Somalia:Moderate
Islamists declare Jihad against Al-Shabab
By Alasow Clickhere
Somalia:People supports
government in rallies By Alasow Clickhere
Mareykanka oo ka hadlay xasilinta Somalia
Washington
6 March 2009 Waagacusub
Media
Masuuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay
in dadaalada caalamiga ee lagula dagaalamayo weerarada
burcad badeeda ee ka jira xeebaha Somalia lagu soo daro
istaraatiijiyad gacan looga geysanayo xasilinta dalka
Somalia.
Isagoo ka hor hadlayey guddi ka tirsan Congress-ka,
ayaa madaxa taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka Vice
Admiral William Gortney, waxa uu sheegay in howlgalada
ka hortaga burcad-badeeda ee ay wadaan ciidamada caalamiga
ay sameeyeen horumar la taaban karo laakiin burcad-badeednimada
ay tahay dhibaato ka jirta xeebaha Somalia.
Waxa uu cadeeyey in weerarada ay qaadaan burcade badeeda
ay yihiin kuwo la xiriira dhaqaalo doon balse aysan
waxa shaqo ah ku laheyn arrimo argagixiso.
Midowga Yurub iyo dalal ay ku jiraan China, Malaysia
iyo Mareykanka ayaa maraakiib dagaal u diray gacanka
Cadan ka dib markii ay dhaceen afduubyo taxano ah lagu
sameeyey maraakiib shisheeye sanadkii hore.
Bishii January ee sanadkan, ciidamada badda ee Mareykanka
ayaa ku dhawaaqay dhismaha ciidamo cusub oo caalami
ah oo la dagaalama burcad badeednimada ka jirta gobolka.
Hadalkiisa ayaa Vice Admiral Gortney waxa uu ku sheegay
in ciidamada howlgalka ay iska horyimaadeen ilaa 200
oo burcad badeed ah. Waxa uu sheegay in todobo ka mida
oo loo dhiibay dowlada Kenya si maxkamada loo soo taago..
Mareykanka ayaa dhowaan heshiis la saxeexday Kenya
kaasoo dhigaya in burcad badeeda lagu maxkamadeeyo dalka
Kenya.
Talaabadan ayaa u horseedaysa in maraakiibta dagaalka
ee Mareykanka ee ku sugan meel u dhow xeebaha Somalia
inay qaadaan weeraro lixaad leh oo ay ku soo qabanayaan
oo ku soo xirayaan burcad badeeda oo ka dibna ay u sii
gudbin lahaayeen dalka Kenya.
By Dahir Abdulle Alasow
Dahiralasow@yahoo.com
Dahiralasow@waagacusub.com
English@waagacusub.com
Mogadishu-Somalia
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new