Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia: ASOJ reacts government threats against free media By Sunni Said Saleh Clickhere

Topnews:-Ahlusunna oo Jihaad Diiniya iclaamisay.

Mogadishu 5 March 2009 Waagacusub Media

Urur diimeedka Ahlusunna Wal Jameeca ayaa si rasmiya u Iclaamiyay Jihaad diimeed lala galo kooxda Khawaarijta Al Shabaab iyo shaqsiyaadka gacan siiya ee ku nool Somalia ka gadaal markii ay dileen Sheekh Caalima oo ka mida hogaamiyeyaasha ugu caansan Ahlusunna ee laga baran jiray Kitaabadda tafsiirka Qur'aanka kariimka iyo Axaadiista Nabigeena NNKH,Halkaan ka dhageyso
 
Afhayeenka Ahlusunna Wal Jameeca Sheekh Cabdullahi Sheekh Cabdi Raxmaan Abuu Yuusuf ayaa sheegay inaysan niyad xumo ka qaadeyn dilkii kooxda Khawaarijta ay ku toogteen Sheekh Cali Afyare oo xalay ay Shabaab ku dileen Gaalkacyo.wuxuuna uga tacsiyadeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Somalia: Islamist leader stuck in Eritrea 05.03.09 Clickhere
Sheekh Cabdullaahi Abuu Yuusuf oo wareeysi dheer siiyay Waagacusub Media wuxuu sheegay in habeen ka hor ay Khawaarijta dhaawaceen Sheekh Shuuriye wuxuuna xusay in ka hor ay dileen Sheekh Xuseen,Sheekh Haaruun iyo culumo kale oo badan.
" Waxaa Sheekha Caalimka loo dilay Kitaabka Manhaajka oo ay Khawaarijta u yaqaanaan Pepel,waxaana ilaah ka tuugeeynaa inaan sida Sheekh Cali Afyare u shahiidno"ayuu yiri Afhayeenka Ahlsunna.
" Waxaan ugu baaqeeynaa Shacabka Soomaaliyeed ee Ahlusunna Wal Jameeca inay u istaagaan Jihaad,qofkii bustoolad heli kara,qori heli kara,tooreey heli kara,baakoorad,waran wax walboow heysto ha qaato,saacadaan kadib waa naga xaaraan heshiis iyo dulqaad,waa dagaal,waa dagaal,shacabka u soo baxa Jihaad diiniya ayaan leenahay,ma joogsaneeyno,waxaanu dooneynaa inaan Jihaad ku shahiidno ama diinteena iyo culumadeena aan xoreeyno"ayuu yiri Afhayeenka Ahlusunna Wal Jameeca oo ku sugan Mogadishu Sheekh Abuu Yuusuf.
Hadalka Sheekh Abuu Yuusuf kadib waxaa Mogadishu iyo Galkacyo ka biloowday dhaqdhaqaaqyo ay wadaan shacabka iyo hogaamiyeyaasha Ahlusunna waxaana qorshahu yahay in la bartilmaameedsado Wahaabiyada sameeystay Xawaaladaha,Isgaarsiinta iyo Ganacsiyada waaweyn ee Khawaarijta u adeegsado inay dilaan Culumaa'udiinka bulshada ka aflaxday.


"Walaahi Bilaahi Talaahi inaan seexan doonin inta aan Wahaabiyada dharbaaxo kulul ku dhifaneyno,waan jihaadeeynaa,wuuna soconayaa inta gabadh naga dambeyso"ayuu yiri Sheekh Cabdullahi Sheekh Cabdi Raxmaan.


Dagaalka uu Abuu Yuusuf Iclaamiyay ayaa la rumeysan yahay inuu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee lagu kala baxayo,waa hadii ay ka dhabeeyaan in la burburiyo oo la bartilmaameedsado goobahooda ganacsiga sidoo kalena madaxa laga guro kuwa Yahuuda u shaqeeya ee Culumadda leeynaya,lehna shirkadaha waaweyn.

" War idinka Saxaafadda xor maahidiin,Culumada xor maaha,ganacsato xor maaha,waan ognahay inay dileen walaalkeenii ugu dambeeyay Saciid Tahliil,Mahad Ahmed Cilmi"ayuu yiri Sheekh Abuu Yuusuf.
Wahaabiyadda ay ka dhasheen Khawaarijta waxay leeyihiin Xawaaladaha,Isgaarsiinta iyo ganacsiyada ugu baaxada weyn Somalia,.waxaana dad badan aaminsan yihiin in looga guuleeysan karo iyadoo ragooda ugu sareeya la gaarsiiyo xanuunka maadama ay yihiin kuwa baneeystay dhiiga Islaamka.
"Shacabka Soomaaliyeed %90 waa Ahlusunna Wal jameeca waxaana muuqato inuu ka dhamaaday dulqaadkii laakiin nasiib darada ugu weyn ee dhacday waxay ahayd inaysan hogaamiyeyaasha Ahlusunna fahmi xigmada oraneysa "Qaniinyo waxaa kaa fujiya qaniinyo" sidaas waxaa yiri Afhayeenka goboladda dhexe ee Ahlusunna Sheekh Cabdi risaaq Ashcari oo la hadlay Waagacusub.
"Yaa ka fulaysan,yaa ka tabar daran,yaa ka calool buuran Wahaabiyadda dulmiga u ehelka noqday,waa in madaxa laga guraa,waana in Jihaadka la wadaa ilaa dalka laga suuliyo"sidaas waxaa Waagacusub kula hadlay Sheekh Cabdi risaaq oo ah Gudoomiyahii hore ee Ahlsunna,
Kooxda Khawaarijta Shabaab waxay fagteen khabriyada Culumadda,waxayna dileen Mashaa'iqdii ugu caansanaa Culumadda soo jireenka Ahlusunna waxayna taasi sababtay in laga sifeeyay gobolada dhexe inta badan.

Sidee isu dhaleen dhamaan?

Wahaabi wuxuu dhalay-Akhwaan wuxuu dhalay-Itixaad-isna wuxuu dhalay Shabaab, iyana waxey dhaleen KHawaarij...

Fanka Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new