Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Dr Culusow Diin Diid & Dowlad Diid By Hiraabe.

Maqaal 25 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

Waxaan aad ugu xumahay in Dr.Maxamud M. Culusow ahna Gudoomiyaha Gudiga siyaasda Beesha Ceeyr uu noqdo nin ka soo horjeeda dowlada midnimada qaran halka uu asaga ka midka ahaa dowladii federaalka ee Maquuste hogaanka u qabtay, waxuu noqday Guddoomiyaha bankiga dhaxe ee Soomaaliya, waxaase goordanbe laga qaaday xilka sabbabo lagu faafaahiyay lunsasho iyo isdabamaryeen xoolaha dalka.

Marka aad akhriso qoraal uu ugu magacdaray Beec aan ka noqosho laheeyn lama saxi karo Akhristow qormadaa waxaa laga dhandhansan karaa mid xambaarsan dowlad diidnimo iyo mid uu ku kicinayo gaar ahaan beesha uu ka dhashay iyo guud ahaan somalida.

Somalia:Second day fighting kills 3, wounds 15 in Somalia capital. By:Dahir  Alasow
Somalida waxaa eey dhahdaa dowlad xun dowlad la?an beey dhaantaa,haddiiba aan ku tilmaamo dowlad xun mida maanta jirta sow lama dhihi karo dowlad la?an ayeey dhaantaa marka aad u fiiriso dowladii aad ka tirsaneeyd hogaankeeduna uu ahaa kii sabbabay in dalka eey keenaan cadowgii soo jireenka ahaa ee xabashida, waa xaqiiq in
 hogaanka cusub ee dowlada midnimada qaran uu dhaamo midkii Maquuste iwm.

Somalida
 waxaa eey dhahdaa Carrab dalab leh waa la gartaa uur dadbanse lama garto Dr Culusow waxii uu soo maray cidna ma mooga waxa uu hada ku sugan yahayne cidna ma mooga waatii uu noqday la taliyaha sirdoonka CIA ee arimaha somalia, waxaa uu marar faro badan la kulmay safiirka USA ee Kenya arimaha somlaia u fadhiy ujeedadada waxaa ugu weeyneeyd in uu ka warbixiyo reerka uu ka dhashay guud ahaan gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo waa dhacdo aan marna la qarin karin, xiligii uu soo baxay ururkii ashaahda la dirirka waxuu ahaa ninka difaacayay beeshiisa safiirka USA gurigiisa ugu geeyay Ugaaska beesha, Dr Culusow waxuu noqday ninka kaliya ee ku dhiiraday in uu kaxeeyo beesha xagaa iyo Ethiopia si uu u abuuro xiriir iyo cilaaqaad dhexmara beesha iyo Ethiopia, su?asha jirtaa waxaa eey tahay Dr. Culusow maxuu dowlada midnimada qaran
 ku diiday ??? sida qormadiisa ka muuqato waxaa uu ku diidan yahay aqoon daro hugsan yaan la ii talin yaanan la badbaadin caruurta haweenka kuwa qaxay ee geedaha hoos jiifa waxaase runta eey tahay miyuusan ogeeyn in haddii dowladaani oo la taageeeraa eey dan weeyn ugu jirto jufada uu ka dhashay iyo somalia guud ahaan, Sheekh shariif
 xiligaan waa madaxweeyne qaran waxaa quman in aad raacdaan waayo badbaadada beesha asaga ayeey ku jirtaa, waayo waxaa yimid nin ku leh aan wada-hadalno aan wada -noolaano iwm miyaadan ogeeyn in Maquuste weligiis uusan dhihin aan wada-hadal aan wada-noolaano iwm, xaqiiqdii waa eey dhamaatay looma dhama,reerkeena kuma jiro  wasiirada iwm balse waxaa quman in aan taageerno waxii ka soo baxay Jabuuti oo ah
 nabada iyo wadanoolaansho dhabta ah ee umada somaliyeed.

