Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

26 Janaayo 1991 Daahirintii Villa Somalia

Mogadishu 26 Janaury 2009 Waagacusub Media

WQ: Dr. DIAS MALIS LAADBA

Halyeeyada, geesiyada, dadka daacadda ah, oon daneysiga gaarka ah wadanin, balse u istaagay badbaadinta dalalkooda, dalalka la dariska ah iyo dhammaan insaaniyadda, ma dhammaadaan, lagamana quusto.

Dadka cayanaddaas ah waxaa haatan soo bixitaankoodi, ama soo daahiriddoodii u dambeeyay Marxuum “Ex-General Maxamed Faarax Caydiid, waxaana ka nool qaaradda Afrika Nelson Mandeela geesigii Afrika oo haatan ah 91 jir, Mandeela mar madaxda Afrika ku kulantay Kampala. Caasimada Jamhuuriyada Ugaandha, wuxuu ku amray madaxdii Afrika in ay Marxuum Gen. Caydiid u istaagaan, una sacbiyaan, waayo buu yiri: waa waddani daneyste gaar ahayn oo aan u soo bixin Soomaaliya oo keliya balse Afrika oo dhan ahaa geesi AKgiisii safka hore kagalay la dagaalamay ciidamadii UNISOM oon safka dambe weligii ka dagaallamin, kuna ekaan qof ama teendho uu kaartooyinka dagaaka ku dejiyo “barkintiisana” dheereysto. Aniguse Mandela ahaan badanaa ma dagaallamin, 27 sano ayaa xabsi ku jiray.

Anoo u soo noqon doona in aan sharraxo cinwaanka kor maqaalkeygan ku qoran, ayaan marka hore iska hadlayaa qof ahaanteyda iyo markaan xamaaroo daahirsan misna la xumeeyay imid .

Imaantinkaygu wuxuu ku saabsanaa bal inaan arko Soomaaliya, dalkii afganbiga mileteri uu ku qabsaday keligii taliyihii ugu naxariista xumaa Afrika, oo aan xitaa oran karo, dunidan casriga ama qarnigii 21aad.

Wax kale ima keenin Soomaaliya, waxaanan rajeynayaa in saaxibkeygan af-soomaali u beddelaya hadalladeyda in uu sida aan oranayo u turjumo maqaalkayga waanan ku kalsoonahay.

MURAARADO DILAAC!!!

Waxaan maqlay markii afgembiga mileteri Soomaaliya lagu qabsay ka hor in Soomaaliya la oran jiray waa dal 100% Muslim ah, isku af, isku diin, isku dhaqan iyo isku isirba ah. Alle dalku nasiib badanaa ayaan oran jiray. Markii aan maqlo waa dal beeraha ku wanaagsan tahay ciiddiisu, labo webi ayuu leeyahay, badi ama 95% ciidda ama dhulka hoostiisa biyaa ka buuxa oo haddii dalal badan oo batrool manta hodan ku ah ay maalin maalmaha ka mid ah batroolkoodu guro, biyaha Soomaaliya ay sidii batroolka lacag adag ku gadan doonaan.

Soomaaliya waxay leedahay bad dhererkeedu yahay 3333 mail oo ka mid ah sababaha loo daneeyo, gaar ahaan dawladaha reer galbeedka.
Dalka Soomaaliya labo webi ayuu leeyahay, xoolo ari, geel, lo’ iyo ugaar fara badan ayuu leeyahay. Dalkaas 100% Muslimka ah, muddo yar inqilaabkii mileteriga ahaa kadib, wuxuu go’aansaday in uu Islaamkii ku beddelay idolojiyadda markesisim – lenininsim.

 

Dadka Soomaaliyeed si toos ah looguma dhaadhicin idolojiyada ma caqiidadda ay Soomaaliya qaadatay inaanay wax magac diin ah lug ku lahayn, in diinaha samaawiga ah iyo kuwa wadciga ah ee qaanuunka ay dejiyeen ka dhigtay diin sida budda, bahaa’i iwm, aaney oggoleyn waxaan qaadannay hantiwadaag cilmi ku dhisan ayay oran jireen, hantiwadaaggaas macnaheedu wuxuu ahaa Ilaah ma jiro, “Ilxaad” buu ahaa. Dad fara badnaa ee Soomaali ah ayaan waxba ka aqoon haddana markii hantiwadaag cilmi ku dhisan markeliya mashraxad iyo sacab isku dari jiray.

