Maqaal
,
28 Janaury
2009 Waagacusub Media
Gudiga qaban qaabada shirweynaha 2aad ee UDUB waa xulkii
qaranka , hogaankii Xisbiga , xaqsoorayaaal iyo xeer
beegti loosoo xulay xaqiijinta qiimaha weyn ee xisbiga
iyo in UDUB ku yahay Xisbi Qaran oo ka duwan Axsaabta
kale Tayo ahaan una qalma in shacbi weynaha JSL mar 2aad
dortaan.
Natiijo ka soo baxday daraasad iyo qiimayn lagu sameeyey
gudigaaas iyo arrimo la xidhiidha ayaan hadaba ku soo
bandhigi doonaa qoraalkan.
Sida aynu la wada socono Madaxweynaha JSL, ahna
Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Mudane Daahir Rayaale Kaahin
ayaa magacaabay gudi ka kooban 11 xubnood una xilsaaray
qaban qaabada Shirweynaha 2aad ee Xisbiga UDUB.
Xubnaha Gudigan oo isugu Wasiiro, Wasiir ku xigeenno iyo
Saraakiil sare oo ka tirsan hogaanka Xisbiga UDUB waxaa
gudoomiye u ah Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Axmed
Yuusuf Yaasiin.
Daraasad iyo qiimayn Xisbiga UDUB UK ku sameeyey Tayada
Aqoonta Xirfadda, Waaya aragnimada, Wada shaqaynta,
dedaal badaanta, hawl karnimda hogaaminta, habdhaqan
wanaagga iyo astaamo kale oo ka mid ah shuruudaha lagama
maar maanka u ah ku haboonaanshaha hawsha, xilka iyo
waajibaadka loo igmaday Xubnaha Gudigan ayaa muujinaysa
natiijo aad u heersaraysa oo dhiiri galin weyn u ah guud
ahaan Xubnaha xisbiga UDUB iyo taageerayaashiisaba.
Daraasadda waxaa si cad uga soo ifbaxay in tayada
gudigani tahay mid si wanaagsan isugu dheeli tiran marka
laga eego dhinacyo badan.iyo inay tahay guddi aad uga
heer sarayso gudiyadii qaban qaabooyinka ee Axsaabta
mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid.
Hadaba inkasta oo sidaa tahay xaqiiqadu, hadana sidii
caadada u ahayd ama looga bartay xubno ka tirsan
Axsaabta mucaaridka ah ayaa iyaga oo aan ka fiirsan ay
markiiba dhaleecayn guudka uga tureen habka loo soo
xulay iyo xubnaha gudiga qabanqaabada Shirweynaha 2aad
ee UDUB kaas oo la qaban doono horaanta bisha Feebarweri
2009.
Waxaa iyaduna arrin lala yaabo iyo filanwaa ku noqotay
dadkeenna hadalada aan haboonayn iyo dhaleecaynta aan
loo meel dayin ee gudiga qabanqaabada shirweynaha UDUB
ay u soo jeediyeen Xubno ka tirsan isla xisbiga UDUB oo
ku tilmaamay in gudiga qaban qaabada ay qalad tahay in
uu gudoomiye u noqdo madaxweyne ku xigeenka JSL ahna
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB mudane Axmed Yuusuf
Yaasiin taas oo ay qaar ku dhawaaqeen in aanu
dhexdhexaad u noqon karin Xisbiga.
Waxa markiiba halkaa ka soo baxday in xubno tiro yar oo
ka tirsan xisbiga UDUB ay iyaga oon ka fiirsan si fudud
ugu dhawaaqi karaan erayo saamayntooda ay iyaga laftooda
ceeb ku tahay oo ay ku luminayaan kalsoonidii xubnaha
kale iyo dadweynahaba.
Waxaa la xasuusinayaa in qofka ka tirsan Xisbiga UDUB,
ha ahaado Musharax, Masuul kale ama Xubin caadi ahba in
ay tahay qalad iyo talaabo aan haboonayn in iyada oo aan
loo hayn wax caddayn ah layska canbaareeyo gudiga qaban
qaaabada ee shirweynaha Xisbiga UDUB ee hawsha muhiimka
ah u fulinaya xisbiga UDUB.
Waa maxay ceebta ku jirtaa? Yaase uga sareeya ama kaga
haboon hogaaminta guddi kasta oo loo magacaabo UDUB
haday tahay qabanqaabo iyo haddii kaleba Gudoomiye ku
xigeenka Xisbiga UDUB.
