Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Banaanbax looga soo horjeedo doorashada GOS Oo Muqdisho Ka Dhacaday.

MUQDISHO-  21 March 2009 Waagacusub Media

Waxaa Shalay magaalo madaxda dalka Soomaaliye ee Muqadisho lagu qabtey dibax weyn oo lagu muujinaayo dibad bax loogu magac darey ''Shirqoolka Jabuuti ee doorashada GOS'', dibaxaan balaaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ciyaartooydii hore ee kooxaha heerka kowaad iyo xulkii Qaranka dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan bahda Isboortiga magaalada Muqdisho kuwaada damiirka leh .
 

Waxaana dibad baxaan ka soo qayb galay dad si weyn looga yaqaan Isboortiga dalka Soomaaliya xiligii Dowladii hore, kuwaasoo u badnaa ciyaartooydii hore iyo masuuliyiintii ka soo shaqayn jirtey Wasaaradii Shaqada iyo Isboortiga Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedaan GOS iyo Xiriirada hoos yimaada, kadib markii mudo dhan 18 sanadood ah laga talogalin waayay maamulada iyo xiriirada kale duwan ee hoos yimaada GOS, balse si sharci daro ah looga shaqaalaysiyay GOS dad aan aqoon Isboorti iyo maamulkaba ka aradan, kuwaasi oo loogu xushay arimo ka baxsan Isboortiga iyo xeerarka u dagsan.

Ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya ayaa moodaa in kuwooda aan hubaysnayn in si gooni ah loogu xaqiro xaqii ama xaquuqdii ay u lahaayeen inay shaqo ka helaan xiriirada magac u yaal ka ah ee GOS, kuwaasoo ku dhibaataysan magaalada Muqdisho, halka lacago lagu soo helo magacii Isboortiga Soomaaliyeed si ka baxsan nidaamka iyo sharciga iyadoo waxba lagu qabanin aan la ogayn meesha ay ku baxdo ama lagu bixiyo sanad walbo, balse caalamka loo sheego Isboortiga dalkaan wax ugu qabanay.

Gobalada dalka iyo degmooyinka ayaanan waxba loo qabanin isla markaana aanan lagu tixgalinin talada iyo maamulida Isboortiga Soomaaliya, halka ay afduubteen koox isku xiran oo sheegta inay maamulaan Isboortiga dalka iyo Qurbaha, kuwaasoo aysan jirin dan iyo heelo ay ka leeyihiin in Isboortiga Soomaaliya la horumariyo isla markaana la gaarsiiyo Miyi iyo Magaalo balse ujeedadoodu tahay inay sheeg sheegtaan xilal laaluush lagu soo qaatey iyo xatooyo xoolo Qaran.

Mid ka mid ahayd dadkii mudaharaadka dhigayay ayaa ku andacooday inaysan xaq ahayn isla markaana laga aamusnaan karin doorashada indho sarcaadka GOS ee lagu qabtey dalka Jabuuti, ha la i su'aalo mid ayay tiri raga madaxda isku caleemo saaray inay yihiin, halka ay ka shaqeeyaan Xiriirada codka aqlabiyada siiyay Mudane Wiish iyo inuu Isboortigu meesha uu ka soo galo eex, Qabyaalad iyo musuqmaasuq, waxaan maqalnay in xiriiro loogu yeeray xiriirka Danaha ciyaartooydii hore iyo Xiriirka Haweenka, halka ay ka shaqeeyaan iyo cida ay danahooda ka hadlaan ayay si caro u tiri Xaliimo Aliyow Adan.

War Allah maa laga baqo oo dhoodhoobka beenta ee dalka iyo dadka lagu bahdilaayo hadane waxba lagu qabanaynin la daayo ayuu yiri Xusen Xasan oo ka tirsan dhalinyarada Isboortiga jecel ee ku nool xaafada Waabari oo isna ka midka ahaa dadkii ka qayb galay Dibad baxa looga soo horjeeda doorashada GOS.

Oday Sport Waliyow Abdalle oo ka tirsanaan jirey taageerayaashii kooxda Horseed ee dalka Soomaaliya ayaa isna yiri waxaan la yaabanahay ninka Micheal lagu sheegay ee la yiri waxa u ahaa kormeere ka socda National Olympic Commitee ee ka qayb galay doorashada indho sarcaadka ee lagu qabtey dalka Jabuuti, runtii waxaan halkaan ka cadaynayaa inaan dacwad maxkamad la soo istaagi doono kuwa doonaya in Sports dalka u afduubnaado ilaa yoomul Aaqiro, dowlada Soomaaliyeed ee dhalatey hadii ay cadaalad tahay waxaan ku ogaan doonaa waxa ay ka qabato kooxda GOS mooday inay xoog ku haysan karaan, waayo Isboortiga dalka oo dhan inuu gaaro waaye si cadaalad ah

Docda kale Gudoomiyihii hore XKCS mudane Muxuyadiin Darbo wayne kana mid ahaan jirey ciyaartooydii kooxda kubadda cagta Jeenyo iyo xulkii Qaranka Soomaaliya ayaa ka wada magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq shirwayne kale oo lagu dooranaayo hogaan kale oo GOS yeesho sida uu ku sheegay shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada Muqdisho shalayto kadib doorashadii indho sarcaadka ee lagu qabtey magaalada Jabuuti, taasoo lagu doortey Gudoomiye cusub Mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish''.