Heeso fara badan ayaa loo tiriyay iyo gabayo keligii jiryow, ma dhintow aabbihii garashada iyo waxyaabo kaloo fara badan ayaa loo sameeyay, markii af-carabi la iigu fasirana waan yaabi jiray, maxuu yeelay waxaa laga dhigay Ilaah oo kale.

Sababihii Marxuum, Mujaahid ex- General Maxamed Faarax Caydiid aad bay u faro badnaayeen waxaana ka mid ahaa:
Isaga oo aan weligii akhlaaq wanaagsan yeelan;
Isaga oo ay soo tarbiyeyeen gumaysigii Ingiriiska iyo Talyaanigaba, una tarbiyeeyeen inuu jaga sirdoon ama jaajuusnimo oo la mid kuwa culuunta sirdoonka ee ay dhallinyaradooda ku baraan kulliyadahooda biliiska iyo mileteriga.
Isaga oo jiilashii soo korayay gaaleynayay kuwa waa weynna ku sandulleeyay inay la qabsadaan hantiwadaagga cilmiga ku dhisan oo mahda’ ilxaad ahaa
Isaga oo maaddadii tarbiyada waddaniga ka joojiyay dugsiyada, sida saraakiil sare ee wasaaradda waxbarashadii ii sheegeen
Isaga oo tarbiyadda diiniga ah iyo barashada af-carabiga joojiyay; saraakiisaha wasaarada waxbarashada iyo macallimiintuba waxay ii sheegeen in xisadaha diinta iyo barashada carabiga ay ahaayeen, maaddooyin qofkii doonaa aannu geli jirin
Oday da’dii S.Y.L ahaa oo ii sheekeeyay wuxuu ii sheegay in waagii S.Y.L intaan fasalka la gelin, nashiid ama hees waddani ah la qaadi jiray, calanka S.Y.Lna la salaami jiray; sidaasaa ardayda lagu barbaarin jiray jaceylka waddanka iyo calanka haddana yeelannana oon xor noqonno la jeclaado
dadkii Soomaaliyeed oo qabaa’il loo kala qaybshay, iska jir qolo hebla waa idinku cadow, sidaa waxaa ku oran jiray Jaalle Siyaad oo duqowda qabaa’ilka gooni gooni ula shiri jiray, waxaan jirin iyo cadawtinnimo aan jirin isaga sheegi jiray iyadoo qofkii qoloqolo wada ama qabiil hebel baan ahayn aad loo ciqaabi jiray, qoloduu ka dhashay mooyaane. Sidaa muxuu u yeeli jiray? Sidaa wuxuu u yeeli jiray in aan qabiilna qabiil la heshiin oo aan isaga loo heshiinin. In loo heshiiyo iska daaye iyagaa is jaajuusi jiray, wax run ah iyo waxaan uun ahayanba u sheegi jiray
Dhaqaalihii dalka iyo maalkii dadka iyo dalkaba siduu doono ayuu u isticmaali jiray, cashiiradiisa hoosana waxay ahaayeen kuwa ugu maalka badan, waxaana xigay daba dhilifyadiisa. Lacagta canshuurta dowladda magaceeda lagu qaadi jiray ayay ku dhaldhalaaleen iyada oo markii la rideyna intooda badani ay midab doorsoomeen;
Sirdoonkii NSS loo aqoon jiray jirdilkii ugu foosha xumaa ayuu ku sameyn jiray dadka ay qabtaan. Baddanaa inta jawaanno lagu xiro, dhagaxna weel looga dhigo la quusin jiray. Qaarbaa dhiman jiray, kuwa kalana dembi aaney saameyn ayay qiran jireen, xanuun awgii cid la xisaabtami kartayna ma jirin
Reer waqooyi Galbeed aad baa loo layn jiray, la bahdaleyn jiray, loona ihaaneyn jiray
Waxaa nolol lagu aasay 51 qof oo hal qabaa’il ka dhashay, kuwaas oo Isaaq ahaa. Wax la tirin karo ma ahayn wixii reer Waqooyi Galbeed lagu dhigay, sidoo kale gobolladda dhexe oo matabaan ilaa Burtinle u badnaa, waxaase cadaabka iyo ciqaabta u darnaa reer Waqooyi Galbeed.
Waxaa maalin cad la dilay 11 culumaa’udiin ahaa. Habeenkaas la dilay wuxuu yiri “annagay noola yimaadeen kitaab huruudi ah ee uu qoray “Guuleed Bin Cubeyd” yacni isaga oo ula jeeday “Nebigeena Muxamed Kheyru Khalqillaahi Ajmaciin
Wuxuu khiyaami jiray qabaa’ilka la yareysto ama la xaqiro. Sidaasey taheyna noloshooda kor uma qaadin, waxbarashada caadiga ah mooyee waxbarashada sare oo wasaaradda tacliinta sare qof qof dhagrid loogu daro ayay heli jireen, sida qabaa’ilka qaarkood oo isku sheega laan dheere. Laan dheere iyo laan gab qofka sida dhabta ah u xaqiijin ahaa in ay siman yihiin wuxuu ahaa Marxuum “ex-Generaal Maxamed Faarax Caydiid” oo xisbigii uu aasaasay “SNA” Somali National Alliance” axsaab ku darsameen ay sameysteen oo la bahoobeen. Afmiinshaarrada heesaha tiriaya qaarkood waxay markii bannaan bax jiro allifen hees ay ku jireen” Jileec iyo jareer jimeeyow, jaalle Siyaad soo dhowow. Waxay ahayd wax khiyaali ahaan
Baanankii boob ayay cashiiradii Siyaad ku sameeysay. Qofkii malaayiin shilin iyo malaayiin dollar oo aan ahayn qabiilkiisa 20kun shilin iyo 500 oo kun ayaa maalin walba biil loo siin jiray oo orodoo bangiga ka soo qaado. Lacagta intaa ka badan looma oggoleyn. Kunka shilin iyo boqolka shilin waxaa loo sameeyey in doolarka malaayinta ahaa ee dadka qabaa’ilka aannu rabin ka dhashay ayaa lacagtaas xooshka ah looga beddelan jiray, dibaddana loo dirsan jiray.

