
Ahlusunna oo laba laabtay gulufkeeda siyaasadeed.
Mogadishu
26 Fabaury 2009 Waagacusub Media
Maamul goboleedka cusub ee bartahama Somalia ayaa wado
olole xoogan oo ay dib u dejin ugu sameeynayaan dadweynahii
ay kooxda Khawaarijta Shabaab ka barakiciyeen Magaalooyinka
Guriceel,Dhuusamareeb,Cadaado iyo Mareerguur.
Gudoomiyaha Maamulka Bartahama Somalia ee Ahlusunna Wal
Jameeca Sheekh Omar Sheekh Maxamed faarax ayaa Warbaahinta
Waagacusub u sheegay inuu Magaalooyinka maamulka hoostago
kormeer ku sameeyn doono wuxuuna ugu baaqay Hay'adaha
samafalka inay waajibaadkooda gargaar ka fushadaan gobolka
Galgaduud.
Gudoomiyaha Bartamaha Somalia wuxuu dhinaca kale xusay
inay baadigoob ugu jiraan shaqaale samafal ajnabiya oo
kooxda Khawaarijta ay ka afduubteen Dhuusamareeb sanadkii
hore.
" Wafdi ka socda WFP ayaan ku kulanay Dhuusamareeb
waxaana u sheegnay inuu gobolka nabadgelyo yahay,waxaana
ka fileeynaa inay shacabka wax u qabtaan"ayuu yiri
Afhayeen Sheekh Cabdi risaaq Ash-cari.
Maamul goboleedka Bartamaha Somalia oo ah mid ku meel
gaara waxaa dhisay Culumadda Ahlusunna Wal Jameeca oo
kaashanaya Waxgaradka goboladda uu maamulka hoos tago,waxaana
lagu wadaa in dhawaan shaaca laga qaado dowlad goboleed
salbalaaran oo leh Xukumad,Gole Shuurre iyo Garsoor.
Ahlusunna oo la rumeysan yahay inay heystaan kalsoonida
shacabka boqolkiiba boqol,waxay ku jiraan guluf siyaasadeedkoodii
ugu dambeeyay waxayna noqdeen Urur diimeedka kaliya ee
guuldarooyin isdaba jooga dhabarka u saaray kooxda Khawaarijta
AlShabaab oo la waayay koox dagaal uga guuleeysato.
Xoogaga Ahlusunna oo ay ku dagaalameen Magaalooyinka Dhuusamareeb
iyo Guriceel ayaa labadaba ugu guuleeystay waxayna dharbaaxooyinkaas
sababeen inay isaga cararaan Cadaado iyo Guriceel iyadoo
aysan ku bilaaban xabadii xulufadda Ahlusunna.
Guulaha Ahlusunna ku tilaabsatay waxaa la rumeysan yahay
in alle SWT ka sokoow ay ku heleen taageerada shacabka
gobolka Galgaduud.
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new