
Badweynta nolosha WC: XUQUUQDA QOFKA WEYN
Minnesota
28 Fabaury 2009 Waagacusub Media
- Camr ibnu Shucayb waxa laga weriyay Suubbanuhu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) inu yiri: (Innaga mid ma aha qofkaan
keenna yar u naxariisan keenna weynna sharaftiisa ogaan)[1].
Werin kale waxay leedahay: (Keenna weynna xaqiisa ogaan)[2].
Qofka weyni waxa weeye qofka da' ahaan kaa weyn, kaa
cibaado iyo Alle-ka-cabsi badan, kaa aqoon badan, kaana
indheer garadsan. Dadka caynkaas ahi hadday diintooda
daacad u yihiin, shareecada Rabbigoodna ciso iyo sharaf
ka dhiganayaan, dadka waxa waajib ku ah inay darajadooda
u aqoonsadaan, xuquuqdoodana gutaan, ixtiraam iyo qaddarinna
ugu istaagaan.
Talooyinkii iyo tusaalooyinkii Suubbanaha Maxamed (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ee ku saabsanaa qaddarinta qofka
weyn annagoon halkaan kusoo koobi karin haddaynu qaar
kasoo qaadanno:
- Abuu-Muusa (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Weynaynta Eebbe waxaa kamid
ah qaddarinta qofka muslinka ah ee cirrada leh, qofka
Qur'aanka xafidsan aan ka ahayn kan isweynaysiiya iyo
kan ka tegay iyo qaddarinta qofka hoggaamiyaha ahe caadilka
ah)[3].
- Ibnu Cumar (RC) waxaa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Waxaan riyo ku arkay
anigoo caday ku cadaysanaya, markaas waxa ii yimid laba
nin oo midi kan kale ka da' weynyahay. Cadaygii baan
kii yaraa u taagay, markaas baa la'iyi: Weynee. Markaas
kii labadooda weynaa ayaan siiyay)[4].
Axaadiithtaas saxiixa ah waxa inooga ifaya arrimaha
soo socda:
1- Qofka weyn in boos u qalma loo qoondeeyo:
Sida isagoo arrimaha lagala tashado, fadhiga isaga
loo hormariyo, martisoorka lagu billaabo, iwm. Waxaa
daliil inoogu filan Xadiithkaan: Wufuuddii Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) Madiina ugu imaanaysay
waxaa kamid ah wafdi ka socday reer Cabdi Qays. Qaar
kamid ah wafdigaas waxa laga weriyay: (Rasuulka Alle
ayaan u nimid, aad bayna inoogu farxeen "asxaabtii".
Markaan goobtii nimid baa naloo banneeyay, waana nala
fariisiyay. Nabiga Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
ayaa markaas nasoo dhoweeyay, noona duceeyay. Dabadeed
intuu ina eegay buu yiri: (Yaa nabaddoon iyo hoggaamiye
idiin ah?). Kulligeen waxan farta ugu fiiqnay Mundir
ibnu Caa'id. Mundir markuu usoo dhowaaday baa loo banneeyay
ilaa uu gaaray halkuu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
fadhiyay, wuxuna fariistay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) midigtiisa, si fiican buuna usoo dhoweeyay,
uguna furfurmay)[5].
2- Qofka weyn in wax kasta lagu billaabo:
Sida qofka weyn oo kan yar ka hormara marka salaadda
Jimcaha la tukanayo, ama marka dad lala hadlayo, amaba
marka dad lala mucaamaloonayo.
Ibnu-Mascuud (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) kolka uu salaadda inoo simayo wuxuu
dhihi jiray: (Sinma hana is-khilaafina yaanay quluubtiinnu
is-khilaafine, qaan-gaarka caqliga lihi ha igu xigsadeen,
dabadeedna kuwa ku xiga, dabadeedna kuwa ku xiga)[6].
Xadiith kale oo saxiix ah waxa lagu sheegay in mar
ay laba nin oo asxaabta kamid ahi Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) u yimaadeen say ula hadlaan uu ku
yiri: (Weynee!! weynee "qofka weyni ha hadlo")[7].
3- Qof weyn in aan la fududaysan:
Arrimahaas aynu soo sheegnay waxa iyana ka farcama
arrimo kale oo ku saabsan weynaynta iyo darajaynta qofka
weyn, loona baahan yahay barbaariyuhu inu ubadka dabeecad
uga dhigo, inta ay yaryihiinna ku abaabiyo.
1- Qofka weyn in laga xishoodo: Xishoodku waxa weeye
akhlaaq gayeysiisa in wixii xun laga maago, diidda in
qofka weyn gudashada xaqiisa laga gaabiyo, keentana
in qof kasta oo xaq leh xaqiisa la siiyo. Sidaas darteed,
xishoodku inuu wax wanaajiyo mooyee wax ma xumeeyo.
Aanas ibnu Maalik (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Xushmad darro meel kastooy
gasho way xumaysaa, xishoodna meel kastuu galo wuu xardhaa
"qurxiyaa")[8].
Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Iimaanku waa dhawr
iyo lixdan unug, xishoodkuna waa unug iimaanka kamid
ah)[9].
2- Kola uu imaanayo in loo istaago: Qofka goobta yimaada
sida martida, musaafurka, macallinka, qofka waayeelka
ah, imw., oo loo istaagaa waxay kamid tahay anshaxa
bulshada ee wanaagsan, loona baahan yahay in da’ yarta
lagu abaabiyo.
Sayida Caa'isha (RC) waxa laga weriyay inay tiri: Ma
aanan arag qof Faaduma bintu Rasuulil-Laah (RC) uga
joogsi iyo fadhi eg Rasuulka(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam).
Hadday Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) usoo
gasho wuu u istaagi jiray oo intuu dhunkado buu meesha
uu fadhiyo fariisin jiray, hadduu usoo galana intay
halkay fadhido kasoo istaagto oo dhunkato bay halkii
ay fadhiday fariisin jirtay)[10].
Waxaa la weriyay saxaabigii weynaa Sacad ibnu Mucaad
(RC) Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu
u xilsaaray inu xukun ku rido Yuhuuddii reer Banii-Qurayda
oo ka baxday heshiiskii ay muslimiinta la gashay. Goobtii
xukunku ka dhacayay kolkuu Sacad kusoo dhowaaday Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu Ansaar ku yiri:
(Nabaddoonkiinna u istaaga)[11].
3- In gacantiisa la dhunkado: Anshaxa bulshada ee loo
baahan yahay da’ yartu inay qabatimaan, waxaa kamid
ah dhunkashada gacanta qofka weyn, taas oo raad weyn
ku yeelanaysa barashada ixtiraamka, naxariista iyo dadka
qofba halkuu mudan yahay inuu uga boos dhigo.
--------------------------------------------------------------------------------
[1] Tirmidi (1920), Abuu-Daa'uud (4943), Albaani (Saxiixul-Jaamic:
2053).
[2] Tirmidi (1919).
[3] Abuu-Daa'uud (4843), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 2195).
[4] Bukhaari (246), Muslim (2271, 3003).
[5] Axmed (15644).
[6] Muslim (432).
[7] Bukhaari (3173, 6142, 6143), Muslim (1669).
[8] Ibnu-Maaja (4185), Tirmidi (1974).
[9] Bukhaari (9), Muslim (35/57).
[10] Abuu-Daa’uud (5217), Tirmidi (3872).
[11] Bukhaari (4121), Muslim (1768).
Sabriye Moallin Musse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota-United States
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new