Somalia:Rebel targets presidential house with mortars. By:Dahir  Abdulle Alasow Somalida waxeey dhahdaa Raad arrooryo dib looma raaco waan ognahay waxa aan soo marnay iyo nolosha shacabka dulmani meesha eey joogaan maanta,kibirka isla weeynida iyo nabada oo la diido waxeey na geeysay meesha aan aragnay ee aheeyd in Ethiopia gaalo dalka qabsadaan, Dr
 Culusow waxaan kugu warhelinayaa dowladnimada waa soo celinta kala danbeeyta dowladnimada waa qaadashada nabada iyo badbaadinta shacabka 19 sanno lagu waday gumaadka, waxaan la dhahaa qofwalba wuxuu dhigtuu dheefsadaa, Sheekh shariif abaalkii uu ku lahaa beesha waxaa quman in aad ka soo baxdaan,taageertaan la jeclaataan waxa uu idiinla jecel yahay ee ah nabada waxa xamar dagaalka ka wadaa waa
 xisbul islaam oo runtii magaca runta uu yahay Xisbul Mooryaan waayo islaanimada waxaa ey noqotay xiligan wax casri ah oo lagu gabado,

yaa madax u ah xisbul mooryaan,akhristow halkaan ka aqriso:

 Cumar Iimaan Abuubakar (Baadi-Cadde) Gudoomiye, Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad

 Max'ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad, C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud

Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen, C/qadir-Kumaandos(Ujuuraan)
Xoghayaha
 Gaashandhiga

C/samad C/lahi (Gaadsan,Dir) Kuxigenka Gashandhiga ,C/lahi Axmed Cumar (Gaal-Jecel)Xoghayaha Saadka.

 Shiikh Xasan Mahdi oo ka warbixiyay Heshiiskii Sanca
 
Sow kaaf iyo kala dheeri maaha in ragaasi eey gumaadaan dhalin yarada beesha ceeyr ee uu wato indhacade iwm war halkee loo socdaa yaase owrku u raran yahay,waxaan filaayaa in eey cadahay hadafka xisbul mooryaan, waxaa eey diideen bayaankii culumada somaliya,waxaa eey diideen culumada islaamka aduunka, waxaa eey diideen hadaladii macaanaa ee madaxweeynahooda sheekh shariif xagee owrka loo wadaa, Dr Culusow xagee u socotaan ma noqon doontaan kuwa is daba qabta kana dhabeeya badbaadada shacabka aad ka dhalateen, taageerada beesha ma tahay mid dhab ah mise fikirkaaga iyo talooyinkaaga ayeey beesha ku socotaa ??? waxaan jeclaan lahaa ninwalba oo beeshaa u dhashay in uu dib u fiiriyo meesha umada eey joogto iyo waxii
 eey soo mareen, ma mudan tahay in aan diidno dowlada midnimada qaran mise waa mid waajib nagu ah in aan raacno ogaanana in sheekha hadalkiisa uu umada kula beeyactamay ee ahaa shareeca islaamiya in aan ka wardhorno.
 
Jabhada OLF ayaa xamar ka dagaalameeysa,waxeeyna ku awoorkacsanayaan Indhacade iwm sow ma qumana in la fahmo xaqiiqda.

Xassan Mahdi iyo Xassan Turki iyo Yaasiin Beeynax Bare waxaa eey ka mid yihiin OLF waxeeyna ka soo jeedaan dhulak somalia galbeed maxeey xamar nabada ugu diidan yihiin, ujeedadoodana waxaa eey tahay waxba dhowran meeynee alow dhagaxyo soo daadi iwm haddii Dr Culusow iyo inta beesha horbooda eey fahmi lahaayeen qorshaha raga
xisbul mooraayan waxaan sharaf ahaan laheyd in xamar dagaal uusan ka dhaceen fadlan garta waxa Xassan Turki shacbkiisa nabada ugu jiifaan jubooyinka iyo ku aad ka dhalateen uusan nabada ugu ogoleen.
 
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new