Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Waa Sidee Xaaladda Somalida ku nool Nairobi iyo Ganacsigooda? By Weriye Honest

Nairobi 23 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP

WQ: C/qaadir Cilmi Ciise "Honest"


Magaaladda Nairobi ee Caasimadda wadanka kenya waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo aad u fara badan kuwaasoo intooda badan iyagu soo galay markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye.

Soomaali fara badan ayaa Ilaamaa Sanadii 1991-kii iyo haatanba waxa ay yihiin kuwa ku soo qulqulaya dalka kenya oo Xoorooyin ku yaala ay qaarkood qoxooti ku yihiin, iyadoo qaar kale oo aad u fara badana ay ku sugan yihiin Magaalo madaxda Nairobi.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda nairobi intooda badan waxa ka bilaabeen howlo ganacsi oo kala duwan, taasoo la oran karo waaba dadka keliya ee sida aad ah xilligan uga ganacsada Wadanka Kenya, marka laga soo tago dadka kenyaantiga ah ee iyagu u dhashay dalka.

Waxyaabaha soomaalida Nairobo waayadan dambe ay caanka ku noqotay waxaa ka mid ah dhismayaal aad u qurux badan oo ay ku ganacsadaan iskana leeyihiin dad soomaali ah oo iyagu gatay ama si sharci ah ay ku dhisteen.

Marka aad tagtid xaafada islii oo dadka soomaalida ah deegaan iyo ganacsiba ay ku leeyiihiin, ayaa ugu horeyn waxaad arkeysaa oo Ishaadu ay qabaneysaa dad soomaali ah oo ku mushquulsan howlo gancsi oo kala duwan, iyo Dhismayaal farabadan oo Wada ganacsi ah, taasoona ka dhigtay Deegaanka Islii Meelaha ugu Mashquulka badan ee xiligan loo soo dukaameysi tago, iyadoo Xaafadda Isliina ay ka mid noqotay Goobaha ganacsiga ee tartanka adag uu waqtigan ka soconayo, midaasoo la oran karo waxay soo Jiidatay Indhaha dadka Kenyaanka iyo Shucuubta kale ee ku dhaqan Dalka Kenya gaar ahaan Magaaladda Nairobi.
Waxayna Waqtiyadii ugu dambeeyay si weyn xooga u saareyn Ganacsiga dhanka maalgashiga waxayna abuureen shirkado Guryaha dhisa, Hoteelo waa weyn iyo dhismayaal qurux badan oo ay ka sameeyeen Xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin.

Dadka Madowga ah ee u dhasahay Kenya Qaarkood waxa ay kuu sheegayaan in dadka soomaalida ay wax badan ka badeleen Qaabkii Ganacsiga Kenya uu horey u ahaa, waxaana la rumeysan yahay in Dhaqaale xooggan ay soomaalidu ku leedahay haatan Dalka Kenya.
Sidoo kale Xaafadda Islii waxay kaloo soo jiidatay Indhaha Shirkadaha shisheeye ee Maalgashiga ku sameysta Wadanka Kenya,
Waxaad arkaysaa Xarumo isugu jira Bankiyo iyo Xafiisyo kale oo Ku soo badanaya Bilooyinkii Ugu dambeeyay Xaafadda Islii oo ay leeyihiin Dadka shisheeyaha ah.

Sikastoo ay ahaataba dadka Soomaalida ee ku dhaqan magaaladda nairobi ee wadanka Kenya waxa ay ku soo siyaadiyeen Dhaqaale aad u fara badan, iyadoo dowladdana dhaqaale aan la qiyaasi karin uu ka soo galo xaafadda Ganacsiga ee Islii ee Soomaalidu ay degan tahay.
Balse Dowladda Kenya dadka Soomaaliyeed si heer qaran oo la mida xaafadaha kale ee Nairobi uma ay sugaan, tusaale ahaan halkii laga rabay in ciidan amaanka suga uu yeesho Halka ay soomaalidu ku badan tahay, ayaaba arkeysaa ciidan Shacabkii Jeebeynaya, sidoo kale Wadooyinka dhex mara xaafaddaasi ma ahan kuwa hagaasan oo waxaa ka muuqda burbur xoogan iyadoo sidoo kale Nadaafadda Deegaanku aysan wanaagsaneyn oo aad ku arki kartid qashin iyo Biyo wasaceysan oo ka imaanaya Bulaacado soo jabay taasoo wadooyinka qaar ee Islii ka dhigtay Meel Biyo fariisi ah.

Waxaa kaloo jira dad Soomaali ah oo aan wax howl ah ka dhicin balse Meelaha Lagu shaaho ee ku yaala Xaafada Islii har iyo habeen ku fadhi dirira una badan dhalinyaro, balse ku haminaya in ay mar uun tagaan wadamadda Reer galbeedka gaar ahaan Yurub iyo Ameerika.

Waxaa iyana Jira dad kale oo ka shaqeysta arrimaha Dhoofka sida Dalaaliinta oo boosaska u kala gada dadka dhoof doonka ah, kuwaasoo halkaasi ka soo saarta Nolol maalmeedkooda.

Sikastaba ahaatee dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaaladda Nairobi inkastoo intooda badan aysan laheyn sharci hadana waa ay isaga nool yihiin. iyagoo inta badana la kulma xiliyadda habeenkii xarig ay kula dhaqaaqaan Booliska Kenya oo iyagu marka uu gabalku dhaco u soo qaraab taga xaafadda Islii oo dadka soomaaliyeed ay degan yihiin, iyagoo markaasi qofkii ay qabtaana ka qaada lacag baad ah oo ay sabab uga dhigaan Qofka oo aan heysan sharciga Kenya ama mid qoxootinimo.

Booliska kenya oo caado u noqotay ka qaraabashada Soomaalida aan sharci wadan ayaa waxaa la arkaa habeen walba Booliska oo ay u jeebaysan yihiin Dhowr qof oo soomali ah kuna heysta luuq kasta una badan Dhalinyaro isugu jirta Gabdho iyo Wiilal iyagoo markaana qofka waxa ay ka heli karaan ee markaas uu wato inta ka qaata kadibna iska sii daaya.
Dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku Nool Nairobi intaas kuma Eka, Balse waxaa mararka qaar dhacda Tuugo Hubeysan oo dhac iyo boob kula kaca Soomaalida iyadoo tiro dhalinyaro soomaali ah ay dishay Tuugadaasi Hubeysan ay isa soo tareysay tan iyo Markii Soomaali badan ay degeen Dalka Kenya.
C/qaadir Cilmi Ciise "Honest"
ccchonest@hotmail.com

Somali Journalist
Nairobi
Phone-+254-721-352351

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new