
Isi sharaxdee yaa ku dooranaya
Mogadishu 26
Janaury 2009 Waagacusub Media
Magaca musharax wey ka simanyihiin xaq ayeyna u wada
leeyihiin in ay isa soo sharaxaan maadaama aysan wax
muran ah ku jirin in ay soomaali u wada dhasheen misane
marka si hoose loo sii fiiriyo waxa ay u qeybsan yihiin
dhowr qeybood oo kala ah.
1-kuwa aqoon, karti iyo waayi aragtinimaba u leh in
ay hogaamiyaan dalka horeyna u kasbadey kalsoonimda
shacabka kadib markii ay ku quuleysteen in itoobiya
ay isaga baxdey dalka maadaama aysan jirin dhibaata
ka weyneyd joogitaankii ciidamada itoobiya ee gudaha
soomaaliya, halkaan waxaad ka garan kartaan in aysan
wax macna ah sameyneynin in aad mar qura ku dhawaaqdo
in aad tahey musharax ee loo baahan yahey wax qabad
iyo ficil dadka ay kuugu raacaan sida shaqsiyaadka aan
sheegey ee Nuur Cadde iyo Sheeq Shariif.
2-kuwa wax ku soo bartey dibadaha muda badana ka maqnaa
dalka laakiin aanan laheyn wax waayaragtinima ah oo
ku saabasan arimaha jahwareerka badan ee soomaaliya
islamarkaasna aanan wax door ah ku laheyn dhaqshaqaaqyada
samatabixinta ah ee loogu jiro sidii loo heli lahaa
qaran soomaaliyeed oo dhameystiran.
3-kuwa aqoon ahaan u qalma in ay hogaamiyaan dalka
laakiin horey ugu fashilmey siyaasada dalka ugu danbeyna
laga aryey xililkii lagu tijabiyey kadib markii ay uga
dareen shacabkii la rabey in ay badbaadiyaan.
4-kuwa aqoon iyo caqli wax lagu hogamiya minda aanan
laheyn isla markaasna ah daqaal oogayaal qaab qabiil
iyo sad bursi ah ku baabi,iyey shacabka soomaaliyeed
isla markaasna qeyb ka ahaa fashilkasta ee lagu kala
direy isku dayadii hore inkastoo hada aysan waxba aheyn
markii loo barbardhigo waagii hore.
Qeybta koowaad kuwa aan ku soo qaatey waxa ay isku
sharaxeen ee ay rabaan in lagu soo doorto waa waxqabadkii
shacabka iyo aduunyadaba ay tuseen ee ah isbadalka ka
muuqda dalka soomaaliya oo ay ugu muhiimsan tahey magalada
caadimada ah ee muqdisho marka aan sidaas leeyahey waxaa
laga yaaba in aqristayaasha qaar ay ila yaabaan oo ay
dhahaan maxaa is abadal ah waa taas shacabka la isku
miidaamiyee wadada shaaqala.
Ismiidaaminta iyo iska hor imaadyada ka socda gudaha
magaalada muqdisho iyo ciidamadii itoobiya ee dhoobnaa
magaalada muqdisho oo dhan waxa ay ahaayeen dhibaatooyinka
ugu xumaa ee heystey shacabka muqdisho marka hadii itoobiya
ay kala tagtey dhibkii ay ku heysey muqdisho miyeysan
taas aheyn is badal oo hal dhibaato oo hooya u aheyd
dhibaatooyinka dhan aysan meesha ka bixin waxa hareyna
ay tahey dhibatada isqarxinta ka dhalata, isqarxintase
wax waa laga qaban karaa hadii shacabka muqdisho ay
hal meel uga soo jeestaan, itoobiyase wax malaga qaban
karey hadii ay sii joogi laheyd marka loo barbardhigo
dadka iyo dalka soomaaliya oo maanta aanan laheyn awood
malatary oo muuqata?
su,aashaas jawaabteeda waxaan u gartey maya waa sida
ay ila tahey,
Musharaxiinta Nuur Cadde iyo Sheeq Shariif ee kala
hogaamiya dhinacyada dowlada federaalka iyo Isbaheysiga
ARS-ta waxa ay u dhisan yihiin qaabab lagu qanci karo
waqtigoodana waxa ay u hureen sidii loo heli lahaa dowlad
qaran oo loo dhan yahey waxyabihii ay balan qaadeen
qaarkoodna wey ka rumeeyeen sida itoobiya oo shacabka
ay ka dul qaadeen iyagoo dhinaca kalena sii wada balanqaadkoodii
ahaa dhisida maamul qaran oo loo dhan yahey sidaas darteed
waxaan dhihi karaa wey u qalmaan in ay isa soo sharaxaan
iyagaana ugu xaq badan qof kasta ee aan iyaga ka mid
aheyn ee damca jagada madaxweynenimada, aniga Abdullahi
Jama ahaan iyaga ayaan u cadeyn lahaa hadii fursad la
ii siin lahaa in codkeyga aan dhiibto waxaana rajeynaa
in badanka soomaalida ay ila qabaan fikiraan.
