Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Maxaad ka ogtahay dhalinyarada Soomaliyeed ee ka yimid Maraykanka kuna biiray islamiyiinta Somaliya?

Mogadishu 25 Janaury 2009 Waagacusub Media

Journalka NEWSWEEK ee ka soo baxa dalka Maraykanka cadadkiisa bisha February ee soo socota, laguna sii daabacay barta jariidada ee Internetka, ayaa warbixin dheer ka qortay dhalinyaro Soomaliyeed oo ku noolaa gobolka Minneapolis , oo si qarsoodi ah ugu safray dalka Soomaliya kadibna ku biiray dagaalyahanada Islamiyiinta ah ee Soomaaliya.

Wariyaha Jariidada ee dabagalka ku sameeyay arintaas ayaa sheegay in dhalinyaro Soomaliyeed oo gaaraya 20, da’doodana u dhaxeyso 17 ilaa iyo 27 ay si qarsoodi ah uga safreen dalka Maraynka kuna noqdeen Soomaliya, isla markaana ku biireen kooxaha malayka adage e ka dagaalama Soomaliya. Mid ka mid ah wiilashaas oo lagu magacaabo Burhan Xasan oo 17 jir ah oo dhiganayey iskuulka lagu magacaabo Roosevelt High oo ku yaala Minneapolis, ayaa waxa uu si qarsoodi ah ugu safray somaliya 4tii November ee sanadkii hore,isagoo sii maray Amsterdam oo dalka Holland ah iyo Nairobi, kadibna dooni ku gaaray magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan.xoogaga Al-shabab, Burhaan ayaa la soo hadlay qoyskiisa markii uu tagay magaalada Kismaayo una sheegay in uu bed qabo laakiin markii tafaasiil laga weydiiyay safarkiisa ayuu telefanka ku jaray.

Waxa faraciso ku noqotay FBI-da Maraykanka (xafiiska dambi baarista Federalka) sida dhalinyaradan yar yar oo dalka Maraykanka yimid iyagoo 4 ama 5 sano jir ah in ay ugu biireen kooxaha islaamiyiinta, qaarkoodna ayba isku qarxiyaan Soomaliya sida wiilka lagu magacaabo Shirwac Axmed oo ka yimid Minnesota iskuna qarxiyay Soomaliya, kadibna haraagii meydkiisa dib loogu soo celiyay qoyskiisa ku nool Maraykanka, laguna duuqay qabuuraha Burnsville, ee ku yaala koonfurta gobolka Minneapolis.

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in safarka dhalinyaradaas uusan ahayn mid ah iyaga kaligood qorsheeyeen balse ay ku lug leeyihiin jihooyin kale,waxa ay sheegeen in markii la waayey Burhaan Xasan ay qoyskiisa ka heleen qolkiisa naqshad safar oo laga soo sameeyay shirkad Safar oo ku taala Minneapolis oo ahayd qorshe safar oo si wanaagsan loo diyaarin oo Xasan iyo laba kale ay ugu safrayeen soomaliya, safarkaas oo ahaa mid shan diyaarad leysku bedelayo, bilaabanayana 1 November ee sanadkii 2008 balse markii dambe loo bedelay 4ta November. Waxa ay sheegeen in qarshahaas safarka uu ahaa mid si xirfadeysan looga soo shaqeeyay waayo 3da wiil ee safreysay isku diyaarad meysan ka raaceyn Minneapolis balse mid waxa uu diyaarada ka raacay Chicago labada kalena Boston ayagoo raacay diyaarado kala gedisan, safarka diyaaradahaas kala gedisan la raacayo uu yahay mid u eg kuwa argagaxisada tuhun badana keeni kara waa sida ay sheegeen FBI-da

Waxa kale oo ay kooxda la dagaalanka argagaxisada ee dalka Maraykanka sheegeen in safarkaas ay dhalinyarada ugu safrayeen Soomaliya uu midkiiba ku kacayo aduun lacageed gaaraya 2000 oo Dollar taas oo ah mid ay dhaliyaradaas yar yar ee aanan shaqeyn ay iska bixin karaan. Qaabka loo qorsheeyay safarka iyo lacagta ku baxeysa ayaa ka dhigaya in safrka ay galeen dhalinyaradaas mid qolooyin kale ku lug leeyihiin.

FBI-da Maraykanka iyo kooxda la dagaalanka argagaxisada ee Maraykanka ayaa tuhun weyn ka qaba masaajidka Abuubakar ee ku yaala Minneapolis, halkaas oo ay ku dukan jireen daliyarada u safartay Soomaliya oo uu ku jiro wiilka lagu magacaabo Shirwac Axmed ee isku qarxiyey Soomaliya bishii Oktobar ee sanadkii hore, FBIda ayaa ku dartay imaamka masaajidkaas sheekh C/raxmaan Axmed liiska dadka laga mamnuucay in ay safraan, iyagoo u diiday Xajkii la soo dhaafay in uu soo guto cibaadada Xajka.

Sheekh C/raxmaan ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeynta ama tuhunka loo soo jeediyay isaga iyo masaajidka, isagoo sheegay in dhilinyaradaas aysan Imamkooda arinta safarkooda kala tashan si la mid ah waalidiintooda, waxa uuna intaa ku daray in masaajidka Abuu bakar uu diirada saaro arimaha bulshada diinta iyo qoyska oo uusan arimo kale shuqul ku lahayn. Mar la weydiiyay in jihooyin kale ay masaajidka u adeegsan karaan goob ay dhalinyarada dagaalka ugu qortaan, ayaa waxa uu sheegay Sh.Craxmaan in masaajidka u furan yahay dadka oo dhan balse uusan arag cid dagaalyahano ka qoraneysa masaajidka.

Jariidada NewsWeek ayaa sheegtay in ay la kulan tahay Somali ku tukada masaajidka Abuubar iyo masaajid kale oo yar oo lagu magacaabo Imam Shafici oo la xiray kuwaas oo sheegay in mararka qaarkood ay masaajidada ka hadlaan dad ka hadla Jihaadka, Yusuf Shaba oo maqaalo ku qora warsidaha Warsan oo ka soo baxa Minneapolis ayaa sheegay in asiga iyo dhalinyaro kale ay ka qeyb galeen muxaadaro lagu qabtay masaajidka Imam Shafici bishii November ee sanadkii hore oo uu jeediyay qof ka soo dagaalamay Soomaliya kaas oo ku sheegay muxaadaradiisa in loo baahan yahay in la jihaado, kaas oo si ay ka buuxdo caadifad dadka ugu wacdinayey.

Cabdulle Cali

kabtooli50@yahoo.com


Halkaan ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow

DHAGEYSO HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009

Faallo-Xulka Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro

Mohamed Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub

Dhageyso Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir

Afhayeenka Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new