
Alshabaab
xaqiiqdaada aragnaye dantaadu waa maxay?.
Maqaal
22 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Booqo
Waagacusub English Site PhP
Bismilaah anigoo ah ka mid dhalinyarad
soomaaliyeed ayaan waxaan jecleystay inaan ka hadlo
marxaladaha dalka soo maray qaasatan kuwii ugu danbeeyey
ee dhibaatada iyo rafaadka ugu badnaa abid ay soo mareen
shacabka soomaaliyeed .ayaan waxaan jecleystay inaan
qalinka u qaato xaaladaha jira qaasatan xaalada
alshabaab.
waxaan ognahay intii lagu guda jirey xaaladii hogaamiye
kooxeedyada kadib burburkii dowladii hore in ay soo
ifbaxayeen waxyaalo ama kooxyo cusub oo ay ka mid
ahaayeen kooxo islaamiyiin ah oo bilowgoodii hore ka soo
aas aasmay maxkamado beeleedyo ay kala lahaayeen
qabaailada soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen maxkamadii
ifka xalane) maxkamadii shiirkole) iyo maxkamadii (xararyaale)
iyo kuwa kale badan, waxaa jirey dad ku hamiweynaa o ku
howlanaa sidii maxaakiimta ay awood u yeelan lahaayeen
mar qurana gacanta wadanka ku dhigi lahaayeen, waxaan
dhihi karaa wey suurta gashay arinkaa oo wadanka
intiisii badneyd gacanta ayay u gashay maxaakiimta
islaamka kadib markii ay meesha ka saareen hogaamiye
qabaailkii awooda ugu badan ku lahaa somaliya.
Somalia:
parliament votes for the cabinet, minister quits
By Dahir Alasow
waxaa mar qura dhacday in wadanka intiisii badneyd
qaasatan bartamaha iyo koofurta somaliya oo lagu
yaqiinay dil iyo dagaal ay mar qura isku badashay nabad
iyo amaan , taasi waxay ahayd billo kooban oo somali
idilkeed uga wanaagsaneyd 16 sano oo ay dhibaato iyo
dagaal ku jireen .
horaa loo yiri geedkii orod lagu fuulo orad baa looga
soo dagaa waxaa dhacday in misna maxaakiimtii meesha
laga saaro oo wadanka ay gacanta ku dhigeen ciiidamada
dowlada ethiopia iyo dowladii tfg-da kadib dagaal lagu
hooobtay oo ay isku fara saareen labadaa dhinac.
waxaa dhacday deetana in ciidamada dowlada iyo kuwa
ethiopia ay geystaan xasuuuq ka dhan ah bani aadanimada
iyo boob ay u geysanayaan shacabka soomaaliyeed ayaa
waxaa muqaawada iyo shacabka soomaaliyeed ayagoo ka
dhiidhinaya howlaha ethiopia iyo ciidamada dowladu ay
wadaan ay u istaageen dagaal iyo jihaad ay la galayaan
ethiopia iyo xulafadooda halkaana ay isku fara saareen ,
shacabkii reer muqdisho oo waligood u dhaxeeyey soo qax
iyo sii qax ayaa haddana sidoodii u qaxay oo waxay u
qaxeen gobolada ku dhaw banaadir.
isla markiiba waxaa soo ifbaxay kooxo islaamiyiin ah oo
awal ay isku garab ahaayeen maxaakiimtii islaamka (alshabaab)
alshabaab waxay shacabka ku soo jiiteen ad adayg iyo
geesinimo ay u babac dhigayeen dowlada ethiopia, waxaa
jirey qaladaad badan oo ay sameeyeen alshabaab laakiin
shacabka muqdisho oo u arkayay mujaahidiin ayaa ka
gaabsaday arinkaa iyo qaladaadka alshabaab.
alshabaab waxey heysteen hogaan dhexe oo ahaa macalin
Aadan hashi ceyrow oo ahaa markaas hogaamiyihii dhexe ee
alshabaab inkastoo aan la ogeyn hogaankooda sare,
alshabab waxay ahayd koox loo aqoonsaday dagaalyahano
islaami ah oo ka soo horjeeda joogitaanka ethiopia si
kastaba waxaa dhacday in ciidamada cirka maraykanka ay
weerar ku qaadeen hogaankii dhexe ee alshabab Aadan
ceyrow oo markaa ku sugnaa magaalada dhuusa mareeb ee
gobolka galgaduud waxayna halkaa ku dileen hogaankii
udubdhaxaadka alshabab Aadan ceyrow iyo 19 kale oo ka
tirsanaa alshabab .
waxuu xaalku isu badashay maadaama aan la garaneyn
hogaanka sare ee alshabaab uu xukunkii la wareegay
mansoor roobow oo ah afhayeenka alshabaab .
