
Gool_Hayihii
Hore ee Xulka Somalia Jeylaani qaliif oo 2 dameer uu
Lahaa laga diley+Sawiro
Mogadishu
27 Fabaury 2009 Waagacusub Media
Goolhayihii hore ee xulka kubadda cagta ee dalka Somalia
Jeylaani Qaliif Maxamed ayaa waxaa la soo deristey dhibaato
xagga nolosha ah ka dib markii laga diley 2 dameer oo
uu ku shaqeysanaayey.
Jeylaani qaliif oo iminka degen Tuulo ku dhowaad 10
km u jirta degmada afgooye ayaa isaga oo u waramayey
Waagacusub Media waxaa uu sheegey in dad uusan garaneyn
ay u soo dheceen gurigiisa isla markaana ay toorey ku
dileen 2 dameer oo uu sheegey in nolosha caruurtiisa
uu ku deberayey.Halkaan
ka dhageyso Wareysigiisa ama Download
"Ma joogin aniga guriga xiligaasi waxaan soo jirey
degmada Afgooye markii aan reerka u laabteyna waxaa
la ii sheegey in 2dii dameer ay dhinteen oo la diley
6 saac oo habeenimo ayuu sheegey Jeylaani qaliif oo
ahaa Goolhayihii birta ahaa ee qaranka iyo Naadigii
Horseed.

Mucjisooyinka ka dhacaya dalka Somalia ee ay sababeen
Dagaalada iyo dhibaatooyinka ayaa waxaa ay keeneen in
dad magac iyo shacbiyad ku lahaa dalka ay iminka ku
nooladaan nolol aad u liidata oo aysan u qalmin,
Wallow ay bulshada inteeda kale ay kala simanyihiin
dhibaatooyinka iyo Dar xumada ka jirta dalka ayaa hadana
Shaqsiyaadkii Magaca u keeney dalkena Somalia iminka
qarkood ku dhibaateysan yihiin Gudaha dalka.
Ex-Goolhaye Jeylaani Qaliif Maxamed (Baaba-Jeey) waxaa
uu kamid ahaa Goolhayayaashii magaca iyo sumcadda Ku
dhex lahaa Bulshada taasi oo uu ku kasbadey dadaalkii
iyo magacii uu u soo hooyey Xulka Kubadda Cagta dalka
iyo Naadigii caanka ahaa ee Horseed.
Waxaana Jeylaani Magaciisa uu ku faafey dhamaan wadamada
caalamka Gaar ahaan Qaaradda afrika iyo carabta.
Cabdulxafiid zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new