Qeybta labad kuwa aan ku soo qaatey waxaan u arkaa
in ay wax tar u leeyihiin dalka iyo dadkaba waana kuwa
wax ku soo bartey dibadaha mudan badana ka maqnaa gudaha
dalka, cilada ay leeyihiin ayaa waxa ay tahey hadii
aysan waaya arag u aheyn waxa ka jira soomaaliya sidey
u wajahaan mise waxa ay rabaa in ay waqti badan ku lumiyaan
la qabsiga siyaasada jahwareersan ee maanta ka taagan
gudaha soomaaliya waxa ay la mid yihiin dhaqtar raba
in uu daweeyo bukaan uu garan la,yahey meesha laga haayo
marka waxaan kula talin lahaa qolyahaas in marka hore
ay dalka dib ugu laabtaan oo fahmaan sida xaalka uu
yahey iyo sirta meesha ay ka quran san tahey isla markaasna
ay qeyb qaataan wax u qabadka bulshada si bari marka
ay isa soo sharaxaan ay bulshada ugu qadmaan oo loo
dhaho waa hebelkii wadada burbursaneyn noo dhisey ama
waa kii daawooyinka na siin jirey ama biyaha nadiifka
ah bilaashka nagu siin jirey ama xitaa wax barashada
bilaashka ah caruurta ugu deeqi jirey laakiin dhowr
iyo labaatan sano ama afartan sano ayaan qurbaha wax
ku baranaayey ama ka shaqeysanaayey oo aan ku noolaa
halkaasna aan ka daawanaayey dhibka shacabka soomalida
ah heystey kadibna maanta markii aan maqley in xilkii
madaxweynaha uu banaan yahey qofkasta oo muwaadan soomaaliyeed
ahna uu isu soo taagi karo ayaan intaan warbaahinta
la hadlo ku dhawaaqaa in aan musharax ahey waa wax caqliga
wanagsan uu diidaayo marka waxaan dhihi karaa waa adiga
is sharaxee yaa ku dooranaya.
Qeybta sedexaadna waa kuwa aqoon u leh laakiin hadana
horey loo bartey waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan waayo
waxa ay jagooyin muhiim ah ka soo qabteen dowladii itoobiya
maciin bidey ee ka dalbatey in ay nabad ku taageerto
oo aan ognahey dhamaanteen go,aankaas waxa ka dhashey,
hadii aan isku dayo in aan sii ifiyo qolyahaan waxa
ay musharxnimadooda kaga dhawaaqeen Nairobi iyo Qahira,
marka hadii qolyahaasba ay isa soo sharaxayaan maxaa
C/laahi Yuusuf cadaadis loo saarey oo loogu qasbey in
xilkiisii uu maalin cad isaga huleelo waa wax la yaab
leh marka waa iyaga is soo sharaxee yaa dooranaya mise
anaga ayey nagu cayaarayaan maxaase ka duwan hogaan
xumadii ay horey u sameeyeen oo hada ay la soo shirtageen.
Qeybta afaraad ee ugu danbeysa ayaaba ka sii daran
qeybta 3aad waayo waa Hogaamiyaal kooxeedyo,dagaal oogayaal,qabyaalistayaal
iyo xitaa aan dhaho damiir laawayaal fashilan waliba
oo qofkasta oo soomaali ah uu ogyahey kaalinta ay ku
leeyihiin dhibaatada dalka ka jirta waayo 17 sano ayey
dalka ku heysteen afduub oo wax aysan hogaanka u heynin
iyo wax gacanta loo galiyeyba ay fashilinayeen ilaah
mahadiis waxaa ku soo baxey madowgii maxaakiimta oo
dadka hor dhaafiyey hadeyna rabaan in mar kale ay dib
u soo ceshtaan awoodii sharci darada iyo qabiileysiga
ku dhisneyd.
Markaan dhaalacdo ama aan dhageysto qalabka warbaahinta
soomaalida ee aan arko qolyahaan aan ugu magac darey
waa iyaga isa soo sharaxee yaa dooranaya mar waan qoslaa,
mar waan yaabaa marna waxaan is dhahaa malaha wey saxsan
yihiin inta ay helayaan shacab u sacaba tumaya musharxnimadooda
waayo waxaa qeybo ka mid ah warbaahinta ka maqley ama
websate-yada aan ka aqristey shacab soomaaliyeed oo
si weyn u soo dhoweynaayo mushaxnimada qolyahaan mararka
qaar aan dhihi karo waaba danbiilayaal dagaal oo mudan
in maxkamad la soo taago{ waxaan ula jeedaa kuwa aan
ku xusey qeybta 3-aad iyo qeybta 4-aad}
Ugu danbeyn waxaan kula talinayaa shacabka soo maaliyeed
meelkasta ay joogaan in ay iska ilaaliyaan waxa keeni
kata kala qeybsanaan ku dhisan qabyaalad waayo waa waxa
ay ka faa,ideystaan qolyaha aan qeybaha danbe ku xusey.
waan ugu mahdcelinaa qofkasta ee aqrista qoraalkeygaan.
W/Q Abdullahi Jama.
Exiled Somali Journalist.
Middlebrug-Nederlands.
cadawe20@hotmail.com
cadawe20@yahoo.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new