Habeenkii uu laayay 11kii culumada ahaa wuxuu yiri: “xalay baa iigu horreysay habeen aan si fiican u seexday”

Waxaasoo dhan waxaa ka darnaa in uu gacan bir ah ku haystay uguna talinaayeen, uguna adeegayeen inta badan saraakiishii sar sare ee xukuumadii Maxamed Siyaad Barre dullinnimo ayay ugu adeegi jireen.

Muxuu ku sameeyey? Ma sixray, ma goobroonta la sheego ama la masabbito ayuu u tegi jiray oo u sixri jiray? U maleyn mayo goobroontu sida la ii sheegay waa dad sharaf leh. Qof qof wax aan diintu oggolayn ku kacaa, oo waxay ogyihiin in Ilaahay Qu’aanka kariimka ah ku yiri: “LAN YAFLAXA SAAXIRU XEYTHU ATAA”.

Kuwa ama raggan madaxda lagu sheegayo oo wasiirro agaasimayaal guud, saraakiil biliis iyo milleteriba lahaa haddii uu amar siiyo, xitaa amarkaasoo sharaftooda iyo dalkaba wax u dhimaya guryuhuu ka najaaseyn jiray. Ma jecleyn in aan waxan sheego, waxaase igu khasbay anoo mar aan ka shaqeyn sanayay kuuba ka maqlay nin Soomaali ah. Maxa naloo qabtay kaddib eryidii Siyaad, aaway jidadkii iyo laamiyadii Alloow qof aan wax ogeyn ha cadaabin. Guryo isla diktatoor Siyaad jejebiyay, iyo daarihii uu BMka la dhacay ayay ku faanayeen. Guryaha iyagu ma lahayn mana degganeyn, cashirada dhow ee diktatoorka, afminshaarada, kuwa akhlaaq xumida kala shaqeeya iyo kuwii bangiyada dhacay ayaa lahaa kuwa jidadka laamiyada ayay amaanayeen ma oga in maalkii dadweynaha ee uu ku tuntay ay hadduu caadil yahay qof qof Soomaalidu “Villooyin” u heli lahaayeen iyo luuqyo laami ah ee cariishyadoodii hor mara.

Xaafada la burburiyay waa isla xaafadaha ay Amxaaradu burburisay.

Waddooyinka ay sheegayaan bal eeg? ciid bay u beddelmeen markii kaarayaashiisii ay ka carareen diktatoorka ay faaninayaan immisaa sarkaal sare ah uu xaaskiisii u dhacay, hadday iska caroodaan, wasiir, sheikh, general iwm ah sidaas ayuu u geli jiray. Gooraha dambe ee habeenkii ayuu u yeeri jiray sarkaal uu inuu dulleeyo doonayo. Shaqo dheer oo sarkaalkaasu aanu gurigiisii ka warqabi Karin ayuu u diri jiray. Markii goor xun oo habeennimo ah la joogo ayuu u yeeri jiray mise xaaskiisii ayaa iyadoo faraxsan iyo isaga oo bijaamo qaba la fadhisa gabdhahoodu. Markuu sarkaalku xaaskiisa arko uuna yaabo ayuu diktatoorku ku oran jiray? War maxaad sidaa ugu eegeysaa? Miyaadna ogeyn in ay dowlada u shaqeyso, ayuu rag sharaf leh ku uureeyey, kuwaasoo ula cararayay dibadaha ceebtaas. Kuwa kalaa hadduu yeelo wuxuu doonayay in uu ka helo, jiljileec waa dallacsiin jiray

