
Beec aan ka noqosho laheyn lama saxi karo
Mogadishu
25 Fabaury 2009 Waagacusub Media
Booqo
Waagacusub English Site PhP
1da Febraayo 2009,
Dowladda Federaalka KMG Soomaliya ee Mbagathi (DFKS-M)
oo lagu barxay Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya
Garabka Jabuuti (IDXS-J) waxay u xuubsiibatay Dowladda
Federaalka KMG Midnimada Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J)
magacaaso loogu tala galay marin habaabin. Muddada xukunka
DFKMQ-J waa 32 bilood inkastoo ay si kordhisan karto
madaama la bartay marmarsiyaha la jiifiyaana bannaan.
Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay
DFKMQ-J. Kow, sida ku cad qodobka 32 lambarrada (1,4)
ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG Mbagathi
waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu
si cad uga reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo
muddada ama ansixiyo Barlamaan ka dambeya oo aan ku
imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan
KMG ah u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana
ansixiyo Barlamaan KMG ah ee cusub oo ka kooban 550
xildhibaan. Labo, ku shubashada doorashada Madaxweynaha
kaddib markii IDXS-J la yiri soo qorta 200 xildhibaan
oo idiin codeysa.
Somalia:
Alshabaab plans killings of journalists-sources
Saddex, Barlamaan qabyo ah oo doortay Madaxweyne. 75
xildhiban oo u dhiganta 14 % xubnaha barlamaanka ayaan
la magacaabin ama Beesha Caalamka diiday inay ka qayb
galaan Barlamaanka cusub iyo Doorashada Madaxweynaha
ee DFKMQ-J sababo lala xiriirinayo mu’aamarad. Afar,
Laalushidda Guddoomiyaha Barlamaanka Mbagathi oo loo
ballan qaaday in loo dhaafayo jagadiisa si uu Barlamaankii
hore uga soo raro Baydhabo una keeno Jabuuti. Fadeexadahaas
waxay galayaan taarikhda siyaasadda Soomaliya, waana
tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay.
Somalia:Shari’a
law,Panacea or poison for Somalia? By Abdullahi
Jaahwareerka haysta Shacabka Bartamaha iyo Koofurta
Soomaliya waxaa ka mid ah hoggaammada isbarbar socda
oo qaarkood Beesha Caalamka sharci ka dhigeyso, qaar
kalena ay xaraantimeyneyso. Hoggaammada ka madaxbannaan
DFKMQ-J ee ka jira dalka gudihiisa waxaa ka mid ah Golaha
Culumada Islaamka Soomaliyeed, Midowga Maxaakimta Islaamka,
Ururka Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka
Asmara (IDXS-A), Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Ururka
Al Shabab, Xisbul Islaam iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada
Hawiye. Dhammaan waxay u taagan yihiin hogaan diined
iyo mid siyaasadeed. Sidaa darted, saansaanka mustaqbalka
Dowladda cusub waa guuldarro ku habsatay dadka ku tabaaloobay
halganka Dib u Xoreynta Soomaliya.
Jibouti:
Iranian leader meets Somalia PM By
Dahir Alasow
Dowladda DFKMQ-J ma ahan dowlad qarameed iyo mid gobolled
toona. Waa haykal magac u yaal ah oo xoogag kala duwan
u adeegsanayaan ujeedooyin kala duwan. Xaqiiqadu waxay
u dhowdahay in ujeedooyinka ka dambeeyay dhismaha Dowladdu
cusub aysan ka mid aheyn dhismo xukun Shacbigu raalli
ka yahay, dib u heshiisin iyo dib u dhiska dalka Soomaliyeed.
Murtidu waxay ku soo urureysaa in beec aan ka noqosho
laheyn dhexmaray 2 Sharif iyo Axmed Ould Cabdalla, Wakiilka
Xoghayaha Guud ee QM, lamana saxi karo. Labadii garab
oo ka soo kala go’ay kooxdii ay ka kala tirsanaayeen-
DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-2Sharif, waxaa dariishadda
laga saaray garabkii DFKS-M-Nuur Cadde markii la isku
ballan furay. Sidaa darted, DFKMQ-J kama koobna labo
dhinac oo nabad ku heshiiyay ee waa dhinac xukun looga
qaaday dhinac la gartay in shaqada laga fariisiyo sababo
la og yahay iyo kuwo dahsoon.
Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha
waxaa la siiyay sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M
ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada hadalladii Jabuuti
ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif. Jagooyinka
muhiimka ah ee IDXS-J xulatay waxaa ka mid ah 2 Ra’iisul
Wasaare Ku-Xigeen, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Lacagta,
Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga
ah, Garsoorka, Arrimaha Gudaha, Kallumeysiga iyo Kheyraadka
Badda, Arrimaha Qoyska iyo Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka, Hiddaha & Tacliinta Sare. Jagada Wasiirka
Arrimaha Dibedda waxaa la siiyay xubin aan ka tirsaneyn
dhinacyadii wada hadalku dhexmaray. Xulashada Wasirrada
waxaa lagu saleyay hellanaan (loyalty), abaalmarin,
raalli gelin, iyo is gaashanbuureysi. Inta badan Wasaaradaha
iyo aqoonta, waayo-aragnimada Wasiirrada loo magacaabay
aad ayey u kala fog yihiin marka laga reebo dhowr Wasaaradood.
Dareenka guud ee dhismaha Dowladda cusub dhaliyay sida
ka muuqata farshaxanka Amin Caamir wuxuu yahay kaaf
iyo kala dheeri, musuqmaasuq iyo fowdo aafa ku ah Shacabka.
Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka
siyaasadeed ee socda. Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay
xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka (MMI). Guddoomiyaha
kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J, ahna Wasiirka
cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad
ahaanba ku dhow aragtida iyo siyaasadaha Madaxweyne
Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed
Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta
Islaamka oo Sheikh Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa.
Madaama Sh Sharif Sh Axmed ku qancay inay dantu ugu
jirto inuu ka fogaado Kooxdii Maxaakiimta Islaamka oo
lagu tilmaamay xag jir marka laga reebo asaga, Wasiirka
Cusub Maaliyadda Sharif Xasan Sh Aadan wuxuu helay fursad
uu ku fogeeyo Xubnaha Midowga Maxaakimta Islaamka, kuna
soo dhoweysto, kuna abaalmariyo kaalkaaliyayaashiisa.
Tirada xubnaha ka socda Maxkamadaha Islaamiga ah oo
dowladda cusub ku jira kama badna 4 qofood oo xul gaar
ah. Ka fogeynta MMI Golaha Dowladda waxay kaloo waafaqsan
tahay hadalkii Madaxweynaha DFKMQ-J Sh. Sharif Sh. Axmed
u sheegay Wakiilka Ururka Afrika kaaso ahaa in dowladda
uu dhisayo ay noqon doonto dowlad cilmaani ah.
Sida Beesha Caalamku shaki weyn uga qabto Hoggaanka
Dowladda cusub oo lagu bartay isbeddelo badan, laguna
tuhunsan yahay inuu damacoodu hoggaaminayo, ayaa Culumada
Islaamka Soomaaliyeed waxay muujiyeen shakiga ay ka
qabaan. Culumo ka socota Gobollada dalka oo dhowaan
ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku dhaqaaqday
is abaabul si ay DFKMQ-J uga weeciyaan khadka siyaasadeed
ee lagu tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen
Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed kaaso caddeeyay
si aan leex leexad laheyn in DFKMQ-J aysan sharci aheyn,
waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah:
In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas
wuxuu ka soo horjeeda qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska
u ah dhismaha DFKMQ-J;
In Ciidammada AMISOM laga saaro dalka, kuwo cusubna
aan la keenin; DFKMQ-J waa ka soo horjeeda go’aankaas.
In khilaafka dhex yaal kooxaha Soomalida oo kala ah
(I) Mucaardka noqday Dowladda Federaalka KMG Midnimada
Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J) iyo (II) Mucaardka gudaha
ee isku magacaabay Maamulka Maxaakimta Islamka/Xisbul
Islaami/Al Shabab Soomaliyeed (MMIS) lagu dhammeyo wada
hadal iyo nabad. Culumadu Guddi ayey u magacowdan dhexdhexaadinta
dhinacyada is khilaafsan. DFKMQ-J waxay rabtaa in loo
aqoonsado dowladda ka talisa dalka, lana adeeco.
Inay xaaran tahay dilka iyo gaaleysiinta qof Muslim
ah, lana joojiyo ficilladaas.
Saddexda qodob ugu horreya waxay tusaale u yihiin in
DFKMQ-J haysan kalsoonida Culumada. Welwelka ka muuqda
war murtiyeedka Culumada Islamka Soomaliyeed wuxuu khilaafsan
yahay xafladaha soo dhoweynta qurbajooga.
