Fariinta WC
21 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Booqo
Waagacusub English Site PhP
STD-yada waxaa sidoo kale
loo yaqaannaa cudurrada xubnaha galmada.
Waxaa sababa jeermis ku nool maqaarka ama dheecaannada
jidhka sida shahwada, dheecaanka siilka ama dhiigga.
Jeermiska waxaa gudbiya qof bukka badanaa siday uga
gudbaan, waa isu ag/galmo, maqaar, dhiig, ama dheecaan
jidh.
Jeermisyadaan waxay jidhka ka geli karaan siilka, afka,
futada, iyo boogaha ama meelaha dillaacsan ee furan.
STD-yada laguma faafiyo is taabasho caadi ah, barkadaha
dabbaasha ama ku fadhiisashada fadhiga musqulaha.
Calaamadaha STD-yada
Calaamaduhu waxaa laga yaabaa in ay ku dhacaan maalmo,
toddobaadyo ama bilo marka cudurku qofka ku dhaco. Ragga
iyo haweenka qaarkood ma laha calaamado laakiin waxay qabi
karaan STD waxayna u gudbin karayaan dadka kale.
Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:
• Gubasho marka la kaadinayo
• Nabro ku sameysma cowrada sida dillaacyo ama toxobeysi
• Xonqorro
• Finan yaryar oo ka soo yaaca jirka
• Dheecaanka ka yimaada guska ama siilka
• Xanuun uur ku jirta ah, badanaa haweenka ku dhaca
Noocyada STD-yada
• Jabto/jabti
• Waraabow
• Herbis (Herpes)
• Kalaamiidiya (Chlamydia)
• Beer xanuun
• Cudurka loo yaqaano aydhiska
• Human Papilloma Virus (HPV ama xonqorrada cowrada)
• Jankaroyd (Chancroid)
Ka hortagidda STD-yada
Ka fogaanshada, ama xiriir galmo la’aan, ayaa ah habka ugu
wanaagsan ee hortago faafidda STD-yada.
Baaritaanka
Waa in lagaa baaraa STD-yo haddii:
• Aad sameysay galmo aan sharci aheen.
• Aad dad la wadaagtay irbado si aad isugu durto
mukhaadaraad ama galmo sameysay qof dadka irbadaha la
qaybsada.
• Aad dareemeyso in aad la kulantay ama leedahay
calaamadaha STD.
Waxaa STD kaa baari kara takhtarkaaga ama waaxda
caafimaadka deegaanka.
Baaritaannada STD-yada waxaa badankooda loo sameeyaa si
qofka lagu garanin.
Daryeelkaaga
STD-yada badankooda waa la daaweyn karaa. Qaarkood waa la
daaweyn karaa laakiin qaar ayaan la daaweyn karin.
Daawooyinka waxaa loo isticmaali karaa si ay gacan uga
geystaan calaamadaha cudurkana uga celiyaan inuu ka sii
daro.
Iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga:
•Ka fogow xiriiro galmo ilaa aad adiga iyo lammaanahaaga
la idin daweeyo.
•Antibiyootikada u qaado sida lagu faray ilaa lagaa
daaweeyo. Hubso in aad qaadatay dhammaan daawooyinka
takhtarkaagu kuu qoray.
•Marka aad dhammaysatid antibiyootiga, sadex todobaad ka
dib takhtarkaaga ballan ka qabso si laguugu celiyo
baaritaankii.
•Ku soo noqo Waaxda Gargaarka Deg-degga ah ama wac
takhtarkaaga haddii calaamadahaagu ka sii daraan ama
qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C ay ku
qabato.
Waxaa jira halista dhibaatooyin kale iyo cudurro kale oo
daran haddii aadan helin daaweyn ama aad qaadato daaweyn
aan dhammeystirneyn.
Takhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii aad wax
su’aalo ama walaac ah qabtid.
--------------------------------------------------------------------------------
Soo
gudbinta:SomaliDoc
Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed
Somali Medical Association.
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new