Gabdhaha xoghaynta u noqon jiray, ha la qabo ama yaan la qabine qof buu ku dari jiray isaga oo guri qurxoon lacag iyo dallacaadba siin jiray waa markuu uureeyo. Xitaa gobollada qaar baa guddoomiyeyaashoodu hadduu gabar soo bannaan baxday ama ubax kacaanka ah u keeni jiray side? Haweeney haweenka Soomaaliyeed qabqable u ahayd ayaa garan jirtay hadduu “madaxweynuhu” gabadha xambaaro, ama dhabarka ka dharbaaxo waxaasoo dhan waxaa igu khasbay ma nixihii yeyga ahaa ee dadka ahaa dhiiggiisa jaqi jiray, haddana ay oranaya Jaalle Siyaad laamiyuu dhisay, kuwani maxay dhiseen?

Lama socdaan in jaallaafooyin loo dhigay USC, lama socdaan in “NEW WORLD ORDER” oo bilaa dowlad la’aan doonayay in ay Soomaaliya jaqaan uu mujaahid Caydiid ka diiday inay batroolka iyo khayraadka dalka la soo baxaan, balaqna u tuuraan, kaddibna ay UNOSOM u samaysatay “Manafesto iyo Sulux” Mujaahid Marxuum Caydiid xumahaas aan kor ku soo sheegnay iyo xumaantan ka sii xun xumaanta ee fisqiga ah ayuu Villa Soomaaliya ka daahiriyay, Guddoomiyaha SNA wuxuu mar kale diiday in Villa Soomaaliya oo xaafadihii u dhawaa dumiyeen, lana gubay, dadkii ay dileen, bakaarihiina ay gubeen maadaama uu u arkay in hantida qabaa’il uu islahaa Caydiid ayay taageerayeen duqeeyey ayuu hor istaagay.

Mujaahid Eng. Xuseen Caydiid wuxuu golihii amniga qaranka ka diiday in uu saxiixo warqadii xamar lagu baabi’in lahaa haddii hal AK villa Soomaaliya lagu soo tuuro. Muj. Xuseen Caydiid wuxuu yiri bal warqadda saxiixeeda aan ka hadalno ee marka hore ii sheega Gabre ma golaha amniga qaranka Soomaaliya ayuu ka mid yahay? Buuq iyo sawaxan iyo shaar isu xaydasho ayaa meeshii ka dhacday, waana lagu soo kala dareeray. Inj. Xuseen isla habeenkii askari Itoobiyaan ahaa ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay in uu isla berritaba cararo, waayo waa la dilayaa. Maxaa loo hadaday? Wuxuu diiday in Bakaaraha la gubo, wuxuu diiday in xaafada ku teedsan BM lala dhaco sidii Maxamed Siyaad Barre iyo calooshood u shaqeystayaal Mariixaan ku yaraa ay ka oggolaadeen in ay gubaan. Xuseen Caydiid ninkii jagadiisii Wasiirnimo galay, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo madaxdii ka sarreysay ee Villa Somaliya mar labaad ayay fuliyeen kaartadii Dikteetarkii kansarka qabiilka dilooday, Siyaad Barre.

Mudane Xildhibaan Xuseen Caydiid khudbadiisii la yaabka lahayd ee markuu Xamar Baydhabo uga soo kicitimay dhowr eray ayuu yiri: Hal calan, hal xuduud, hal bad ayaa ka dhaxeyn doona Soomaaliya iyo Itoobiya. Shir uu ka soo tegay ayuu ahaa. Dad badani baaqa Inj. Xuseen Caydiid ma garan, ka dib ayaase wax u bidhaameen, ilaa waagaana maqan yahay. Mujaahid Marxuum Caydiid isagaa is-dhalay markuu Xuseen dhalay.

WQ: Dr. DIAS MALIS LAADBA

Halkaan ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow

DHAGEYSO HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009

Faallo-Xulka Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro

Mohamed Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub

Dhageyso Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new