Ka cambaareynta Dowladda Eritrea Magaalada Addis Ababa
waxay aheyd tallaabo is miidaamin ah ee Dowladda cusub
ku dhaqaaqday. Dowladaha Eritrea iyo Qatar waxay u eedeysan
yihiin taagerada Dib u Xoreynta Soomaliya. DFKMQ-J kama
hadlin wax ka qabashada mas’uuliyiintii DFKS-M oo ka
qayb qaatay xasuuqa iyo boobka shacabka, mana codsan
heer caalami ah baarista iyo wax ka qabashada dambiyada
dagaal iyo xadgudubyo Ciidammada Ethiopia iyo kuwa DFKS-M
geysteen. Sidoo kale DFKMQ-J kama hadlin dadka la la’yahay
ama xasbiyada ku jira. DFKMQ-J kuma dhawaaqin hirgelinta
barnaamij lagu xusayo Geesiyaasha ku geeriyooday halganka
dib u xoreynta dalka, laguna taakuleynayo aqoontii iyo
dadkii wax ku noqday iyo kuwii ku barakacay halgankaas.
Dowladda Ethiopia waxay Magaalada Addis Ababa taallo
uga dhiseysaa ciidammadii xasuuqay Shacabka Soomaliyeed.
Waxaa halkaas ka muuqda in DFKMQ-J ka fog tahay ama
u taagneyn difaaca xaqa, danaha iyo dareenka Shacabka
Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya.
Dowladda cusub oo qabyada ah waxay ka kaboon tahay Madaxtooyada,
Barlamaan dhan 550 xildhibaan, Golaha Wasiirrada oo
gaari doona ilaa 108 xubnood, Maleeshiyo hubeysan iyo
shaqaalihii Dowladdii Mbagathi (DFKS-M) oo tiradoodu
qiyaas ahaan kor u dhaafeyso 14,000, iyo xoogagga cusub
ee IDXS-J oo noqon doona 5,000. Ma cadda in Beesha Caalamku
taageri doonto dhismaha Dowlad ka kooban 36 Wasaaradood
ayadoo Ra’iisul Wasaarihii hore Nur Cadde laga diiday
taageridda Dowlad ka badan 18 Wasaaradood.
Tirada xad dhaafka ah ee isugu jira Maleeshiyo, Barlamaan,
Wasiirro iyo shaqaalaha Dowladda cusub waxay horseed
u noqon kartaa nabadgelyo xumo ballaaran oo ka dhacda
Muqdishu iyo deegannada ku dhow waayo Shacabka Muqdishu
ma masruufi karo Madaxdaas iyo maleeshiyad hunguri doon
ah oo hubeysan, diyaarna u ah inay dhacaan masaakinta.
Shacab gaajeysan oo u baahan gurmad cunto ma bixin karaan
lacag baad ah oo lagu tilmaamayo canshuur dowladeed.
Lacagaha baadaha ka sokow, dhibaatooyinka dowladda cusub
la imaan karto waxaa mid ah daabacaadda lacag been abuur
ah, bixin ruqsado sharci darro ah, gadidda hantida Qaranka
oo dadkii masaakinta ahaa laga saaray iyo carqalateynta
howlaha dhaqaalaha iyo bulshadeed ee Gaarka ah (private
businesses). Dhakhliga Dekedda iyo Garoonka Diyaaradda
Muqdishu iyo kaalmada dibedda waxaa lagu maamula hab
ka baxsan nidaam dowladeed. Maalmahaan warbaahintu waxay
sheegeysa in la gadayo Gurigii Safaaradda Soomaliyeed
ee Dalka Jarmalka.
Bulshada Muqdishu waxaa la gudboon inay wada jir iska
kaashadaan difaaca hantida uga badbaaday boobkii iyo
burburkii ay ciidammadii Ethiopia iyo Maleeshiyada Dowladda
Federaalka KMG ah u geysteen. Ficilladii DFKS-M oo ahaa
bililiqada hantida gaarka ah ee Bulshada Muqdishu iyo
dhaca dadka Maatada ah waa socon doonan haddii uusan
dadweynuhu wada jir uga gaashaaman. Dowladaha ku amar
taagleynaya Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa dowlado
maqaar-saar ah oo dulsaar ku ah deegaanka oo aan dan
ka laheyn xaqa iyo maslaxadda dadka deegaanka.
Maslaxaddu waxay ku jiirta in dalka Soomaliya laga dhiso
nidaam dowladeed oo leh gogol saar qaybaha iyo Wakiillada
Shacabka Soomaliyeed ka qayb qaataan si furan, inta
badan raalli ka tahay, kontrool ku leedahay, isla markaana
kalsooni gelin kara Beesha Caalamka. In ka horreysa,
Wax garadka Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa inuu
ku dadaalo ilaalinta nabadgelyada iyo is af garad dhexmara
hogaammada is barbar socda si xasillooni loo helo, looguna
gudbo gogol saarka nidaam dowladnimo oo haysta kalsoonida
dadka uu matalayo.
Dr. Maxamud M. Culusow
mohamuduluso@gmail.com
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new