Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Madaxii Keeydka Simba Radio oo Mogadishu ku geeriyooday"Tacsi"

Muqdisho 27 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Allaha u naxriistee Cabdul Qaadir Maxamed Ciise (Nuune) oo sannadihii ugu dambeeyay ahaa madaxii madaxii keydka idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

 

Marxuum Abwaan C/qaadir Nuune ayaa geeridiis waxaa ay ka dambeysay ka dib markii xanuun uu la soo gudboonaaday, isagoona ka xanuunsanaa gacanta midig oo nabar uga soo baxay todobaadkan gudahiis.

1979-kii ayuu dhashay. Wuxuu ifka kaga tagay shan caruur oo kala ah: saddex wiil iyo labo gabdhood. Waxaa kaloo uu ka mid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee dhinaca fanka.

Madaxda iyo shaqaalaha idaacadda Simba ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay u dirayaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuum C/qaadir Max'ed Ciise - Nuune.

Tifaftiraha guud ee Shabakada Xogta Online Abdifitahaam Ahmed oo saaxiibo aad ah ahaan jireen Nuune isla markaana wada shaqeyn buuxa dhex martay in muddo ah ayaa sheegay inuu ahaa nin aad u fariid ahaa isla markaana diinta ku dhegnaa oo Salaada aan waqtigeeda dhaafin jirin jeclaana mar walba inay horumarto Saxaafada iyo Fanka.

"Dagaaladii Muqdisho 2007 bilowgeeda ka socday oo dalka igu dambeysay ayaan Nuune saaxiibo isku dhow aheyn waxaana xasuustaa in galab walba marka howsha idaacada Simba inoo dhamaato labadeena inan isku raaci jirnay Xaafad aan isla degneen oo xabada oo dhaceysa is wehelsan jirnay waxuuna ahaa nin Alle ku xiran oo aqlaaq wanaagsan".

Abdifitahaam Ahmed iyo Ahmed Ali Sheekh "Ahmed Yare" iyo guud ahaan Shaqaalaha Shabakada Xogta Online ayaa tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaaan Marxuum C/qaadir Max'ed Ciise - Nuune.

Tacsi heer Qaran waxaa sidoo kale diraya Kooxda Waagacusub Band oo uu ka mid ahaa iyo guud ahaan Weriyeyaasha Waagacusub Media.

INNAALILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new