Mudane Muxyadiin Darbowayne ayaa ku dooday in doorashada ka dhacday dalka Jabuuti aysan ahayn mid haysta kalsoonida dadka Soomaaiyeed isla markaana aysan ka qayb galin maamulada Isboorti ee ka dhisan Gobalada iyo Degmooyinka dalka Soomaaliya ka kooban yahay marka laga reebo koox si hoose iskugu xiran oo uu soo dhistey Mudane Wiish oo loogu yeeray 18 Xiriir ee hoos yimaada dalada GOS, halka aynu wada ognahay inay xaafada Abdul Aziz ee magaalada Muqdisho ay ka howl galaan wax ka yar 4 xiriir, taas oo ku tusaysa in waxaan jirin in laga gado la rabo hay'ado (IOC & NOC) laga leeyahay dano looga qaato dhaqaalo.

Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble oo qudbad ka jeediyay shirkii Jabuuti ee GOS ayaa si asluubaysan ula hadlay kooxda u caleemo saaratey Mudane Aden Xaaji Yabarow Gudoomiyaha GOS, isagoo yiri '' Hadii 20 qofood oo ciyaartooydii hore oo Muqdisho ku nool oo dhiibaataysan isla markaana aan shaqo hayn waxtari wayseen goormaa gaaraysaan Isboortiga iyo maamulka gaarsiinaysaan dadka Soomaaliyeed iyo dalka oo dhan.

waa nasiib xumo in lagu xisaabtamo oo lagu tartamo dhaqaale laga soo qaadanaya IOC & NOC, halka Dowladana ay wax ka sugayso UNDP ayuu yiri Wasiirka waxana u hadalkiisa sii raacsiiyay ''Soomaalidu soow dhaqan uma lahaan jirin hadii ay gaajoodaan xishood dartiis inta ay gurigooda hoos ka soo xirtaan intii ay dad kale u barya tagi lahaayeen, dhaqankaasi iyo damiirkii halkee buu naga aaday ayuu isa sii su'aalay isagoo ka qiiraysan xaalada dalka Soomaaliyeed ku sugan yahay maanta iyo Isboortigii Soomaaliyeed meesha uu ka daganayo, hasa yeshee Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay wax qabad muuqda isla markaana Wasiiradiisa ay la xisaabtami doono maanta wixii ka dambeeyo loona baahan yahay isbadal ka duwan 18 sanadood.

Shir lagu qabtey magaalada Muqdisho oo isla galabta lagu qabtey doorasho kale oo ay ka soo qayb galeen xiriirada ka jira dalka ayaa ku doortey inuu Gudoomiyaha GOS noqda 4 sano ee soo socoto Mudane Muxyadiin Darbawayne, taas oo aan oran karno mid biloow u ah is qabqabsi u dhaxeeyo maamulada kajira magaalada Muqdisho, halka aan weli warka soo bixin Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya.

Waxaan sugnaaba cida maamuli doonto Sports Dalka oo aad moodo mid ka leexday ujeedooyinkii loo aas aasay iyo micnihii Sports.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka muujiyay quus iyo rajo xumo in khilaafka iyo is qabqabsiga kuwa dantooda gaarka wata inay dib u sii dhigi doonaa horumarkii Isboortiga dalka Soomaaliya oo ay la hareen dagaalada iyo maamul la'aanta ka jirta dalka Soomaaliya.

Waxaana iyana ka socda dalka iyo dibadaha sidii loo abaabuli lahaa maamulo soo celin kara sharaftii iyo sumcadii Isboortiga dalka Soomaaliya, halka beesha caalamka ay soo foodsaari doonto culays madaama kooxaha is garbinaya ay loolan ugu jiraan inay noqdaan mid gacanta ku dhigta tubada caanaha ee ka socda hay'adaha saacida dalalka faqriga ee facood ka harey sida dalkeena Soomaaliya oo ay faciis ka rebeen dhalinyaradii canshuurta laga qaadi jirey danyarta Soomaaliyeed.

Hadaba su'aasha la is waydiin karo waxay tahay khilaaf iyo ururo is barbaryaac ah iyo dad doonaya inay xoolo ka sameeyaan burburka dalka ku sugan yahay horumarin ma gaarsiin karaan Isboortiga dalka, waxaan sugnaaba waa khilaaf joogta iyo isku tanaasul la'aan iyo dhalinyaradii oo waayo dad wax u qabta.

Dadka qaar ayaa is waydiinaya hadii Faarax u dhaxlay Abkow, Abkowna u dhaxlay Wiish, Wiish-na yaa dhaxli doono doorashada soo socoto? dalkana maxay u qaban doonaan? yaase lolanka GOS ee Wiish iyo Darbowayne ku adkaan doono ka talinta garoonka Luujino?

Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalists
P.O BOX-15352-00100 Nairobi
Phone-+254-721-424242

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new