Somalia:No
government no ceasefire, Islamist leader says.
By Dahir
Alasow
Clickhere
Somalia:Worst
drought hit Galmudug regions.
By
Dahir Alasow
Clickhere
Badweynta nolosha WC:Xaquuqda deriska.
Maqaal 3 March 2009 Waagacusub
Media
Xuquuqda derisku uu deriskiisa ku leeyahay marka diinta
Islaamka laga eego waxa weeye afar:
1- In aan deriska la dhibin:
Dhibku waa noocya badan yahay, waxana kamid ah:
gogol-dhaafka, xatooyada, caayda, aflagaaddada,
qashinkoo lagu tuuro ama gurigooda lahor dhigo, waxaas
oo dhanna waxa ugu dembi badan gogol-dhaafka iyo
xatooyada.
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro
rumaysani yaanu deriskiisa dhibin, qofkii Alle iyo
maalinta aakhiro rumaysani martidiisa ha sooro, qofkii
Alle iyo maalinta aakhiro rumaysanina hadal wanaagsan ha
yiraahdo ama ha iska aamuso)[1].
Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) waxaa laga weriyay Nabiga
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu weydiiyay: Dembi
kee ugu weyn, uuna yiri: (In aad Alle dhig "wax lamid
ah" u yeesho isagoo ku uumay, in aad ubadka disho adigoo
ka baqaya inuu kula quuto iyo in aad xaaska deriskaaga
ka sinaysato)[2].
Miqdaad ibnul-Aswad (RC) waxaa laga weriyay inuu yiri:
Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu
asxaabtiisa ku yiri: (Sinada maxaad ka leedihiin?).
Waxay dheheen: Waa xaaraan Alle iyo Rasuulkiisu ay
xarrimeen, ilaa maalinta qiyaamahana waa xaaraan. Wuxu
yiri: (Ninku inuu toban dumar ah ka sinaysto baa uga
fudud[3] inuu xaaska deriskiisa ka sinaysto). Wuxu yiri:
(Xatooyada maxaad ka leedihiin?). Waxay dheheen: Alle
iyo Rasuulkiisa ayaa xarrimay waana xaaraan ilaa
maalinta qiyaamaha. Wuxuu yiri: (Ninku inuu toban guri
xado ayaa uga fudud guriga deriskiisa inuu xado)[4].
Dhinaca dhibka gacanta iyo carrabka haddaynu eegno,
Abuu-Shurayx, Khuwaylid ibnu Camr Al-Khuzaaci (RC) waxaa
laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
uu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye mu'min ma aha, Ilaah
baan ku dhaartaye mu'min ma aha, Ilaah baan ku dhaartaye
mu'min ma aha. Waxaa la yiri: Waa kee Rasuul Alloow?
Wuxuu yiri: (Qofkii shartiisa aanu deriskiisu ka nabad
gelin)[5].
Abuu-Hurayra (RC) isna waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ayaa lagu yiri: Heblaayo habeenkii
salaad bay u taagan tahay, maalintiina way sooman tahay,
sadaqana way la baxdaa, deriskeedase carrabkay ku
diirataa. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
wuxuu markaas yiri: (Taasi khayr ma lahoo waa Ehlu-Naar).
Waxa kaloo lagu yiri: Heblaayana faradka uun bay tukataa,
sadaqa badanna lama baxdo, ha yeeshee qofna ma dhibto.
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Waa
Ehlu-Janno)[6].
2- In deriska la difaaco:
Difaacidda deriska iyo dhibaataada oo laga dheereeyaa
waxay kamid yihiin naf-samaanta iyo akhlaaq wanaagga.
Waxyaabaha lagu garto ninka sharaftiisa iyo dadnimadiisa
waxaa kamid ah in kolkay deriskiisa dhibaato lasoo
gudboonaato uu hore ka boodo una gurmado. Carabtii hore
waxay ku faani jirtay derisnimo wanaagga, gabayo fara
badan bayna ka tiriyeen ay ku ammaanayaan deriska
wanaagsan ayna ku caayayaan ciddii deriskeeda xumaysa.
Abud-Dardaa' (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkii sharafta "qoyska"
walaalkiis difaaca Eebbe maalinta qiyaamo wejigiisa ayuu
Naarta ka difaacaa)[7].
3-In deriska loo sama-falo:
Qofka derisnimo wanaag uguma filna in uu dhibaatadiisa
ka dhawro, ama dhibaato dibadda uga timaada ka difaaco,
hase yeeshee derisnimo wanaagga waxa kamid ah in hadday
dhibaato ku dhacdo uu u tacsiyeeyo, hadday wax ka
farxiyaa kusoo kordhaanna u hambalyeeyo, hadduu bukado
booqdo, salaanta ku billaabo, wixii adduunkiisa iyo
aakhiradiisa anfacayana ku toosiyo.
Abuu-Shurayx Al-Cadawi (RC) waxa uu Suubbanaha (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkii Eebbe iyo
maalinta Aakhiro rumaysani deriskiisa ha u sama-falo,
qofkii Eebbe iyo maalinta Aakhiro rumaysani qofka u
martida ah ha abaal mariyo). Waxaa la yiri: Abaal
marintiisu waa maxay Rasuul Alloow?. Wuxuu yiri: (Waa
maalin iyo habeen, marti soorkuna waa saddex maalmood,
wixii ka badanina waa ku sadaqo, qofkii Eebbe iyo
maalinta aakhiro rumaysani hadal wanaagsan ha yiraahdo
ama ha iska aamuso)[8].
