
Yaa ka
mas'uula dhibaatada ka dhacaysa Somalia???.
Maqaal
26 Fabaury 2009 Waagacusub Media
su'aashaa haddaan ka jawaabo dad badan waxay niyada ku
hayaan waa qab-qable dagaal iyo waa mid diin sheeganaya
oo dagaalaya iyo wadamo shisheeye ayaa ka mas'uul ah,
waxaan oran lahaa dhamaan dadka sidaa aaminsan wali wax
baa u dhiman.
Runtu waxay tahay dhibaatada ka taagan Somalia waxaa ka
mas'uula shacabka Soomaaliyeed oo damiir la'aanta
dilatay qabiilkana maankooda gattay,ilaa qab-qable ilaa
ethiopia iyo xasuuqeedii ilaa maanta midda socota waxaa
ka mas'uul ah shacabweynaha soomaaliyeed ee maanka laga
gatay.
bal fiiriya xasuuqii iyo bara kicintii
Ethiopia ay u geysatay shacabkan damiirka la' ayagoo
laayay maato, aqoonyahan, waxgarad, iyo dad badan oo
wax tar ah, haddana waxaa ugu darsamay cadaw Somali ah
oo boqol waji wata oo maalin walba shaar cusub u soo
gashanaya ayagoo dantoodu aysan marnaba dal iyo dad
aysan ahayn, maalin walba waxaa dhacaya xasuuq iyo
barakacin ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata taa
sababteedana waxaa leh (shacab damiir laawe) oo dhanka
qabiilka aad ugu fiican nin walba oo jufadooda ahna
daneeya waxa uu wato diyaarna u ah in uu laayo,
macnaha (war ma hebelbaa alla muxuu ni karmeed yahay
jufadeena sharafkeeda kor buu u qaadayaa) (jufo ciic)
shacabow runta haddaad rabtaan '' xasuuq, barakac,
baaba, iyo wax walba oo idinku dhaca idinka ayaa
keensaday, war heedhahaya xaafadahiina ayaa laga
tuurayaa madaafiic oo qolo kale lagu tuurayaa deetana
markuu ninkii tuuray uu iska tago idinkoo afka wada
taagayaa baa jawaabtii ninkii lagu tuuray ku
la'anaysaan oo ku baaba'aysaan markaas baad cabaad
bilaabaysaan markii horena waad fiirsanayseen markii
laga tuurayay gurigiina.
Alla damiir xumidiinaa oo aqli ku fool xumo
badnidiinaa, shacabow waxaa iga tallo ah haddii aad
talo dooneysaan inaad iska dhicisaan qolooyinka
dhiigiina ku taajirey oo magaca ku yeeshay
baabi'intiina haddaad iska dhicin weysaana waligiin
televisionada iyo warbaahinta ka qeyliya sidii
baranbaro oo kale.
Walahi haddaad gacmaha is qabsataan oo aad u
istaagtaan nabadda oo aad tiraahaan '' dagaal maya,
madfac maya, xasuuq maya, baabi'in maya, oo waxuushta
maalin walba idin leyneysa oo madaafiicda idinku
hogaaminaysa aad iska qabataan iyo kuwa ka yimid
wadamadooda ee madaafiicda idiin qeybinaysa aad iska
qabataan '' nabad, horumar iyo guul baad gaareysaan.
haddii kalase:
Shacabow damiir laawe
Dhiig iyo dhecaan laawe
Geesi iyo waxgarad laawe
Dowladnimiyo wanaag laawe
Qaranimiyo nabad laawe
Aqoon iyo tacliin laawe
Dhalinyariyo halyey laawe''
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Daacufle aan naxay iyo
mid dhiig cabe ku caan baxay
mid kitaab beena sita iyo
diin ku beenle qaa'ina
nabad aanan doonayn
dowlad aanan doonayn
dantiisu tahay dil
xasuuqiina iyo ''hooy''
baabi'intiina jecel oo
meel kale laga abaabulo
shacabow halkaa maanta taaliyo
diiftiyo haraadkiyo
dhibkiyo rafaadkiyo
a'aaaaa-da adays baday
adigaa dalbaday dil
i xasuuqa oo i barakiciya yiri
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Lax waliba halkey is dhigtaa
hooy lagu gowracaayee
gacmaha is qabsada oo
ka dhiidhiya daneystaha.
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Haddii kalase hooy
isaga jira dhibaatada
xasuuqa iyo barakicinta
Allah dhiigiina daawada.
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Shacabow walaahi sirta dhankeena ayay ka qurun san
tahay ee heedhahaya aan isdaba qabano oo aan u
istaagno iska dhicinta dhiigeena cabaha oo aan garano
qaladkaba dhankeena inuu yahay , maahmaah ingariis ah
ayaa oranaysa "" If you need a peace prepare for
war"". marka haddii nabad aan dooneyno aan dagaal isku
diyaarino oo aan daafacano xaafadaheena waxuushta ka
tuureysa madaafiicda iyo kuwa soo jawaabayaba oo
shacabka leynaya ogna in shacab uusan madfac soo ridin.
By.
Abdulahi Kullane.
Waagacusub media.
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new