Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Baaq iyo Baafin,”away Tarsan, C/raxman Dhere, Yariisow iyo Garyare”.

London 26 Janaury 2009 Waagacusub Media

Qore: Saciid Nabadoon

said@london.com

Waxaa manta xaalada Soomaaliya marka laga waramyo dhibaatyinkiisa loo nusbeeyaa siyaabo kala gedisan oo u kala qeybsan laba nuuc oo kala ah dano shisheeye iyo dano shaqsiyaad Soomaaliyeed

Hadaba Soomaaliyey waad xusuusataan inta jeer ee leyku dayay in Soomaalida dhexdeeda laga dhex abuuro nabad iyo dowladnimo balse maalinba arinteenu meel bay ka dhutiyeeysaa.

Imaatinkii Nuur Cade waxaa uu dhalay in ay Itoobiya baxda iyo weliba Muqaawamada Casmara in ay kala furfurato iyo oday C/llahi Yusuf-na in uu iska quusto, marka aad hadaba xaalka meesha uu ku socda istiraahdo bal odorasku samee waxaa kuu soo baxay in aadanba waxbadan cidna ka ogeyn sida ay wax noqonkaraan shanta sano ee soosocta.

Sida aan wararka ku helayo waxaa jira in Jabuuti shirka ka socda in si uun hanoqotee inaan marxalad cusub galidoono, waxaan weliba idin xusuusinayaa in Jabuuti 2000, in lagu dhisay dowladdii Carta ee loo yaqiin TNG, waxaa kadibna isku fuuqsaday TFG oo lagu dhisay Neyroobi hadase waxaa soo socda GNU oo micnaheedu yaha Government National Unity oo ayku mideysan yihiin dowladda iyo mucaaradka qaarkood.

Shirka Jabuuti waxaa salka uu ku hayaa nidaamkii 4.5, oo aan ognahay in Culumadii uu ka midka ahaa Sheekh Shariif in ay si weyn uga soo horjeedeen iyagoo markaa ku tilmaamayay in aysan cadaalad aheyn halbeega nuucaasa, balse hada aqbal ee weli waxaa isku madax adkeeyay arintaas culumadii kale ee aan heshiiska Jabuuti diiday. Balse waxaa layaableh kooxda dhalinyada Shabaab ayaaba hada waxaad moodaa in uu mugdi soo galayo sababtoo ah waxaa ay qeyb ayagaba ka yihiin dadka ku jahwareersan halka Soomaalidu ay u socota, waxaana ay dhalinyaradani ku can ahaayeen marka ay gaalo qabsadaan in ay u magacaabaan nin aan beeshiisu daganeyn magaaladaas, hadaba ayagoo dhowraya nidaamka 4.5 ayaa waxaana ay ku dhawaaqeen maalindhaweed nin u dhashay beelaha Xamar ku aftirsada, waxaana intaa dheer nin aanu saaxiibo nahay oo la soo xiriiray Sheekh Abuu Mans uur ayaa waxaa uu ka codsaday in uu u qoro warqad English-ah oo ku socota Beesha Caalamka taas oo ah talaabo ay ku garteen Caalamka manta in hal meel laga hogaansho hadaadan fikirkaaga sheegana cidna aysan kuu sheegeyn.

Anigu maqaalka waxaan u soo daabacay ayaa waxaay ku qotontaa Baaq iyo Baafin, iyadoo aan baaqa ku sheegay in Nabada la qaato tanaasulna loo sameeyo dadkeena dhibaateysan ee gudaha iyo dibada dhibta qaba.

Dhinaca kale waxaan joogaa horta aan idiin sheegee London, waxaana magaaladan aad ugu badnaa rag iyo dumar aad ugu firfircoon arimaha Siyaasada balse waxaan ka xumahay ragii aan ogaa ee banaanbaxyada inoo abaabuli jiray in manta ay magaalada noofiraaqeeyeen waxaana halkaan baafintan u dirayaa isbaheysiga Jabuuti in raga ay naga wateen eek ala ah Tarzan, Cabraxman Dheere iyo Cumar Dhere iyoragkale oo ka mid ahaa raga ugu firfircoon hadase nimankii waxbadala oo howshii ay haeeyen cidna ku wareejin ayay baxeen bal inoosoo noqda aan wax meel isla dhignaa.

Wabilaahi Towfiiq

Qore: Saciid Nabadoon

said@london.com

Halkaan ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow

DHAGEYSO HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009

Faallo-Xulka Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro

Mohamed Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub

Dhageyso Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new