
SOOMAALIYA IYO MAANTA:Dardaaran iyo talo soo
jeedin ku jeedda dadka Soomaaliyeed,By Cabdulqaadir
Xaaji Masale
London 28
Janaury 2009 Waagacusub Media
SOOMAALIYA IYO MAANTA
As-salamu Caleykum waraxmatullahi.
Ugu horreyntii waxaan salaan kal iyo laab ah u so gudbinayaa
ummadda Soomlaaliyeeed meel kasta ay joogaan gudaha
dalka iyo qurbahaba anagoo isu rajeyneyna xilliyada
soo socda in Ilaahay nooga dhigo kuwa aan ka reysanno
dhibaatadii na soo martay, dadkeenuna ay noqdaan kuwa
layimaada dadaalkeeda.

Tacsi:
Waxaan isga tacsiyeyneynaa dhamaanteen dadkii nooga
geeriyooday dagaaladii is daba jooga ahaa khaastan kii
ciidamada Tigreega uu Zanaawi ku naafeeyey dadkeena
iyo dalkeenaba.
Annagoo si gaar ah uga tacsiyeyneyna qoysaskii dhimashada
iyo dhaawaca iyo hoy burburinta iyo barakaca uu soo
gaaray anagoo u rajeyneyna kuwii geeriyooday Ilaahay
raxmaddiisa inuu siiyo kuwa dhaawacmayna Ilaahay shaafiyo.
Annaga iyo qoysaskii ay geeriyoodeen inuu Ilaahay samir
naga wada siiyo.
Duulaankii waalnaa ee Zanaawi:
Soomaaliya iyo Itoobiya, laba dal iyo dadba Ilaaha baa
deegaankaas ku abuuray, midkoodna midka kale kama tirtiri
karo meesha Ilaahay dhigay. Sidaas waa inay labada dad
u ogaadaan uguna dhaqmaan. Sida qawaaniinta dawliga
ah iyo deris wanaagu ay doonayaan ugana faaiideysaataan
dhan kasta oo noloshooda taabaneysa (dhaaqale, bulsho
iyo nabad gelyo).
Hasehatee, Zanaawi arrintaas labada dadba wuu ka marin
habaabiyey, asagoo dadka Somaaliyeed colaad iyo uurkutaalo
ku beeray dadka Itoobiyana eed iyo colaad u soo hooyay.
Waxaan rajeyneyaa in ciidamadiisa uu kala baxay dalka
aysan noqon sidii laba sano ka hor uu dhawaaqay mar
idaacadahu weydiiyeen goorta ciidamadiisa uu kala baxaayo
kuna jawaabay toddobaadyo ka dib.
Waxaan ka digeynaa tii oo kale inayna noqon garashada
iyo caqliga xun kuna beddelo si labada dad iyo dalba
dan iyo maslaxad u ah. Waxaan fileynaa inay dhamaatay
dowlad ma ay lahee ku bardoodi mireheedii inuu gurtay.
Dardaaran iyo talo soo jeedin ku jeedda dadka
Soomaaliyeed.
Somalidu waxay leedahay maahmaah dhaxal gal ah oraneysa
“Ayax tag eelna reeb”. Soomaaliyey waxaad ogaataan ujeedadii
Zanawi ku soo duulay inyan sahlaneyn, fikrad maalmo
iyo bilo la qorsheeyey ayna ahayn, waa siyaasad qota
dheer himilana cuskan. Waxaan qabaa, intii Itoobiya
iyo Eritereya laba dowladood kala noqdeen, Itoobiyana
noqtay marin badeed la’aan waxay u su soo jeheysatay
dhanka Soomaaliya. Halkaas waxaa idinka muuqan kara
himiladeedu inayan weli caga dhigan!.
Hadba shirqoolkaas waxaa looga bixi karaa wadajir iyo
isku duubnaan iyo anagoo ka baxna isku dhex mashquulka
la isku keen diray si aan uga il duufno qorshaha dhexdiina
uu ka wado Zanawi iyo kuwa ku garab siiya qorshahaas.
