ku wajahan yahay. Haddaba Amiirka Shabab Sheekh Muqtaar Abu Zubeyr, waxaan si xushmad leh uga codsanayaa inuu jawaab lagu qanco ka bixiyo su’aalaha hoose:

1.Waxaa la tuhunsan yahay hoggaanka sare e Shabaab inay yihiin Carab & Eshiyaan jooga buuraha Afqanistaan, madaxda Somaaliduna ay yihiin hawlfuliyeyaal aaminsan dhulka Soomaaliyeed inuu yahay garoon tababar iyo waqaf Muslimiinta oo dhan ka dhexeeya, wax dowlad iyo maamul ahna aan laga rabin Soomaaliya ee taas maxaa ka jira?

2.Waxaa la tuhunsan yahay qofkii diida afkaartiina inaad gaaleysiisaan oo aad dishaan ee meselada aad dilkaas u cuskateen oo aad ka hesheen Asleynka soo caddeeya?

3.Waxaa la tuhunsan yahay (aqoonyahannka & maalqabeenka & waxgaradka = indhaha bulshada) inaad neceb tihiin oo aad dooneysaan 30 sano ragga ka da’da weyn inaad dishaan oo dalka ay kusoo haraan haween & carruur ee taas maxaa ka jira?

4.Waxaa la tuhunsan yahay inaad carruurta waxbarasho u diidan tihiin, siiba luuqadaha Laatiinka (Afafka: Ingiriisa & Talyaaniga & Faransiiska iwm) oo qorshahiinu yahay in gabadhaha laga dhigo guri-joog indha-shareeran iyo wiilal loo tababaro dagaal iyo isqarxin ee taas maxaa ka jira?.

5.Waxaa la tuhunsan yahay Xarakada Shabaab in aysan ku jirin aqoonyahanno heer jaamacadeed ah oo hanan kara maamulka dalka oo xarakadu ay ka kooban tahay dhallinyaro la xafidsiiyey dhowr Xadiis, jeebkana loo geliyey furihii jannada ee taas maxaa ka jira?

6.Waxaa la tuhunsan yahay inaad tihiin cadaaladarrada aabbaheed, tusaale gobolka Sh/Hoose. Gumeysigii Talyaanigu beerihii ayuu ka xoogay waana xasuuqay xarakadii gumeysi-diidka ahayd (Biyomaal & Wacdaan & Hintire) ee Sh/Hoose ka hanaqaaday 1900kii. Dowladihii Soomaaliyeedna dhabbihii Talyaanigu jeexay ayey mareen oo shacabka Sh/Hoose dib-u-dhac ayaa dhan kasta kala degay. Fowdadii USC Habargidir ayaa xoog iyo qori-caaradi ku degtay Sh/Hoose. Maanta markii Shabaab qabsaday Marka-Caddey in loo dhiibo nin reer Puntland ah cadaaladeebey cuskan tahay? Shacabka Sh/Hoose ee dulman goormey xoroobayaan?

7.Aas-aaseyaashii Xarakada Shabaab xubnihii beelaha USC sida: (Aadan Cayrow, Sh. Ibraahim, Cumar-dheere & Quteyba) goortey dhintaan, waxaa la tuhunsan yahay taladii Xarakadu inay gacanta u gashay (Abu Zubeyr, Abu Mansuur & Fo’aad Qalaf) raggaasoo go’aankoodu yahay in beelaha USc la ciqaabo isla markaana gobolka Banaadir laga dhigo gabaahiir laga guuray ee taas maxaa ka jira?

8.Halganka Shabaab oo aan weligi la gaarsiin Somaliland & Puntland daraadeed, waxaa la tuhunsan yahay ciqaab gaar ah inaad ku haysaan gobollada Koofurta ee taas ma garwaaqsan tihiin?

9. 26/01/2009 goortii Shabaab qabsaday Baydhabo waxaa la sharfay oo si xurmo leh loo sii daayey dembileyaashii (kooxda Xaabsade) dalka kusoo hoggaamiyey ciidanka Xabashida, intii halganka Shabaab socday beelaha ay ku abtirsadaan (Abu Zubeyr, Abu Mansuur & Fo’aad Qalaf) hal qof lagama dilin balse waxaa si gaadmo iyo shirqool ah loo diley kumanyaal idheergarato oo ahaa hormoodka bulshada Banaadir. Ma noo sheegi kartaan Aayadda & Xadiiska reer Banaadir kaliya ku xukuntay Murtad & Rido?

10. Diinta islaamku waxay qabtaa in culimada xaqa ku taagan aan la khilaafin sidaa darteed maxaad ku diidan tihiin guddiga culimada ee dhex dhexaadinta ambaqaaday?

11.Haddaad tihiin xaq-u-dirir u halgemaya xoreynta dalka maxaad ula midoobi waydeen walaalihin xisbul islaam, haddaad shalay magaca isbahaysi dib-u-xoreyta ku diideen waxaa xubno nka ah shaqsiyaad Cilmaani ah maanta maxaad xisbul islaam ku diidan tihiin?

12.Wareysigii ugu dambeeyey ee Abu-Mansuur waxaa ku jiray inaad sida sharcigu qabo masalixo iyo mafaasido eegaysaan, sidaa darteed arrimaha gobolka Banaadir maxaad masaalixo iyo mafaasido ugu eegi weydeen, dib u xasuuso xiridii garoonka adinkoo xitaa aan haysan hal gantaal ood diyaarada kusoo ridaan, hanjabaadinii waxay sababtay madaafiicdii AMISOM inay maalin kasta boqolaal qof disho mase gobollo gaar ah baa masaalixo iyo mafaasida loo fiiriya?

13.Dhammaan deegaanada aad gacanta ku haysaan maamulka ururkiina kali ah baa isku koobay ma inoo sheegi kartaa sababta ummadda indhaheeda (Ahlu caqli wal caqdi) kale ee deegaanadaas ku sugan aad maamulka ugu diidan tihiin? mase hilmaanteen murtidii ahayd kaligaa cunoo kaligaa cel-celi, halgankiinu inuusan noqon mid xisbiyeed oo laga dhigo mid ummadeed ee maxaa hortaagan?

14.Marka la qiimeeyo hab-dhaqankiina ku dhisan arxam la’aanta iyo islaweynida, waxaa la tuhunsan yahay gacanta dahsoon ee CIA inay Xarakada ku milantahay si loo marinhabaabiyo halganka Muslimiinta ee taas ma dareensan tihiin?

WQ: Ibraahim Maxamed
Ibra77@live.com

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new