Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Dowlad kama dhicin!

DJibouti 24 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

By Mursal Kamas

Hamigii laga lahaa dowlad qaran oo ka dhalata Soomaaliya ayaad moodaa inuu sii yaraanayo. Umadda Soomaaliyeed ayaa rajo ka qabay doorashadii Shariifka iyo hadaladii macaanaa ee uu sida xirfadeysan u soo bandhigayey.

Somalia: Al-Shabab threatens more attacks on AU troops By Dahir Alasow

Shariifka ayaa ololihiisii doorashada waxaa hadal hays (slogan) u ahaa “wada-hadal dhab ah, heshiis buuxa, sinaan, cadaalad iyo dhismo dowlad qaran”. Hadaladaas, waxaa u riyaaqay Soomaalida inteeda badan, inkastoo dad badani shaki ka qabeen meel marinta hadaladaas.

Shariifkii la dooray, balse sida ay horey u sameyn jireen kuwii ka horeeyey, hadafkii loo doortay, waa gees maray. Durba waa iloobay hadaladiisii qiirada badnaa ee uu nagu akhrinayey laba asbuuc ka hor.

Dowlad-ku-sheegii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf ee ku dhisnayd Majeerteen, Mudulood iyo Melas Zenawi ayaad moodaa in boorka dib looga jafay. Mudulood iyo Majeerteen labadii jago ee ay soo hayeen 5tii sano ee la soo dhaafay ayey kala bedesheen. Doorashadii Ina Cali Sharmaarke ayaad moodaa mid lagu adkeynayo isbaheysigii Mudulood iyo Majeerteen si looga hortago mucaaradka oo weli xasuusta dhibaatadii Isbaheysigani ka geystay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Eex, is-aruursi, quursi qabaa’ilo waaweyn, duudsi iyo cadaalad xumo ayaa lagu soo dhoodhoobay Jibuuti, balse dadka intiisa badani waxay is-weydiinayaan meesha lagu furi doona geediga. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “la mood, noqonse weyday”, taas waxaan uga jeedaa, inteena badani waxaan aad u daneynay degitaanka Soomaaliya, balse waxaad moodaa hamigaasi inuu riyo isu bedelay oo Shariif uu qaaday wadadii asxaabtii ka horeysay.

Sade, sad-bursi ma dooneyn, balse cadaalad in wax lagu maamulo lana raadiyo xalka Soomaaliya ayuu doonayey. Taasi ma dhicin, sixitaan qaladna ma muuqdo. Sade, qaylo-dhaan kama imaan ee talo soo jeedin ayaa ka timid, balse isbaheysiga arimo kale ayaa u cad. Sade, dowlad kama horyimaado balse isbaheysi ma taageero. Is-aruursi iyo Isbaheysi soo aragnay, xalna laguma gaaro.

Isbaheysigu codkeena ma haysto kumana heli doono wadada uu haatan ku taagan yahay.

Mursal Kamas
xogogaal@yahoo.com

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new