
Ciidamadda
Amniga GalMudug oo dhoolatus sameeyay+Sawiro
Galkacyo,
25 Janaury
2009 Waagacusub Media
Ciidamadda Amniga GalMudug State ayaa dhoolatus ku sameeyay
Fagaaraha Ilka Dahab ee Magaaladda Galkacyo.

Madaxda ugu sareyasa maamulka Galmudug,Guddiga aminga
iyo dhaqalaha, Culimaa'udiinka,Ardayda iskulaada ,Ururada
bulshada iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeybgalay Munaasabadda
ay dhoolatuska ku sameeynayeen Ciidanka GalMudug oo
ku lebisnaa dareesya ama Uniform u gaara oo ay agaasimeen
Jaaliyadda Galmudug State.
Madaxweynaha dawlad goboleedka
Galmudug State Max’ed Warsame Cali (kiimiko) oo salaan
ka qaatay saraakiisah iyo ciidamda u gaarkaa amaanka
Gaalkacyo ee darayska qurxoon ku labisnaa .
Madaxweyne Kiimiko ayaa qudbad uu ujeediyay dadweynaha
iyo Ciidamadda iskugu yimid fagaaraha Ilka Dahab ku
dalbaday in loo Gudoomiye ku xigeenka Galmudug Aweysa
Cali Saciid oo dhawaan dhaawac loo gaystay in ILAAH
Caafimaad siiyo .
Intaas kadib madaxweynaha waxa uu shaaca ka qaaday in
dawladda Galmudug ay amaanka Gaalkcyo wax weyn ka qaban
doonto
"Ciidamada aad arkeeysaan ee ku labisan darayska
u gaarka ah waa ciidamadii sugi lahaa amaanka Magaalada
waxaa shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan
si looga hortago kuwa amaanka qal qal galinaya"ayuu
yiri Madaxweyne Kiimiko.
"Saraakiisha
amniga iyo ciidamada waxay amar buuxa u qabaan inay
ka hawl galaan qaybaha kala duwan ee magaalada habeen
iyo maalinna amaanka ay sugaan walibana cidii ay u arkaan
inay ka hor imaaneyso nabadgalyada ay toogasho ku dilaan"
ayuu yiri Madaxweyanaha Galmudug Mudane kiimiko oo qudbaad
aad u dheer ka jeediyay barxadadda isku soo baxu ka
dhacay ee Magaalada Gaalkacyo
Macalin
Mursal cilmi dhago oo ka tirsan guddiga marjaca Galmudug
Gudoomiyaha
Guddiga dhaqaalaha iyo amaanka garaad Aadan Cilmi (Qoorweyne)
Taliyaha
Amniga GalMudug Shariif Cali Dhurwaa
Afhayeenka
GalMudug State Axmed baasto
Gudoomiyaha
ururka ardayda Galmudug Cali Saciid Xasan Cabdi
Gudoomiyaha
Gobolka Xasan faarax barre
Taliyaha
Boliiska Max’ed Nuur Cali Gadaar.

Nabadoon Cismaan Nuur Qayd
Waxaa sidoo kale Munaasabdaas
Mas’uuliyiinti ka hadashay ka mid ahaa Macalin Mursal
cilmi dhago oo ka tirsan guddiga marjaca Galmudug, Gudoomiyaha
Gobolka Xasan faarax barre, Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha
iyo amaanka garaad Aadan Cilmi (Qoorweyne),Nabadoon
Cismaan Nuur Qayd,Gudoomiyaha ururka ardayda Galmudug
Cali Saciid Xasan Cabdi,Afhayeenka GalMudug Axmed baasto
iyo taliyaha Boliiska Max’ed Nuur Cali Gadaar.





Dhoolatuska ay sameeyeen Ciidamadda Amniga GalMudug
ee boqolaalka ayaa ku beegan maalmo kadib markii Galkacyo
lagu dhaawacay Gudoomiye ku xigeenkii gobolka Mudug
Aweys Cali Saciid oo sedex nin ay la galeen Masjid kadibna
dhaawaceen.


Mudane Aweys Cali Saciid oo rasaastii lagu furay u dhaawacmay
ayaa jiifa Isbitaalka Galkacyo waxaana la xaqiijiyay
in sedexdii nin ee tacshiirada ku furay galeen Magaalada
Dhuusamareeb waloow wejiyadooda la yaqaan sida ay sheegeen
Saraakiisha Wardoonka GalMudug.

Kooxaha Shabaabka ayaa la sheegay inay sedexda nin ka
tirsan yihiin hasse yeeshee xaaladaha amaan xumo waxaa
soo afjari kara amarka uu Madaxweyne Kiimiko ku bixiyay
in la toogto cidii laga shakiyo.
Abdalla Mohamed Abdulle
Galkacyo GalMudug State
SOMalia
0025290 752260
Cabdalla45@hotmail.com
Halkaan
ka dhageyso Muxaadaro Janaqoow
DHAGEYSO
HEESTA WAAGACUSUB EE SANADKA CUSUB 2009
Faallo-Xulka
Bariiska Jaayga Ku Soo Cunay Xerada Jabouti Iyo Natiijadiisii+sawiro
Mohamed
Qanyare should sue the Atlantic, not threaten Waagacusub
Dhageyso
Su-aalaha iyo Muxaadarada Hassan Dahir
Afhayeenka
Hawiye Vs Mukhtaar Roobow -Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new