Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Somalia:People supports government in rallies By Alasow Clickhere

Tijaabi codkaaga oo ay ka qeybgaleen fanaaniin caana iyo kuwa cusub.

Washington 6 March 2009 Waagacusub Media

Barnaamijka Tijaabi codkaaga ee dhiirigelinta dhalinta fanka jecel ee Soomaaliyeed waxaa todobaadkaan wejigiisa hore ka qeyb qaatay Fanaanada Khadiija Hiiraan iyo Fanaanka aan ka dhicin ee Cabdi Baadil.
Khadiija Hiiraan iyo Cabdi Baadil oo ka wada tirsanaa Ubaxii Kacaanka Beledweyne,fankana ka soo galay gobolka Hiiraan,waxay Labada Fanaan wada qaadeen heesta caanbaxday ee Amran iyo Aboowe.
 
" Waxaan ka mid ahaa dhalintii ee Ubaxa Kacaanka gobolka Hiiraan,Waxaa Khadiija Hiiraan ii bixisay Xareeda Ismaaciil Duniya,oo maalin ay i waceysay dhahday aawday gabadhii Hiiraan,halkaas ayana fanka ka soo galay oo reer beledweyne ayaan ahaa"ayey tiri Khadiija Hiiraan.Dhageyso Barnaamijka oo dhan ama Downlod


Khadiija Hiiraan oo dhiirigelin u sameeyneysay dhalinta fanka Jecel kuna nool Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia waxay sheegtay in heesteedii ugu horeysay ay tahay heesta Aboowe oo uu la qaado Cabdi Baadil.
" Aragaaga oo qura kumaan iibsadeen aduunyadda"
Fanaanka Cabdi Baadil oo ka qeybgalay barnaamijka ayaa isagana sheegay in heesta uu la qaado Khadiija Hiiraan ee isaga uu ugu yeero Amran ay tahay heestiisii ugu horeysay ee uu fanka ku soo galay.
Cabdi Baadil oo ka mida Fanaaniinta ugu caansan hoboladda Waaberi kuna nool Dalka Jarmalka wuxuu tibaaxay inuu ka mid ahaa Ubaxii Kacaanka Hiiraan,uuna ku bar baaray beledweyne.
Barnaamijka Tijaabi Codkaaga waxaa wejiga 2-aad ka qeyb galay Xidigta Waagacusub Band ee Hodan Cabdi Cilmi oo noqotay fanaanad codkeedu sareeya.


Hodan Cabdi Cilmi oo ku nool Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxay barnaamijka uga qeybgashay heesteeda cusub ee Hadimo,waxaana ku lamaansanaa Xidiga Waagacusub Band ee Al Fanaan Xasan Cagaaran oo jiitay dareenka bulshada,codkiisana uu noqday mid ka dhex dusay dhegaha fanaaniin badan oo fanka ugu horeysay.
Fanaan Xasan Cagaaran wuxuu barnaamijka uga qeybgalay hees cusub oo la magac baxday DACALADDA HOBYOOD.
Barnaamijka waxaa dhinaca Musiga ka qeyb qaatay Muusikiistaha weyn ee Mohamed Ahmed Sheekh Caynba Cayn oo ku nool Nairobi.


Wejiga sedexaad ee Barnaamijka Tijaabi codkaaga waxaa ka qeybqaatay Fanaanada caanbaxday ee Seynab laba dhagax iyo fanaan,fanaan dhalay Saciid Daa-uud Cali Masxaf oo ku madlan todobaadka dambe.
Gunta iyo gebagebada batnaamijka waxaa lagu soo afmeeray Codka Fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo heestiisa dejiye,waxaana Muusiga tijaabi codkaaga ee todobaadkaan loo xulay heesta dejiye.
Soo saarista barnaamijka maalin kastoo Jimcaa ka baxa Radio Waagacusub wuxuu gundhigiisu yahay sidii loo abuuri lahaa fanaaniin da'yar si ay u bedelaan kuwii ka horeeyay.
Hadaba akhristoow bal tijaabi codkaaga ,waa intaas oo noqotaa fanaan cod macaan,oo is ogeyn.

By Dahir Abdulle Alasow

Dahiralasow@yahoo.com

Dahiralasow@waagacusub.com

English@waagacusub.com

Mogadishu-Somalia

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new