Hambalyo:
Waxaan u hambalyeynayaa sidii wax garad badan ee Soomaaliyeed
uga hambalyeyeen muqaawamadii dadkeenu ayna u kala harin
ay ku kiciyeen cadawgii dalkeena iyo dadkeena ku soo
duulay. Sidaasoo kale waxaan u habalyeyneynaa dadkii
banaanbaxyada ku maamuusay iyo ereyadii qiimaha iyo
qiirada lahaa ay ka jeediyeen munaasabadaas.
Waxaanse ka digayaa, guushaas inaan la xabaalin oo
uusan dagaal dambe dhicin. Taas oo damac siineysa Zanaawi,
qof kasta iyo ururkasta oo ku kaca dagaal iyo ficil
kasta oo kala geeya dadka Soomaaliyeed wuxuu u hiiliyey
qorshii Zanaawi.
Hambalyo ku jeeda golaha Barlamaanka:
Waxaan idinku hambalyeyneynaa garashad aad isla garateen
inaad Jabuuti ka dhigateen shirkiinii. Isla markaasna
waxaan mahad uga celineynaa dawlada, dadka reer Jabuuti
iyo madaxwenaheedaba gogosha ay noo fidiyeen sidii caadada
u ahaan jirtay.
Waxaa mudan in la xuso, leexintii aad ka leexiseen
shirkii lagu qaban lahaa Baydhabo, waxay ka hortagtay
ujeedadii Zanaawi oo ahayd inuu awooda uu degaankaas
ku heysto inuu ku caburiyo shirka sababtoo ah ciidamadiisa
oo saaran duleedka Bay, Bakool iyo Gedo.
Codsi iyo dardaaran ku jeeda golaha Barlamaanka:
Barlamaanka sharafta leh waxay ummadda Soomaaliyeed
ka dhursugeysaa xaq ugu leedahay in madaxbnaanidooda
loo ilaaliyo. Waxaa meel ka dhac ku ah arrintooda beeleed
iyo madaxdooda siyaasadeed inuu dhaxdhaxaadiyo Zanaawi
fidnana ku abuuro.
Waxaan ka dardaarmeynaa in meelaha halbowlaha dawladda
u ah inaan loo dooranin shakhsiyaad Zanaawi ku xiran
oo talo iyo tilmaanna nooga raadsada. Sida madaxweynaha,
gudoomiyaha barlamaanka, wasiirka koowaad, wasiiradda
arrimaha dibadda, difaaca iyo dhaqaalah kuwaasoo ah
saldhigga federaalka.
Sidaan horey uga sheegay shir Mareykanka lagu qabtay
sannadkii 2006, in Zanaawi uu ka dambeeyey dumista laba
dowladood oo lagu soo dhisay Jabuuti , midna madaxweyne
uu ka ahaa Cali Mahdi tan kale uu ka ahaa Cabdqasim
Salaad.
Isla markaas na waxaan sheegay in midda Kenya lagu
soo dhisay uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yusuf
waxa uu kula kacay taasoo ah fagelin ku ah madax banaanida
dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo weliba sheeganaayey
inuu daafacayo jiritaankeeda.
Ujeedaasu ma reebayso xiriir laba dal ee deriska ah
ka dhex dhaca, waxaana sugeysa fikrigii horay aan u
tilmaanay oo ku saleysnaa deris wanaag, nabad wadaag,
dhaqaale wadaag iyo bulsho wadaag taas oo aan isleenahay
si xikmad leh oo niyad sami ah haddii loogu adeego in
wax weyn ay labada dad iyo dalba ay u tari karto.
Ka hadalka aan ka hadlaayo arrimahan khuseeya siyaasadda
dalkeena inaan soo galay xerada siyaasadda. Waxaan caddeynaayaa
marna inaanan ka bixin ilaa ay dhacday dawladii hore
oo aan ka mid ahaa. Hase ahaatee, dadka qaarkiis waxaan
u kala caddeyn siyaasad ku jirid iyo maamul siyaasadeed
(Xukuumad). Ku jiridda siyaasadda waa xaq ummadda Soomaaliyeed
igu leedahay deynna igu ah. Balse, waxaan caddeynayaa
innanan diyaar u ahayn maamulkeeda (ka qeyb gal dhismaha
dowladda).
Wa billahi Tawfiiq.
Qore: Muwaadin Cabdulqaadir Xaaji Masale
London 26/01/2009
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new