Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Somalia:No government no ceasefire, Islamist leader says. By Dahir Alasow Clickhere

Somalia:Worst drought hit Galmudug regions. By Dahir Alasow Clickhere

Dowladda Shariifka oo taageeradii loo yahay bar lumisay.

Mogadishu 4 March 2009 Waagacusub Media

Dowladda cusub ee Somalia oo beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed si weyn u taageereen,loona arko jaaniskii ugu dambeeyay ayaa u muuqato mid cagta saartay wadadii fashilka,waxaana durba la tilmaami karaa inay bar lumisay taageeradii loo hayay.
Dowladaha reer galbeedka ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Shariif uu durba kaga baxay balamahii ay la galeen,waxayna tibaaxeen inuu Xukumadda Cumar Cabdi Rashiid Sharmaarke u adeegsaday awood ka baxsan sharciyadiisa.

 
" Rag Maafiyaa ama sumcadooda aad u liidato ayuu Shariifka qasab ka dhigay sida Abdi Rahmaan Ibbi iyo Shariif Hassan Sheekh Aadan,waxaa kale oo muuqato inuu iska fariistay Madaxtooyadda halkii uu ka wajahi lahaa hoowlaha culus ee horyaal"sidaasi waxaa yiri Masuul ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Kenya.
Ciidamadii Maxaakiimta ee Wasiirka arrimaha gudaha Sheekh Cabduqadir Cali Cumar taabacsana ayaa bilaabay inay ku biiraan kooxaha hubeysan ee dowlada ka biyo diidsan halkii rajadu ahayd in la kasbado maleeshiyaadka kuwa diidan.
La tashiyadiisa wuxuu Shariifka ku koobay ganacsatadii fashilisay dowladii Carte,kooxo ku raasa,waxaana sidoo kale magac u yaal noqday Ra'isulwasaarre Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke oo markii horeba kursiga ku helay magacii aabahi iyo lacag uu siiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Beelaha Somalida ayaa badankood saluugay muuqaalka Xukumadda waxayna qabaan inaysan Dowlad Midnimo qaran jirin balse ay tahay mid ku dhisan qof jacleysi iyo nin tooxsi.
Somalida ayaa dowlada Shariifka dal iyo dibad ka taageertay,waxaana sidoo kale garab xoogan siiyay Saxaafadda Somalia hasse yeeshee sida muuqato waxaa sii dhamaanaya shumacii iftiinkiisu sareeyay ee qolka mugdigaa ku wehlinayay Dowladda cusub.
Ra'isulwasaarre ku xigeenka ahna Wasiirka kaluumeysiga Proff Abdi Rahmaan Ibbi oo sharciyan ah,ninka labaad ee ugu sareeya Xukumadda laguna xasuusto inuu ka mid yahay raggii fashiliyay Dowladii carte ee Madaxweyne Cabdi Qaasim ayaa ka mida ragga Shariifka uu ka talo qaato.
Proff Ibbi heerka damaciisa dhaqaalo jecel,wuxuu sabab u noqday in Wardoonka Eretria ku qabteen isagoo alaabo kuturubaana oo u badan telefoonada gacanta boorso ku sido,waxayna siyaasiyiin la saaxiiba xaqiijiyeen inuu Asmara ku iibin jiray,uuna kaqaadi jiray Dubai si uu macaash kaga helo,maadama Ereteria ay telefoonada ka joogaan qiimo sare.
Hogaamiye kooxeedkii Muusse Suudi Yalaxow oo la yaabay Carab dheerida iyo tabar darida Abdi Rahmaan Ibbi ayaa si yasmo leh ugu halqabsaday" Geedda qeeylida badan ee la leeyahay Ibbiyo,nin iyo naag waxay tahay ma aqaane"
Saxaafadda Somalia oo go-aankeedu ahaa inay garab istaagto Dowladda cusub si dalka nabad loogu dabaala ayaa laga dareemayaa niyad jab iyo caro isbarkan ka gadaal markii uu Ibbi ku hanjabay in Xukumadda cusub Saxaafadda madaxa banaan ula dagaalami doonto sidii loola dagaalay hogaamiye kooxeedyadda.
Shumaca tabarta daran ee dowlada humaaga badan ifinayay wuxuu ahaa Saxaafadda,waana xaqiiqo in hadii aysan dareemin isbedel muuqdo,dhabarka xejin doonto.
Ragga lugooyadda iyo dalaalnimada u ehela ee Madaxweyne Shariif karaamadiisa siyaasadeed la degay waxaa ka mida Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan,oo astaan u noqday musuq maasuq.
Shariif Xasan wadaniyiinta iyo beesha Caalamka ma jeclo,waxaana lagu sifeeyaa nin qandi aan buuxsamin sita.
Shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed waxay sugayeen inuu Shariif Sheekh Ahmed wajaho xaaladaha adag ee horyaal laakiin waxaa niyad jab ku noqon karo sida uu isaga indha tiriyo xaqiiqada.

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new