Somalia:No
government no ceasefire, Islamist leader says.
By Dahir
Alasow
Clickhere
Somalia:Worst
drought hit Galmudug regions.
By
Dahir Alasow
Clickhere
Maryan Mursal oo dalbatay inaan la waydiin
Jaceylkii Cigaal"Wareysi"
Denmark
3 March 2009 Waagacusub
Media
Fanaanada caanbaxday ee Maryan Mursal Ciisse bootaan
oo la tiriyo inay jaceyl taariikhiya la wadaagtay Fanaanka
Ahmed Cali Cigaal oo ay Caruur u dhashay ayaa dalbatay
inaan wax laga waydiin oo la qod qodin jaceylkii dhexmaray
iyada iyo Cigaal maadama ay tahay Marwo uu qabo nin
kale.
Fanaanadda Maryan Mursal oo aftahanimo loo tiriyo mar
la waydiiyay inay ka waranto Jaceylkii labo wajiilaha
loo bixiyay ee Cigaal ay la wadaagtay, waxay tiri"
Qoladiina inaad wax fag fagtiinbaad jeceshihiin,anigu
hada sodoh baan ahay,nin kalena wuu i qabaa,hadii aan
ka sheekeeyo Ahmed Cali Cigaal iyo Jaceylkiisa wuu i
furayaa marka iga dhaafo,waxay sheekadu ku qurux badneed
iyadoo meesha Cigaal joogo laakiin hadii Cigaal maqan
yahay,anigoo 54 jira,hadii ley furo.nin iima heeysane
iga dhaafa saacadaan garoobnimo ha ii horseedinee"Dhageyso
Wareysigeeda oo dheer ama Download
Ahmed Cali Cigaal wuxuu qaaday heesta magaceedu yahay
Baddu inay Madoowdahay biyaha tahay ma moogtahay,taas
oo looga gol lahaa midabka Maryan Mursal iyo qabiilkeey
u dhalatay,waxaana curiyay Cigaal walaalkiisa Cabduqadir
Ahmed Cali Cigaal,sidaas darteed Maryan Mursal cudurdaarkeeda
loogama gaabsan ee sidii hadba dhan su-aasha looga dhigayay,waxaa
la waydiiyay heesaha Cigaal qaado ee faraha badan kuwii
uu adiga kuu sameeyay makuu sheegay,waxayna kaga jawaabtay:-
" Hadii aan dhaho Axmedow ma anigaad ii sameeysay
wuxuu i leeyahay maya oo wuu qarinayaa laakiin waa jiraan
heeso jaceylkeena quseeyo"
Dumarku waxay caan ku yihiin iska hinaasida,sida badanaa
dhacdana la isma tuso kuwa nin qura wada guursado,sidaas
darteed Maryan Mursal oo Cigaal uu la qabay gabadha
loogu yeero boqoradda Jaceyl ee Khadra Dahir Cige waxaa
la waydiiyay ,Fanaaniintee kuugu badan oo aad jeceshahay
dhageysiga heesahooda?

Lama filan inay sheekadeeda ku amaanto Khadra Dahir
oo weliba Cigaalna ku lamaaniso laakiin waxay Maryan
Mursal ku jawaabtay"waxaan aad u jeclahay oo ka
helaa heesaha ay Cigaal iyo Khadra Dahir Cige isla qaadaan"

Wareysiga Maryan Mursal intii uu socday waxaa la waydiiyay
maxaa kuugu darnaa ee aad fanka kala kulantay,sooma
aysan hadal qaadin heesta Baddu inay Madoowdahay laakiin
markii ay bad kale jibaaxday ayaa lagu dul shiday"
Sida dabeecadeedu tahay ma kohsan waxayna sii laba laabtay
kaftankeedii,bashaashnimadeedii dadnimo,iyadoo heesaheeda
kala daran hadba mid gacanteeda ku dooratay.
Maryan Mursal Ciisse Bootaan oo dhalasho ahaan ka soo
jeeda Magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug ka mid maaha
dadka aaminsan in Somali kala sareeyso,waxay ku faantaa
qabiilkeeda sida jahlinimada leh loo yaso.
Inkastoo ay 54 jir tahay,kuna soo caanbaxday heestii
Shabeel naagood ee Abwaan Xasan Sheekh Muumin sameeyay
allaha u naxariistee,hadana way xasuusataa heesteedii
ugu horeysay ee Indhacaashaq buu igu eegayoo,ana waan
arkoo ambariirsadee.
Maryan waxay inyar uun xasuusan kartaa in heesta uu
erayadeeda sameeyay nin ay magaciisa dhaafsiin wayday
Xasan balse magaciisa sedexan yahay Xasan Calas Socdaal.