1:alshabaab waxay isu badashay koox u soo baxday maja
xaabinta shacbi weynaha soomaaliyeed gaar ahaan kuwa
muqdisho.
2:ayagoo abaarayay si arxan daro ah (aqoonyahanka) (
siyaasiga) (ganacsadaha) (culima'udiinka) iyo dhamaan
shacabka ayagoo ku leynayay qaab dahsoon laakiin cad.
3:ayagoo deegaanada maatada ka tuurayay madaafiic
jawaabtana ay ku baaba'ayeen shacabweynaha muqdisho.
4:ayagoo miinooyin ku aasay wadooyinka marar badana ay
dhacday in ay ku baaaba'aan maatada soomaaliyeed.
5:dilal loo geysan jirey dad masaakiin ah ayagoo loo
dili jiray maxaad uga ganacsateen ethiopia iyo
murtadiinta.
6:shacabka oo qofkii aada ama la sxb ah qof soomaaliyeed
oo ka mid ah dowladda tfg-da loo sooo dirayay telefoon
loona sheegayay si aan gabasho lahayn in la dilayo.
intaa oo dhan shacabku wuu ka aamusnaa haddana wuxuu
isku qancinayay ethiopia ayay la dagaalayaan oo ay
wadanka ka saarayaan.
alshabaab oo laga sugayay in ay la jihaadaan gaalada
ayaa waxaa dhacday arin la yaab leh markii ay bilaabeen
jihaad qabuurta ah oo ay la dagaalameen lafo dad waa
hore dhintay ayagoo ku andacoonaya waa la caabudi jirey.
Somalia:
Is the cabinet posts gave out fairly?By
Dahir Alasow
taasi waxay dhalisay kalsooni xumo ay ka kasbadeen
shacabka shacabkana ay kalsoonidii kala laabteen
alshabaab.
dhanka kale isbahaysigii garabka jabuuti oo u istaagay
nabada iyo nabadeynta ayaa wuxuu go'aan ku qaatay nabada
ayagoo la shirey oo wadahadal la sameeyay dowlada
federalka somaliya miro dhalna ka gaaray wadankiina si
nabad ah ay uga saareen ciidamadii ethiopia.
alshabaab markii ciidamada ethiopia ay ka baxayeen
wadanka ayaa waxay isku dayeen in ay hor istaagaan
ayadoo shacabka muqdishana arintaa ay galisay shaki weyn
oo ay ka qaadeen alshabaab ayadoo lala yaabay danaha ay
alshabaab ku heysato joogitaanka dowlada ethiopia ayagoo
ku andacoon jirey ethio ayaan wadanka ka sareynaa oo
waxaan rabnaainey wadankeena nooga baxaan.
ujeedadii alshabaab waxay ahaydba wey fashilantay
waxaana hor istaagay shacabweynaha soomaaliyeed oo isku
duuuban.
kadib bixitaankii ethiopia ay wadanka dhan gabi
ahaantiisa kabaxeen ayaa halkii laga sugayay alshabaab
iney a mid noqdaan dad nabada u ololeeya oo ka qabygala
shirweynaha nabada ee jabuuti ay ku dhawaaqeen in ay
dagaalami doonaan ilaa iyo ayka gaarayaan alaska oo ay
qabsanayaan guud ahaan aduunka taasi oo ka fajacisay
shacabka soomaaliyeed iyo waliba aduunweynaha isha ku
haya arimaha somaliya .
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Arintaana waxay dhabarjab ku noqotay shacabka
soomaaliyeed oo ilaa dhalashadaydii ku jiray rafaad iyo
dagaalo waxayna hadal heynta ugu weyn noqotay alshabaab
oo ku dhawaaqday dagaal ilaa maalinta aaqiro.
waxay weeraro ku qaadeen ciidamada nabad ilaalinta
amisom, weeraradaas oo isagu jiray ismiidaamin iyo
madaafiic ay ka tuurayeen xaafadaha shacabka taasna ay
dhalisay kadib bixitaankii ethiopia qasaaro iyo dhamasho
ba'an oo soo wajaha shacabka dagaalka ka daalay.
waxaa la soo dhisey dowlad qaran oo loo dhanyahay marka
laga reebo inta nabadda diidan .
waxaa misna layaab noqotay dowladaas waxaa hogaaminya oo
madaxweyna ka ah shariifkii hogaaminayay maxaakiimtii
islaamka ee keenay mansour iyo xulafadiisa balan qaadday
dagaalka ilaa maanta aaqiro misna dowladii shariifka wey
ka soo horjeesteen, waxayna ku adkeysteen dagaal ilaa ay
umadda ka baaba'do.
Haddaba alshabaabay xaqiiqadaada aragnaye ujeedkaagu waa
maxay?.
By. Abdulahi Kullane.
kullaneyare@hotmail.com ama kullaneyare@gmail.com.
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new