Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Qoraaga weyn ee MMKastan" Murti iyo Madadaalo"Qofka dhasha bisha January, waa qof adag oo dhaqan ku dhegan, "Qofka dhasha February, waa bulsho waa qof aad iu deggan oo garasho badan"

Hargeysa 30 Janaury 2009 Waagacusub Media


Bishaad Dhalatay ka Garo Shakhsiyadaada iyo Dabeecadahaaga Gaarka ah ......Qofka dhasha bisha January, waa qof adag oo dhaqan ku dhegan, waa qof aan isla weynayn oo beenta neceb
, waa qof horumar inuu la yimaaddo jecel oo dad la dhaqan leh iyo soo jiidasho.


Qofka dhasha February, waa bulsho waa qof aad iu deggan oo garasho badan, waa qof jecel degaanka awoodna u leh naftiisa inuu xakameeyo, waa hawl kar jecel inuu ku dhaqaaqo, waxa uu jecel yahay inuu gaadho.
Qofka dhasha bisha March, waa qof firfircoon oo dad la dhaqan leh iyo garasho, wuxuunna ku wanaagsan yahay guud ahaan xidhiidhka iyo fahanka dadka iyo dhaqamada kala duwan iyo luqadaha.
Qofka dhasha bisha April, waa qof dadka jecel oo si fudud u cadhooda, waa qof aad u foojigan oo neceb guuldarrada, inta badanna xaalkiisa ma sugna, waa qof jecel xorriyadda gaarka ah iyo xaragada.
Qofka dhasha bisha May, waa qof furfuran oo jecel dadka inuu garab qabto, waa qof aragti fog leh, nimaadsan oo horumarka jecel, wuxuu leeyahay xusuus adag, isaga oo kara inuu wax hoggaamiyo, ceebtiisu waa isagoo jecel isbeddel.
Qofka dhasha bisha June, waa qof nasiib badan oo fanka iyo degaanka wanaagsan jecel, hantida aad ayuu u jecel yahay, dhoolacaddeyntuna dibnihiisa waa la saaxiib, adeegsiga caqliga ayuu ka horreysiyaa caadifadda.
Qofka dhasha bisha July, markasta waxa qof dhinaca wanaagsan wax ka eega oo aan quusan, rayigiisa waa mid sugan, waa qof xishooda oo edeb badan, wuu saaxiibo firfircoon leh, waa qof hal abuurka ku wanaagsan oo naftiisa ku kalsoon iyo arrimihiisa oo idil jecel inuu isaga la yimaaddo, wuxuu dayacaa inta badan caafimaadkiisa.
Qofka dhasha bisha August waa qof rayigiisa ku adag oo aan tanaasulin, dadka oo dhanna khayr iyo wanaag ayuu la jecel yahay, feejignaantiisa aya badan, inta badanna waxa uu jecel yahay dhar qurux badan inuu xidho, haddii uu shaqeeyo ama busaaradeysan yahay.
Qofka dhasha bisha September waa qof xishood badan oo akhlaaq wanaagsan leh, waa qof garasha leh oo caadifadda deganaansho u horseeda, jecelna tallaabo khaldan in aannu ku tallaabsan, waa qof daacadda oo beenta neceb nidaamka iyo xaragada jecel.
Qofka dhasha bisha October, waa qof maskax wanaagsan oo cilmiga jecel ama waa qof adag oo canaad badan oo si fudud u qancin, wuxuu jecel yahay arrimaha inuu gacan keliya ku wada qabto oo isku kalsoon mana jecla arrimihiisa gaarka ah in la fara geliyo.
Qofka dhasha November waa qof doonis adag leh, damiirkiisuna nool yahay, kaas oo dhakhso u jecel inuu qoys yeesho, ciyaarahana aad u jecel, waa qof daacad ah oo iskaashiga jecel, jecelna inuu danta guud ka horreysiiyo dantiisa gaarka ah, waa qof jecel meel qudha in aannu ku nagaanin, isla markaana aan meel waxba dhigan.
Qofka dhasha bisha December waa qof doonis adag leh oo waxyaabo badan u dulqaata, waa qof aad u foojigan, isla markaana farxadda aan ka tagin beentana aad u neceb, waa qof jecel wax kasta inuu ka sal gaadho aadna u hinaaso badan, kaas oo dhulka is dhiga, xaragadana aad u jecel.
Murti
* Waxa indhaha ka fog qalbiguna wuu ka fog yahay.
* Qofka carruurtiisa jecel, agoomaha wuu u naxariistaa.
* Farxadu waxay ka dhalataa caafimaad iyo xusuus wanaagsan.
* Inantaada u dhis marka aad karto, inankaagana marka aad doonto.
* Sababta marka la garto la yaabka ayaa meesha ka baxa.
* Cilmiga doon ka ku anfaca, ceebaha kaa fogeeya oo sare kuu qaadaa.
* Qofka gu’ kaa weyn, gu ayuu kaa garasha badan yahay.
* Waayo-aragnimadu dhammaad malaha markasta ka faa’iideyso.
* Dadka qaar marka la garaaco ayey wax fahmaani, qaarna tilmaan ayey wax ku fahmaan.
* Cilmiga waa qurux badan yahay, inta aad nooshahay doono.
* Waxa si fudud loo helo si fudud ayaa loo waayaa.
* Jahligu waa geeri.
* Gorgorka qofkaan garanayn wuu shiilaa.
* Qofkaan ku garanayn kuma qiimeeyo.
* Doqonimadu waa cudur aan dawo lahayn.
Qoraaga weyn ee MMKastan

Hargeysa-Somaliland

Halkaan ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow

DHAGEYSO HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009

Faallo-Xulka Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro

Mohamed Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub

Dhageyso Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new