Ma sheegan in heesteeda dagaal rageedka ee Naacuud u
qaaday Ahmed Cali Cigaal laakiin waxay qiratay inay
heesaha ay qaado ka turjumayaan dareenkeeda oo Abwaaniinta
ka codsan jirtay,ka gadaal markeey uga sheekeyso.
"Nasiibkaa igu kaa daree,Nafteeyd kumeey
aqoon inaad tahay nuucan baas,haweenka naxuusiyoo,dhiigoodaba
nuugayee" ayaa ka mida miraha heesta Naacuud.
Ahmed Cali Cigaal oo hada degan dalka Mareykanka Maryan
iyo Khadra midna ma qabo laakiin marka lala sheekeeysto
hoboladda Waaberi oo wax badan kala socday xifaaltankii
dumarnimo ee u dhaxeeyay labada gabdhood ee Waaberi
ka wada tirsanaa,waxay qabaan in laga qori karo buug
sheeko.
Xiliyadda qaar Cigaal wuxuu dareenkiisa siin jiray inuusan
Tiyaatarka fuulin isagoo ku qoran heeso la xafdisiiyay,ma
aheyn wax lala yaabo balse habeenada aan looga maarmin
Masraxa waxaa loo diri jiray Maryan Mursal oo waxay
u sheegtaba isagoo faraxsan keeni jirtay golaha Murtida
iyo Madadaaladda.
Jaceylka laba daraanlaha ee Cigaal labadiisa gacmood
ku qeybiyay waxaa la tiriyaa inuu mici adag surtay Boqorad
Khadro waana sababta ay in ku dhaw lixdan heesood oo
ay ka mid tahay,dadkoo dhami ha wariyeen heesta la yiraa,ugu
qaaday Cigaal iyo dadkii eheladeeda ee diidanaa inay
u dhaxdo.
Khadro Dahir waxay Waaberi ku riixaan inay garab ka
heshay Abwaaniinta waaweyn Sida Cabdi Qeys,Xasan Ganey,Maxamed
Cali Kaariye iyo Huryo oo geeriyooday,allaha u naxariistee.
Abwaan Huryo xilli ay Khadra u muuqatay inay qaati nafeed
ka taagneed qosolka Cigaal,wuxuu u sameeyay heesta ay
ugu magac dartay QALBI GUDHAN balse bulsho aan ka mid
ahay ugu yeeraan Caalwaa Jaceyl.
"Gododloow miyaan,goor iyo ayaan,gaar kuu
sasabi,kaa gaabsadee ,niyad kaa go''diyo,qalbi gudhan
miyaa qosol lagu gudlaa" ayaa ka mida
bartilmaameedyada heesta,waana muuqataa dabcan inay
ahayd tii labeeysay heesteedii ka horeysay ee ay ugu
sheegeysay inay sheekada dumarkaba bartay,"Adoo
gole ka maagloo,haweenkaba ka gaabsaday,soowtaan ku
gada baray,Garta iyo tusaalaha,adigoon gorfeyn karin,soowtaan
geesi kaa dhigay,go'e halaq miyaad tahay,hadba marada
ii galaa,gododleeyntu waa maxaay,waad iga gardarantee,.
La soco,taxanaha fanka iyo fanaanka Waagacusub,ugana
naso waalida siyaasadda Somalia.
Todobaadyadda dambe waxaan idin maqalsiin doonaa,Khadra
Dahir oo ka sheekeeynee,jaceylkii Cigaal iyo heesaheeda
kuwa ay ugu jeceshahay,waxay quseeyaan iyo inay sodohnimo,fanka
uga fariisatay.
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new