Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Maxaad ka taqaan Sedex Musharax ee ugu cad cad DJibouti Election.

Djabuuti, 27 Janaury 2009 Waagacusub Media


1-Korneyl Nuur Cadde waa nin boliisa oo xooraanka ku fiican,garsoorka iyo Cadaaladda yaqaana hasse yeeshee qunyar socoda.

Wuxuu abaal ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna abaalku yahay,saaristii uu saaray Korneyl Cabdulahi Yusuf iyo Ciidamadda gumeysiga Ethiopia.


Ra'isulwasaarre Nur Cadde wuxuu u sharaxan yahay Madaxweynenimadda Somalia laakiin waxaa ciili karo da'diisa oo heer gaboow joogta.


2-Shariif Sheekh Ahmed waa nin asalkiisa magac wadaad ku yimid Masraxa siyaasadda Somalia,khibrad maamulnaa aan laheyn marka laga reebo kaaliyenimadii uu Maxamed dheere kula shaqeeyn jiray Maamulkiisii Jowhar.

Shahaado xaga Carabiga ayuu qabaa,wuxuuna kaga soo baxay Sudan iyo Liibiya.

Masuuliyiintii uu la shaqeeynayay ee Maxaakiimta waxay qabaan inuu yahay nin aan la aamini karin oo uu balamo badan kaga baxay raggii ay wada shaqeeynayeen.

Waxay isweydiin ka qabaan sidii shaqsi aan balan lahayn loogu aamini karo masiir ummadda.

Shariif Sheekh Ahmed dhacdooyinka lagu fadeexeyn karo waxaa ka mida balan ka bixii uu ka sameeyay kulankii Yemen ee dhameeynta khilaafka isaga iyo Xasan Dahir Aweys ee Sanca,Yemen.

Khilaafkaas waxaa lagu riday Maxkamad Islaamiya oo ka dhigan biyo kama dhibcaan dhinaca shareecada balse nasiib daro Shariif Sheekh Ahmed markii uu yimid DJibouti si fudud ayuu uga booday balantaas wuxuuna shaxdiisa siyaasadeed ku ciyaaray kaar cusub oo uu ugu magacdaray Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia.

" Culumadda Xukunka ay rideen wuxuu khuseeyaa Maxaakiimta Islamiga,hoowsha aan wadana waa Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia"ayuu isugu qiil sameeyay Shariifka mar la waydiiyay sababaha uu uga tilaabsaday xukunkii Sanca.

Ceebaalaha Shariifka ee taageerayaashiisa ku heystaan waxaa ka mida isagoo sedex mar laga reebay diyaarad uu doonayay inuu u raaco Addis Ababa si uu ula shiro Madaxda Ethiopia taas oo ka dhigeysa nin aan go-aan adag lahayn oo u nugul damaciisa siyaasadeed.

Cali Xaashi Dhoore Xuub waqtigii Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday ku xigeenka duqa Magaaladda Mogadishu 1973,waa Dr Cilmiga dhaqaalaha ka heysta PHD oo ka baxay Jaamacada ugu sareysa Dalka Talyaniga ee Milano laguna magacaabo BOCCONE.

Dr Cali Xaashi Dhoore wuxuu ka mid yahay sedexda Musharax ee ugu cad cad tartanka doorashadda Madaxweynenimada ee DJibouti ka dhaceysa maalmo kadib.


Cali Xaashi dhoore Takhasuskiisa siyaasadda waxaa u wehliya aqoonta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Marxalada dunida ee dhaqaalaha wuxuu yahay nin ka saari kara Somalia dhaqaalo xumida heysa.

Cali Xaashi Dhoore oo ka mida aqoonyahanada ugu caansan Somalia,weligiisna isu sharaxin Madaxweynenimo waxaa la isweydiinayaa sababaha ku qasbay inuu isu sharaxo Madaxweyne.


Diblomaasiyiin xog ogaala ayaa sheegay in Cali Xaashi Dhoore ay ku dhiirigeliyeen,kulana taliyeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Cabdulahi Ahmed Cadow.

Waxaa daawasho iyo ka dhursugid u baahan sedexda Musharax midka ku guuleeysto doorashadda

Halkaan ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow

DHAGEYSO HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009

Faallo-Xulka Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro

Mohamed Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub

Dhageyso Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new