
Saxaafadda Somalia oo dhambaal u dirtay Madaxweyne
Shariif Sheekh Ahmed.
DJibouti 31
Janaury 2009 Waagacusub Media
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ASOJ Mudane Dahir Abdulle Alasow ayaa hambalyo iyo
bogaadin u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar
ahaan Madaxweynaha cusub ee Somalia Shariif Sheekh Ahmed.
Halkaan ka dhageyso

" Waxaan dhambaal Mahadcelin huwan u dirayaa shacabka
iyo dowlada aanu walaalaha nahay ee Reer Jibouti,waxaana
si gaara ugu dirayaa hambalyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle oo si kalgacaltooyo iyo xilkasnimo ka muuqato
isugu hoowlay samatabixinta shacabka dhibaateeysan ee
Soomaaliyeed"ayuu Dahir Alasow.
Mr Dahir Alasow oo shir Jaraa'id uga hadlay Isbedelka
Somalia iyo doorashadda Madaxweynaha cusub wuxuu ku
wajahay arrimo badan isagoo fariin iyo talo gaara siiyay
Madaxweyne Sheekh Shariif.
" Madaxweynaha cusub ee Somalia waxaan kula talineynaa
inuu tixgeliyo Madaxbanaanida Saxaafadda Somalia,waxaan
uga digeeynaa inuu ku daydo keligii talisyadii Somalia
soo maray,waxaana fareeynaa inuusan lumin miiska Cadaaladda"ayuu
yiri Dahir Abdulle Alasow.
"Mudane Madaxweyne waxaad ogaataa inaan wax badan
kaa qori doono,hadii aan ceebaalo kugu aragno sida eex,qabyaalad
iyo musuqmaasuq,sidaas darteed u samir oo ha isku dayin
dhaqamadii lagu yaqiin kuwii kaaga horeeyay toowrada"ayuu
yiri Dahir Alasow
Gudoomiyaha Associated Somali Journalists wuxuu xusay
in Saxaafadda Somalia noqdeen kuwa barakacay iyo koox
afka juuqda gabay,loogana baahan yahay Sheekh Shariif
inuu ka dulqaado heeryada caga jugleynta iyo caburinta.
Ugu dambeyn wuxuu Saxaafadda Somalia ugu baaqay inay
nabad ku dabaalida gacan weyn ka geystaan maadama ay
dhibaatada ku dhaceyso hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed
By Weriye Mohamed Sacuudi
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new