Caa'isha (RC) waxa laga weriyay: Waxan iri: Rasuul
Alloow laba deris baan leeyahaye waxa aan haayo "haddaanay
labadooda ku wada fillayn" keen u hadiyeeyaa?. Wuxuu
yiri: (kan kuugu albaab dhow)[9].
Mujaahid wuxu yiri: Cabdullaahi ibnu Cumar (RC) anigoo
la jooga, wiil adeege u ahina Ri' maqaar bixinayo buu
adeegihii ku yiri: Wiilyahow, haddaad maqaarka ka bixiso,
deriskeenna Yahuudiga ah ku billow "dhawr jeer buuna ugu
celceliyay" maxaa yeelay waxan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) oo leh: (Jibriil (CS) siduu deriska
iigala dardaarmayay waxabay ila noqotay inuu dhaxal
siinayo)[10]. Xadiithka mid lamid ah waxaa Suubbanaha (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka werisay Sayida Caa'isha (RC).
Carabtu waxay ku hadalqabsan jirtay derisnimada
Abuu-Daa'uud. Abuu-Daa'uud oo la oran jiray Macab ibnu
Umaama, wuxuu ahaa nin deriskiisa si aad ah u daryeela.
Hadduu deriska Rati ka dhinto ama Riyi ka dhimato
beddelkooda ayuu siin jiray, hadduu deriskiisu dhintana
eheladii uu ka tegay buu diyo wax u dhigma maalkiisa ka
siin jiray.
Waxa la weriyay Cabdullaahi ibnul-Mubaarak oo ahaa nin
caalim ahoo cilmi iyo Alle caabud badan baa waxa deris
la ahaa nin yuhuudi ah. Yuhuudigii baa doonay inuu
gurigiisa iibiyo, markaas baa la yiri: Imisaad ku
iibinaysaa?. Wuxuu yiri: Laba kun. Waxa la yiri:
Gurigaagu kun ka badan ma gooyo. Wuxu yiri: (Waa runtiin,
laakiin kun gurigaan ku gadayaa, kunna derisnimada
Cabdullaahi ibnul-Mubaarak). Ibnul-Mubaarak baa
sheekadii loo sheegay, markaas intuu u yeeray buu
qiimihii guriga siiyay, kuna yiri: (Ha iibin). Haddaba
haddaanay ahayn akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqanka fiican
ee Ibnul-Mubaarak, ninkaas Yuhuudiga ahi gurigiisa
qiimahaas ma gaarsiiyeen lahaa?.
4-Dhibkiisa in dulqaad iyo cafis loogu beddelo:
Qofku wuxuu wanaag ku leeyahay inuu deriskiisa dhibka ka
dhaafo. Wuxuu wanaag ku leeyahay inuu wixii dhibaato ku
haaya ka celiyo. Wuxuu wanaag ku leeyahay inuu intii
karaankiisa ah u samafalo. Wanaag afaraad waxa weeye
inuu xumihiisa indhaha ka daboosho, dhibkiisa u adkaysto,
u dulqaato, iskana cafiyo, gaar ahaan dhibkaas haddaanu
u qasdayn, ama uu ka shallaayo oo ka cudur daarto.
Alle Subxaanahu wuxuu Aayaddiisa Qur'aanka ku leeyahay:
{وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا
السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا
الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ
حَمِيمٌ} {سورة فصلت: 34}.
(Ma sinnaan karaan camalka wanaagsan iyo camalka xumi,
ku tir "xumaatida" tan iyadu wanaagsan "qofkii ku
xumeeya wanaag ugu beddel", markaas kii ay cadaawadu
idiin dhaxaysay "wuxuu noqon doonaa" sidii saaxiib aad
kuugu dhow) (Fusilat: 34).
Cuqba ibnu Caamir (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Maalinta qiyaamaha
labada ugu horreeya ee loo kala garqaadayaa waa laba
deris ahaan jiray)
--------------------------------------------------------------------------------
[1] Bukhaari (6018), Muslim (47).
[2] Bukhaari (4477, 6811), Muslim (86).
[3] Uga fudud: Alle agtiis uga dembi iyo xisaab fudud.
[4] Axmed (24355).
[5] Bukhaari (6016).
[6] Bukhaari (Al-Adab Al-Mufrad: 119), Axmed (9673),
Xaakim (4/116).
[7] Tirmidi (1931), Axmed (28093), AlBaani (Saxiixul-Jaamic:
6138).
[8] Bukhaari (6019), Muslim (48).
[9] Bukhaari (2259, 2595, 6020).
[10] Bukhaari (6014/15), Muslim (2624).
[11] Axmed (17507).
Fiiro gaar ah: Fadlan kusoo biir Soomaaliya@yahoogroups.com
oo aan hadda kahor kugu casuumay. hadday kugu adkaato
email iigu soo dir sabkaxaaji@hotmail.com.
Mahadsanid
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – United States
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new