Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

BBC Somali Kaalin Intee Le'g ayay ku leedahay Colaadaha Somalia?

Mogadishu 23 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

waxaan ogsoonahay oo shaki ku jirin in dadka Soomaaliyeed yihiin dad si aad ah ugu xiran una jecel kala war helida dhexdooda ah iyadoona ay tahay dhaqan soo jireen ah in Soomaalidu ay jeceshahay in ay si hufan u helaan dhacdo walaba ee ka dhacda dunida dacaladeeda waxaana dadka Soomaalida ah lagu tilmaamaa inay yihiin dad muhiimada koowaad siiya helida warbixinada iyo kala war qaadashada.

ka hor inta anan la gaarin horumarkan warbaahineed, dadka soomaalida ahi waxa ay u kala lugeeyn jireen masaafo ada u dhaadheer si ay u kala war helaan ulana socdaan hadba hanaanka ay wax marayaan taa oo sababtay inay soo ifbaxaan rag bulshada dhexdeeda caan ka ah kuna caan baxay in wararka iyaga laga soo xigto ay noqdaan kuwo run ah oo xaqiiqda ku saleeysan halka ay jireen rag iyana ku caanbaxay in ay yihiin kuwa miran habaabin badan si qaldana u badala xog walba ay helaan taa oo sababtay in marka la isweydiiyo cida warkaa soo warisay lana ogaado in uu yahay hebel lagu afgaabsado waa warkii hebele inaga daa.

inkastoo ay dadka Soomaaliyeed la jaan qaadeen xadaarada ka jirta caalamaka gaar ahaan mida warbaahineed ayna sahal noqotay in ay si fudud ku helaan wax walba oo caalamaka ka jira ayaa hadana waxaad moodaa inay wali taagan tahay caqabdii ahayd in ay wali jiraan Ragii Sida Qaldan U Warinayay wararka Dhabata ah Kuwaa Oo Iminka Ka Xirfad Iyo Xeeladba Badan Kuwii Horey Bulshada Dhexdeeda Beenta ugu Caanabaxay Iyo waliba Iyagoo Ragan Xiligani Awood u leh in ay Waxii qaladana ay Wariyaan Halmar Sitoos ah Uu U garaayo Kumanan Dad ah Taa oo Sabatay In ay Kaalin Wayn Ka qaataan Hurinta Colaadaha Somalia.

Hadii aan Tusaale u soo qaadano idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, Oo ah meel ay Si aad ah Ugu Taxanyihiin Inta Badan shacabka Soomaaliyeed Kana Dhageeystaan Macluumaadka Iyo Dhacdooyinka Ugu Danbeeya ee ka Dhaca Caalamka ayaa Waxaa Dhawaanahaan aad usoo if baxayay Su'aalo la xariira Habka ay Idaacada BBC-du u tabiso dhacdooyinka iyo waliba qaabka ay Faaladda U Sameeyaan kolka ay Ka Hadlayaan siyaasada Somalia.

Inkastoo ay Suxufiyiinta Ka Howl-gasha Idaacada BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ay Yihiin Kuwo Xirfad leh Hadana Waxaa Isweydiin mudan Waxaa Jiray Xirfadyahno badan oo Caan ah Aqoon iyo karti muwaadinimo leh oo si cad uga dhaqaaqay Bbcda kaalin weyna ka soo qaatay hana qaadkii laanta afka soomaaliga ee Bbcda Laguna Yaqaanay Dhex Dhexaadnimo iyo waliba inay warbixinadooda Ku muujiyaan halka ay ku jirto danta dadkooda iyo tan dalkooda iyagoon Dareensanaa inay halka ay ka shqeeynayaan ay tahay goob ay leeyihiin dad shisheeya halka ay wax u tabinayan ay tahay dadka iyo dalakooda hooyo.

Waxaa Sanadahaan Danbe Aad u soo kordhaya shakiga ay inta badani umada Soomaliyeed Ee waxgaradka ahi ay ka muujinayaan Idaacada Bbcda laanteeda afka Soomaaliga oo Iminka loo arkayo In ay Kaalin Weyn Ku Leedahay Bur Burka Ka Dhacaya Dalka soomaaliya Taa oo loo Sababaynayo Hababka ay Iminka U Tabinayaan wararka Ka Jira Gudaha dalkan Soomaaliyeed ee ay Colaadaha Ba'ani Ka Socdaan Iyo Waliba qaabka ay U Sameeynayaan Faalooyinka Sababaya In ay Sii Kala Fogaato quluubta umada Soomaaliyeed Gaar ahaan Siyaasiyiinta Isku Haya Hanaanka Loo maamulayo dalka.

Inkastoo aanan qoraal lagu soo koobi Karin hadana hadii aan tusaale ay cid walba oo caqli lahi fahmi karto soo qaadano waxaad dib u baartaa waxii ka danbeeyay heshiiskii dhawaan ay DFKMGS Iyo Isbaheeysiga Dib U Xoreeynta Soomaaliya ay Ku Gaareen Dalka Jabuti Laguna Gaaray Dhisida Dowlad Midnimo Qaran Oo ay Yeelato Soomaaliya Iyadoo ay Wali Jiraan qaar Ka Tirsan Mucaarad si Xoogan Uga Soo Horjeeda Dowlada Qaabkii ay Idaacada BBCdu u Tabineeyso Wararka La Xariira arimaha Dowlada Iyo Mucaaradaka waxaadna Dib U aqrisaa Falooyinka ay Madaxada BBC da Laanteeda afka Soomaaliga ay Ka Diyaariyeen Ra'isul Wasaaraha Cusub iyo Waliba Xukuumadiisa Cusub, Waxaa Sidoo Kale Dib U Fiirisaa Warbixintii Uu Waryaha Bbcada Mark Doyle Uu Ka Diyaariyay Madxweyne Sh. Shariif Intii Uu Ku Sugnaa Shirkii Afrika ee Ka Dhacaya Dalka Ethiopia Dhamaan Kolkii Intaa Aad Dib U Qooraansato Waxaa Kuu Soo Baxaya waxa Bbcdu Tahay Iyo waxa ay ka damcsanyihiin Siyaasada Soomaaliya Iyo Waliba Kaalinta ay Idaacada BBCda Laanteeda afka Soomaaligu ay Ka qaadatay Baab'a Dadkeena,DiinteenaIyo Dalkeenaba.
Si aad wax Badan Uga Sii ogaato Qatarta BBCda laanteeda afka Soomaaliga ay Ku Tahay Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed Una Ogaato In Ra'yigani ahayn Mid hal Qoraa Ka Yimid Fadlan Booqo Linkiyada Hoos Ku Qoran

http://www.qarannews.com/show/7571.html
http://harowo.com/2007/06/15/5792/
http://gargaar.blogspot.com/2008/12/wariye-bbc-qaybta-english-ka-tirsan-oo.html
http://www.palestinechronicle.com/uploads/img_e409afd33a_bbc_gaza_cartoon_jazeera.jpg
Abdi risaak Black
blackyare@hotmail.com

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new