
Dotornimada iyo Diinta Dr. Ali Hirabe ku dayasho
ma leh.
Nairobi
28 Fabaury 2009 Waagacusub Media
Anigoo qiimeynaya akhristayaasha Website-yada Waagacusub
oo u soo bandhigay qoraalka Dr Ali A. Hirabe shakhsi
ahaan igu weerarayo, waxaan halkaan ku tilmaamaya dhowr
arrimood:
Qoraalka Dr Ali Hirabe wax xiriir ah lama leh maqaalkeyga
cinwaankiisu yahay “Beec aan Ka noqosho laheyn lama
saxi karo.” Fiiri http://www.waagacusub.com/news/25.02.09.8ulusow.htm.
Kaaso dulucdiisu aheyd inay adag tahay in Golaha Culumada
Islaamka ee Muqdishu saxaan beec (deal) aan ka noqosho
laheyn oo Beesha Caalamka dhinac ka tahay. Burburka
heshiiskii dhexmaray dhinacyada Midowga Maxaakimta Islaamka
ee lagu gaaray Magaalada San’ca ee Yemen ayaa tusaale
u ah.
Qoraalka Dr Ali Hirabe waxaa ka muuqata aqoondarro la
xiriirta qaabka shaqo ee Hay’adaha Dowaldda Mareykanka.
Nayrobi iyo Addis Ababa waxaan u tagnay dan Soomaliyeed
oo aheyd in warka dagaal ogayaasha Soomaliyeed aan la
rumeysan iyo in Ethiopia ka baxdo dalka Soomaliya inta
dagaal dhicin.
Qoraalka Dr Ali Hirabe waxaa ka muuqata inaysan beenta
iyo runta, xishoodka iyo xishood darrida u kala soocneyn.
Dr Ali Hirabe waxaa isaga qasan shakhsi iyo Dowlad dastuur
ku saleysan. Dotornimada iyo Diinta Dr Ali Hirabe ku
dayasho ma leh.
Arrimaha ugu muhiimsanaa maqaalkeyga waxaa ka mid ahaa:
In dhismaha Dowladda Federaalka KMG Midnimada Qaranka
ee Jabuuti (DFKMQ-J) aan loo marin hab u gogol xaara
dib u heshiisin iyo dhib u dhiska dalka Soomaliya. Waxaan
sharraxay fadeexadaha sabab u ah sharci darrada dhismaha
DFKMQ-J. Waxaan tilmaamay inaysan aheyn Dowlad Qarameed
iyo mid Goboleed toona.
In Axdiga Federaalka KMG qodobkiisa 32 lambarrada 1
iyo 4 ka reebeen (explicitly excluded) awoodaha Barlamaanka
Federaalka KMG Somaaliya inuu waqti isu kordhiyo iyo
inuu ansixiyo Barlamaan cusub xubnihiisu yihiin 550.
In dhismaha Golaha Wasiiradda uu daaha ka qaaday loolanka
siyaasadeed oo u dhexeya Guddomiyaha kooxda Barlamaanka
xorta ah, ahna Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo kooxda
Midowga Maxaakimta Islaamka, taaso keentay in xubnihii
Midowga Maxaakimta Islaamka laga fogeeyay Golaha Wasiirrada.
Waxaa lagu soo koobay (1) Wasaaradaha Arrimaha Gudaha
oo magac ah,(2) Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka
oo laga gooyay Arrimaha Diinta iyo Awqaafta iyo (3)
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
In Golaha Culummada Islaamka go’aamiyeen in la beddelo
Axdiga KMG ee DFKMQS-J taaso aan waxba ka fogeyn mowqifka
kuwa ku dhawaaqay inaysan aqoonseyn DFKMQ-J.
In ay aheyd Ismiidaamin siyaasadeed (political suicide)
in DFKMQ-J ka cambaareyso Magaalda Addis Ababa Dowladda
Eritrea oo saldhig u aheyd Isbaheysiga Dib u Xoreynta
Soomaliya (IDXS). Dowladaha Eritrea iyo Qatar waxay
u eedeysan yihiin taagerada halganka Dib u Xoreynta
Soomaliya.
In dadweynaha Muqdishu aysan masruufi karin tirada xad
dhaafka ee isug jira Madax, howladeenno iyo Maleeshiyaad
ka badan 20,000 ee DFKMQ-J iyo in nabadgelyo xumo ka
imaan karto tiradaas xad dhaafka ee hubeysan oo baadaya
ama boobaya shabacka masaakiinta ee deegaanka.
In Maslaxaddu ku jirto in dalka Soomaliya laga dhiso
nidaam dowli ah oo leh gogol xaar ay ka soo qayb galaan
qaybaha wakiillada ka ah Shacabka Soomaliyeed si furan,
inta badan raalli ka tahay, kontrol ku leedahay, isla
markaana kalsooni gelin kara Beesha Caalamka. Isla markaa
in waxgaradka hogaammada kala duwan ee Bartamaha iyo
Koofurta Soomaliya ku dadaalan xasillonida inta laga
taabbagelinayo habkaas.
Dr. Maxamud M Culusow
mohamuduluso@gmail.com
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new