Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 



Barashadda Caafimaadka: Caadka Indhaha ( Cataract).

Maqaal 21 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP


Caadka indhuhu (cataract) waa caad fuula leniska (lens) isha/qaybta isha ee nalku ka gudbo taasoo keenta in araggu dhib noqdo. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada indhoodba. Caadku waxa uu caam ku yahay dadka waaweyn.

Qodobada Halista ee Imaanshaha Caadka
Halista imaanshaha caad indhaha fuula waxa uu la kordhaa da’da.
Qodobada kale ee halista waxa ka mid ah:


Qaar ka mid ah cudurada iyo sonkorta/sonkorowga
Sigaar-cabista
Isticmaalka khamriga
Iftiinka cadceedda oo si badan kugu dhaca

Calaamadaha Caadka Indhaha
Calaamadaha caadka indhaha fuula si tartiib ah ayuu mudo dheer u sameysmi karaa.

Arag caad saaran yahay ama isku darsan
Waxa la arkaa iftiin ku wareegsan laydhka ama nalalka ama laydhka/nalalka ayaa si weyn u cad
Aragga habeenkii oo xun
Aragga oo ah laba-laba
Midabada oo aad moodid kuwa khafiifay

Daryeelkaaga
U tag dhakhtarka indhaha haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaa. Dhakhtarkaagu waxa uu sameyn doonaa baadhitaan indho si uu u baadho dhibaatooyin. Haddii dhibaatooyinkaaga araggu ay qas galiyaan hawlo maalmeedkaaga, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo qalitaan. Qalitaanku waxa uu saaraa leniska caadka leh waxana uu ku beddelaa lenis artifishal ah ama la sameeyay. Adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii qalitaanku yahay daweynta kuugu fiican.

Waxa laga yaabaa in leniskaaga si tartiib ah mudo dheer caad u fuulo, sidaa daraadeed waxa laga yaabaa inaanad u baahan qalitaan mudo sannado ah. Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu ku taliyo muraayado indho oo cusub, iftiin ka cad intii hore oo aad isticmaashid, muraayadaha qoraxda ee baajiya cawarista qorraxda ama leniska weyneysada ah si loo hagaajiyo araggaaga. U hubso in laguu sameeyo baadhitaano indho oo joogto ah si adiga iyo dhakhtarkaagu uga hadashaan goorta qalitaan loo baahan yahay.

Sida Loo Badbaadiyo Araggaaga

Haddii aad jirtid 60 ama aad ka weyntahay, ha laguu sameeyo baadhitaan indho oo leh weyneyn ugu yaraan hal mar labadii sannadooba.

Cun cagaar badan, khudaar iyo cuntooyin kale oo badan oo leh ‘antioxidant’.

Gasho muraadaha qorraxda iyo koofiyad si aad isaga ilaalisid iftiinka qorraxda ee ah ‘ultraviolet’.
Maamul sonkorta/sonkorowga aad qabtid adiga oo la kaashanaya dhakhtarkaaga iyo nafaqo-yaqaan.
Iska jooji sigaar-cabista.
Iska jooji khamriga.

By Somalidoctor
Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

 

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new