Gudoomiyaha Gudigan mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo
Xubno badan oo ka tirsan gudiga qabanqaabaduba waa
masuuliyiin Qaran oo lagu aaminay una haya Qaranka JSL
xil ka weyn ka xisbiga UDUB sidaa darteed ma haboona in
magacooda iyo sharaftooda wax loo dhimo waana rag laysku
halayn karo oo hawsha ay Qaranka u qabteen caddahay.
Dhinaca kale qofka UDUB ah ee aaminsan in gudiga
qabanqaabadu Xubnaha UDUB ay u kala eexanayso ama aanay
u sinayn muxuu ku qancinayaa qofka mucaaridka ah ee
yidhaahda Adiguba Wasiir UDUB ama Xildhibaan UDUB ayaad
tahay oo dhexdhexaad ummadda uma tihid oo cadaalad darro
ayaad samayn jirtay ama samayn doontaa haddii xil laguu
dhiibo ama lagu doorto. Haddii aan Xubnaha UDUB ka
farsiin hadaladooda iyo ficiladooda, su’aalo badan ayey
dadka reer Somaliland is weydiin doonaan.
Maqaalada aan loo meel dayin ee loo soo gudbiyey
mareegaha ama Internet ka iyo qalabka warbaahinta ee
kale ee lagaga hadlaayo Madaxweyne ku xigeenka iyo
kaalintiisa musharaxnimo haddii loo fiirsado waxaad
arkaysaa in dadka qaar ay iskaga qaldan tahay cidda ama
golaha samaynaya kala doorashada Musharaxiinta UDUB
dhexdiisa iyo cidda madax ama gudoomiye u noqon karta
Gudiga qabanqaabada shirweynaha oo ah waajib in Xisbiga
UDUB qabsado hogaaminteedana ay iska leeyihiin
Gudoomiyaha UDUB iyo Ku xigeenkiisa ama ciddii kale ee
ay u igmadaan.
Xisbiga talada haya ee UDUB wuxuu soo gaadhay oo uu
maanta dul taagan yahay bar tilmaameedkii caanka ahayd
ee Axsaabta kala ee Somaliland ku bariiqan jireen, taas
oo dadka Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba wada
sugayeen oo u calaamadsan, waxaana looga baahan yahay
Xisbiga UDUB inuu booddo dheer kaga gudbo booraamaha.
Sida Xisbi kastaa u maamulo arrimihiisa marka uu soo
gaadho madashan ayaa waxay muujisaa oo laga daawadaa
tayada xisbiga iyo waxqabadkiisii muddaddii la soo
dhaafay iyo waliba inuu yahay iyo in kale Xisbi hanan
kara Kalsoonida ummadda oo laysku aamini karo
mustaqbalka.
Kol haddii arrintu sidaa tahay xisbiga UDUB na uu
doonayo inuu mar labaad ku guulaysto doorshooyinka iyo
hogaaminta ama talada dalka waxaa looga baahan yahay
xubnihiisa ka soo qayb gala shirweynaha 2aad inay
lahaadaan aragti dheer oo ka shishaysa madasha shirka
iyo xubnaha musharixiinta, iskana ilaaliyaan khilaafka
iwm. Waa inay muujiyaan masuuliyad iyo lexa jeclo
xisbiga ah iyo aragti mustaqbalka dheer.
Waa in la ogaadaa mustaqbalku inuu ka muhiimsan yahay
joogtada ama xaadirka. Xisbiga iyo sumcaddiisuna ka
muhiimsan tahay xubin kasta.
Sidaa darted waa in laga fikiraa mustabalka iyo sidii
xisbiga UDUB loo sii wanaajin lahaa tayadiisa iyo
horumarinta xeerka xisbiga. Waana in la fahmaa in Xeerku
ka muhiimsan yahay Xisbiga sida Xubinta uu Xisbigu uga
muhiimsan yahay. Xubnaha Xisbiga UDUB waa inay ka
fikiraan sii wanaajinta iyo adkaynta xeerka xisbiga.
Xeerka Xisbi kastaa wuxuu muujiyaa tayada Xisbiga iyo
xubnaha. Sidaa darted waxaa lagamamaarmaan ah oo ka
muhiimsan Xeerkastana dadkiisa oo ah kuwa samaystay ee
looga baahan yahay fulintiisa iyo inay ku dhaqmaan.
Gebagebadii Xubnaha Xisbiga UDUB waa inay wanaajistaan
shirkooda, ku dhaqmaan xeerka xisbigooda, ilaashadaan
xisbigooda kana fikiraan mustaqbalka iyo sidii ay ugu
guulaysan lahaayeen doorshada soo socota dalkana ugu soo
hoyn lahaayeen Ictiraaf iyo horumar balaadhan.

Axmed Naasir Xirsi
Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new