Djabuuti,
27 Janaury
2009 Waagacusub Media
Dagaalo adag kadib waxaa dalkii dib looga xoreeyay
xoogagii xabashida ee ku soo duulay dalka Soomaaliya
dabyaaqaddii sanadii 2006-dii kuwaasoo gacanta ku dhigay
inta badan goboladda dalka Soomaaliya iyagoo markaana
mar marsiyo ku aadan duulaankooduna u heystay dowladdii
daba dhilifka eheed ee baydhaba saldhigeedu ahaa oo ay
lahaayeen garab ayaan siinaynaa si argagixisaddu ay uga
amaan hesho.
Midowgii Maxaakiimta islaamka oo iyagu dalka Soomaaliya
soo mariyay taariikh lix bilood ku ekoobneed balse dadka
qaar ay ku macneeyaan lix sano ayaa iyagu ahaa kuwii soo
celiyay amaankii caasimadda Muqdisho iyo iyagoo inta
badan goboladda dalka gaarsiiyay maamulkoodii
wanaagsanaa, balse markii huwanta amxaaraddu soo
abaareen dagaalo adagna dhex mareen ku kala yaacay
dibadda iyo guddaha dalka ciidaamaddii iyo
mas’uuliyiintiiba.
Inkastoo dadku qaarkii aysan ogeen soo ifbixii
maxaakiimta hadana waxaa hoos ka jiray dhalinyaro fir
fircoon oo iyagu inta badan dhex-dooda kala amar qaadan
jiray waxaa ayna ahaayeen laf dhabarkii ay maxaakiimtu
ku tiirsanaayeen xag milatari ahaan xiligii ay
dagaaladda kula jireen hogaamiye kooxeedyaddii (Asha-haadu
la dirirkii) iyo huwanta Itoobiya-ba, inkastoo ay ku
dhex milnaayeen ciidamaddii maxaakiimta hadana waxa ay
ahaayeen kuwo ka qaab iyo fikirba duwanaa oo iyagu lahaa
Amiiro (Madax) ay si gooni ah uga amar qaataan.
Al-Shabaab waa magaca ay la baxeen dhalinyaradaas oo
iyagu gooni isu taagay kadib markii amxaaraddu ay dalka
qabsadeen, kahor intii maxaakiimtu ay maamul-ka hayeen
waxaa jiray laba golle oo ay maxaakiimtu sameeyeen,
Gollaha Shuuradda oo uu hogaaminayay Sheikh Xasan daahir
Aweys iyo Gollaha Fulinta oo Sheikh Shariif Sheikh Axmed
uu hor boodayay, saas oo ay tahay waxaa go’aano aan laga
fiirsan ama gollayaashii maxaakiimtu ka fariisan qaadan
jiray dhalinyaraddii Al-shabaab.
Dadka qaar ayaa is weydiin jiray awaamiirtii lagu
mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista jaad-ka, daawashadda
aflaam-ta iyo kuwo kaloo badan, maaheen in la diidanaa
in la suuliyo munkarka iyo waxyaabaha xun xun balse
waxaa la sugayay go’aan si rasmi ah uga soo baxo gollaha
shuuradda oo laga wada tashaday kadibna golaha fulinta
ay ku dhawaaqaan fulinta amaradaas.
Dhamaan arimahaas iyo in qof walba oo lagu helo qadaf
yar isla meesha lagu karbaasho iyadoo aanan la geyn
maxkamad waxaa watay dhalinyaradda Shabaab-ka oo iyagu
sal fudeed iyo sugitaan la’aan isku darsaday, tiiyoo ay
jireen culu’maaudiin fara badan oo golllaha shuuradda ku
jiray halka Maxaakiim badana ay furnaayeen balse iyagu
qofkii ay qabtaan ku fulin jiray hadba waxa ay iyagu ay
gooyaan.
Looma jeedin Al-shabaab xiligaas, inkastoo
mas’uuliyiinta maxaakiimtu ay ogaayeen hadana ma muuqan
qaab ay wax uga qaban kareen tiiyoo ay Itoobiyaanku soo
muuqdeen waxaana mar aan la sheekeestay mid kamida hor
boodayaashii ciidamadda maxaakiimtu uu ii sheegay in
dagaalkii IDAALE ama aadidii maxaakiimtu ay aadeen
dhanka baydhaba ay aheed xeelad shabaabka lagu
mashquulinayay dagaal-ka.
Hadaba aan u soo daa dago dulucda maqaal-keyga ee jabkii
gaaray itoobiyaanka ayaa iyo jahwareeka la soo
gudboonaaday mujaahidiinta kadib guushii la gaaray oo
illaah uu sababay in ay itoobiyaanku ka baxaan guddaha
dalka.
Waxaa wali halkeedii ka sii socda sal fudeedkii
shabaabka iyadoo haatana ay soo muuqanayso shax cusub oo
qarsooneed waxaana dadka inta badan ay su’aalo iska
weydiin jireen ama ku wareersanaayeen hadaladda aan is
badalin ee shabaab-ku mar walbaa siin jireen warbaahinta
kuwaasoo ahaa in hadafkoodu uu yahay in kitaabka alle la
isku xukumaa mowqifkaasna uusan isbadaleen, taasoo qaar
kamida dadka ay u muujiyeen taageero loona heysay in ay
xukun u carar aheyn.
Shabaab-ka waxaa hogaaminayay Aden Xaashi Ceyroow
ninkaasoo ahaa mid inta badan aanan isu soo bandhigi
jirin bulshada balse mowqif adag lahaa, waxaana lagu
dilay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha ugu casrisan
dalka mareykanka iyo maraakiib la sheegay in gantaalo ay
la soo beegsadeen magaaladda Dhuusa-mareeb ee gobolka uu
ka soo jeeday ee galgaduud.
Dhimashadii Ceyroow iyo ciddii ka dambeysay in la dilo
ayaan ilaa hadda si cad loo heyn waxaana shakiga ugu
badan uu soo baxay maal-mo dhaweed kaas oo muujinayay in
guddaha shabaab-ka ay arinta dilka Ceyroow u badatay
maadaama uu ahaa hogaamiyahii ugu adkaa ee mowqifkiisa
aan isbadalin.
Shabaab-ku waxa ay adeeegsan jireen miinooyinka dhulka
lagu aaso, hoobiyayaal lagu duqeyo goobo kala gadisan,
dilal qorsheysan oo qof walboo laga shakiyo lagu
qaarajiyo iyadoon la hubsan, is miidaamin ama isqarxin
aan loo meel dayin iyo waxyaabo badan oo ay ka sameyn
jireen guud ahaan goboladda dalka gaar ahaan magaaladda
caasimadda ah ee Muqdisho.
Shacabka ayaa intaa indhaha ka eegan jiray iyadoo ay
sidaas habooneed maadaama cadow wadanku ku sugnaa
xiligaas waxaase marag ma doonto ah in cadowgu inta uu
si bareer ah u dilay iyo inta ay gabaadka ka dhigteen
ama sababta loo dilay ay iyagu lahaayeen ay kala badan
yihiin maadaama aan la socono inta goor oo ay hal xambad
ama hal hoobiye ay rideen jawaabtiisa gantaalo ada adag
lagu soo asqeeyay goobo ay dadku ku badnaayeen gaar
ahaan suuqa Bakaaraha kuwaas oo galaaftay nolol shacab
kumanaan gaaraya.
Shabaab-ka ayaa haatan waji cusub la soo baxay kadib ka
bixidii baydhaba ay ka baxeen ciidamaddii itoobiya,
waxaana afhayeenkooda MUQTAAR MANSUUR ABUU ROOBOW lsku
ifiyay tooshkii ugu weynaa halkaasoo uu ku waayay
kalsoonidii shidaal-ka ka sii dhamaanayay oo ay dadka
qaar u hayeen.
Waxaa uu gacanta ku dhigay rag uu ka mid ahaa XAABSADDE
oo isugu ku heyb ah waana la sii daayay oo hubkoodiina
lagala wareegay ayaa dib loo siiyay mise lagu si
galbiyay lakala garan waa.
Looma kala harin wali dadkii dhaga fiiq ayaa heysta sow
Xaabsade maaheen daba dhilif amxaaro sow iyagii ilaa
xiligaas Baydhaba ku hayay amxaaradda iyo kuwa la
shaqeen jiray, sow tuu yiri shabaab waa in la sifeeyaa
oo la tir tiraa. Maxaa Dooriyay maankii ABUU ROOBOW.
Maahi kuma jiri dadka oranaya Roobow maxaa Xamar keenay
ama maxuu xabadda uga ridayaa, qabiil kuma riixayo
laakiin isagaa isa soo banaan bixiyay qorshayaasha
shabaab ee aan la fahmi Karin iyo waxa ay kala
qarsanayaan waxaa sii dheer in iyana ay Itoobiya
qorshooyin kale soo maleegtay Allaahu aclam in iyaga
qaarkood ay wax kala ogyihiin balse amuurahan hoose u
fiirso.
Itoobiya waxa ay uga tagtay magaaladda baydhaba hub aad
u fara badan sida dadka oo dhan ay wada ogyihiin,
hubkaas waxa uu gacanta ugu jiray qabaa’iladda kala
duwan ee Goboladda Bay iyo bakool wada daga,
Shabaab-kuna dagaal walba kuam soo haweysan laheen wax
saacado ku kooban in uu guddaha magaaladda u galo.
Hubkii oo ay heysteen qaar kamida xildhibaanadda
beeshiisa waa ROOBOOWE wey ku wareejiyeen sida in lagala
dar daarmay oo kale isagana shir uu la qaatay dabadeed u
sii galbiyay garoonka Waajid ee Bakool si ay uga qeyb
qaataan shirka Jabuuti, Roobow xitaa ma awoodi waayay in
uu xiro ama uu ka baajiyo shirkaas oo uu isagu u yaqaano
ama ugu yeero shir aan diinta shaqo ku lahayn ama aysan
wax aan umaddu anfacaya ka soo baxayn.
Waa maxay kalsoonida intaas la eg oo ay Roobow isagu
dhiibeen ragaas, maxaa ka dhaxeeya oo aan gumaca
rasaasta ama (gaalo raacnimo iyo mujaahidiin) ahayn, sow
ma ogeen in uu soo galayo magaaladda oo horeyba
idaacadaha uga sii daayay in uu ku wajahan yahay,
xabadaha yar yare e magaaladda ka dhacay kadib maxay ka
wada hadleen kulankoodii kadib.
Intaas oo su’aalo ah iyo ka badan waxaa iiga soo baxay
aniga in Itoobiya guul daradeedii dhan milatari iyo dhan
siyaasadba ay ku fakirtay in shabaabku sii wato
shaqadooda, waxay uga tagtay ama u dhaaftay hubkeedii,
waxayna ugu danleedahay sii qariba oo yuusan wadanku
dagin maadaama iyadu ay hore u adeegsan jirtay hogaamiye
kooxeedyaddii dalku ka dagi waayay.
Hiiraale oo Kismaayo u soo faruuryo qaniinsanaya waa tii
laga leexiyay, Itoobiya iyadaa galbinaysay Kismaayo iska
dhaafee goboladdii geddo ay ka mid eheed ee uu ku
abtirsanayay ayaa dib looga gurtay oo laga celiyay, ma
fahantay ujeedadaas.
Maxamed Dheere ayaa la xirtay oo baydhaba lagu haayay ,
hal hogaamiye kooxeed hub lama siin markii ay Soomaaliya
ka arur sanayeen agabkooda balse kaarto kale ayay
aliftay itoobiya oo ah ku shaqeynta SHABAAB!.
Shaxda maanta qarsoon ayaa ah ku shaqeynta shabaabka,
dowlad walboo lasoo dhisaa ama Soomaali yeelataa
Itoobiya waxay ka xigtaa Geeri iyo gablan, maantana
waxay heshay fursad ay kaga faa’iideysato isfaham
la’aanta heysata Mujaahidiinta iyo madax adeega
Alshabaab, maxaase la gudboon iyaga iyo inta kale.
Shabaabku hadeysan keenin caqli kaloo shaqeeya oo aan ka
ahayn kan maanta ay wadaan waxaa ay ka baxayaan
dariishadii ay Itoobiya ka baxday waana in ay umadooda
ka mid noqdaan warka culimadda –na maqlaan.
Mujaahidiinta kale waa in ay feejignaan mujiyaan iskuna
kalsoonaadaan si aan look ala fur furin lagana wada
shaqeeyaa howlaha di u dejinta dadkii bara kacay iyo in
aanan mar dambe dib loogu laaban sal fudeedkii ay seefta
u hayeen Shabaabka.
Wixii aan qalday iyo intii aan gafay waan ka cudur
daaranayaa, ma qaldame waa illaah towfiiqda allaha na
waafajiyo, waana qaadan doonaa dhaliil iyo amaan wixii
aad ii soo jeedisaan.
Fikir Akhriste Waagacusub
Samme Guilled
Qaransuge2009@hotmail.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new