Maqaal 20 Fabaury 2009
Waagacusub Media
Booqo
Waagacusub English Site PhP
بسم الله الرحمن
الرحيم
Qoraal uu qof saxafi ah qalinka uqaato oo uu misana kusoo
bandhigo aaladaha warbaahinta ma ahan mid sahlan oo meel
yar taabanaya waana mid yeelanaya saameyn balaaran oo
marna dhibaato abuuri karta marna hirglinkarta jawi
nabadeed oo farxad galisa bulshada dhexdeeda.
Mudadii kudhawaad labaatanka sana aheyd ee uu dalkeena
hooyo ee soomaaliya ku jiray nidaam darida iyo burburka
waxaa bulshada loosoo bandhigayay qoraalo qaar badan oo ka
mid ah sii kala fogeynayay shacabka soomaaliyeed
qaarkoodna lagu tilmaamikaro in ayba ka darnaayeen
madaafiicdii sida arxan darada aheyd loogu garaacayay
shacabka soomaaliyeed waayo madfac meesha uu haleelo
dadkii jooga unbuu laayaa laakiin qoraalkaan dhiiga
xambaarsan waxa uu kiciyaa kumanaan iyo kumanaan qof oo
markaas si caro leh ku dagaalgala meeshaasna waxaa kasoo
baxeysa kumanaan madfac oo bulshada lagu garaaco.
Dhinaca kale lama xaqiri koro in ay jireen Suxufyiin
qalinka uqaatay sidey bulshada utusaaleyn lahaayeen
muhiimada nadadda iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatada
argagaxa laheyd ee ku habsatay dalkeena hooyo waana hubaal
in ay jiraan suxufiyiin reebay qoraalo taariikhda galay oo
ka tarjumayay danta dadka iyo dalkaba.
Hadaba hadii aan usoo daadago muhiimada maqaalkeygan Waxaa
maalmahaan danbe aad u soo badanaya qoraalo ay Qorayaan
dadka wax qora qaarkood kuwaasi oo marka aad aqriso
durbaba aad ka dhadhamineyso waxyaabo aan wanaagsaneyn oo
maanta oo lagu tilmamikaro maalintii ugu rajada
wanaagsaneyd shacabka soomaaliyeed wali kasii tarjumaya
waxyaabo laga tagay oo ku dhisan qof jecleysi iyo
qabyaalad kuwaas oo ahaa kuwii lafdhbarka u ahaa baabi'ii
inagu dhacay, hadii aan nahay Bulshadda wax Qorta waxaanu
ognahay in Saxaafaddu ay tahay MIDDI LABO AF LEH oo aan
ula jeedo in loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka
xun labadaba qofka Suxufiga ahna waxaa wanaagsan in uu
dhanka xun uusan adeegsan waayo waxuu ku hadlayaa afkii
umadoo dhan oo wixii uu qoro waxaa dhici karta in eey
kiciso shucuurta dadka halkaasna ay ka bilaabato colaad
markale laharta iftiinka wanaagsan ee haatan noo
bidhaamaya ee kasoo baxay shirkii jabuuti ee lagusoo
yagleelay dowlada midnimada qaran waxaanan ku arkay
warbahinta qaarkood qoraalo badan oo lagu falanqeynayo
mas'uuliyiinta dowlada iyo waliba jagooyinka aan wali la
magacaabin kaasi oo si qabyaaladeysan lookala
tilmaansanayo waano caado aad moodo in aysan wali inaga
harin in ugu horeyn mas'uulka lamagacaabo la isweydiiyo
cida uu yahay iyadoo aan ognahay dadka soomaaliyeed in ay
yihiin dad aan badneyn oo dhinac kastana isaga mid ah sida
jinsiga, diinta iyo dhaqankaba.
Aqristoow waa hubaal in qofkasta oo qoraa ah ay saran
tahay waajib ah inuu u adeego bulshaweyntan daalan ee
soomaaliyeed isla markaana meediyaha loo isticmaalo sidii
indhaha dadka iyo dhagahoodaba loogu weecin lahaa dhanka
wanaagsan ee nabadda mar hadii la helo nabad waarta iyo
maamul wanaagsan waxaa la gaari doonaa xili si fiican loo
xisaabtamo loona turxaanbixiyo taladda dalka dadka eey ku
wanaagsan tahay iyadoon qabiil loo fiirineeynin, qofkasta
oo u adeega saxaafadda ama wax qorana waa inuu ogaadaa in
maalin aan maantey aheyn ay taariikhda xusi doonto.
Waxaa wax lagu farxo ah ku dayashana mudan maqaal uu qorey
qoraaga Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo uu ciwaan uga
dhigay (Raisal wasaaraha Soomaaliya oo noqdey Ninka kaliya
ee Ciyaalka xaafadda ah) waxaa laga yaabaa ineey dad badan
is weeydiiyaan waxa uu ka wado Qoraaga ciyaalka xaafadda
inkastoo laga yaabo dadka qaar aan ku dhalan xaafadaha
magaalada muqdisho ama ku soo korin iney si qaldan u
fasirtaan waloow dadkii daganaa magaalada muqdisho ka hor
burburkii sida la ogyahay eysan isku beel
aheyn qabiilkasta oo soomaaliyeedna laga heli jirey
Magaaladda Muqdisho maadaama ay aheyd Magaalo Madaxdii
Wadanka dhalinyaradda reer Muqdishana dagaaladii ka hor
aysan sheegi karin qabiilka ay u dhasheen, run ahaantii
ereygaas waxaa ku duugan murti aad u weyn oo ah sida uu
qoraagu u doonayo in dadka Soomaaliyeed maskaxdooda
qabiilka la qabsatey looga baabi,in lahaa waa wax lagu
farxo markii la is weeydiiyo qofkaasi yuu yahay hadii
jawaabtu noqoto waa ciyaalka xaafaddeena ama qofkaasi waa
ciyaalka xaafad hebel,qoraayaasha ku talo jira ineey weli
qoraalkooda ku soo cadeeyaan qabiil hebel waxaan kula
talin lahaa waan soo aragnay qabiil dhibaatadiisiiyee in
eey wax ka badalaan qoraaladooda sababtoo ah wexey ugu
horeeyaan dadka maanta laga sugaayo ineey la dagaalamaan
jahliga iyo qabiilka ayna bulshada wax wanaagsan ku soo
kordhiyaan sida qoraa Fiyoore oo maanta mid ka mid ah
maqaalada taariikhda galaya usoo bandhigay bulshada, qofka
uu ka hadlayana usameeyay maanta mushtamac aad ubalaaran
oo taageerayaal ah oo aan qabiil laheyn oo ah intii kusoo
barbaartay ciyaalka xaafada.
Marka aad fiiriso habdhaqanka dadyowga hore umaray waxaad
ku arkeysaa in ay ku dhaqmaan is gobaleysi iyo is
xaafadeysi halkii ay kaga dhaqmi lahaayeen isku urursi
qabyaaladeed oo aad qofkii dariskaaga ahaa kaga xigsato
qof aad maanta isbarateen oo isku isir hore aa tihiin "Alla
wanaagsanaan laheydaa hadii howshu inoo wada ahaato sida
qoraa fiyoore uu sheegay ee ciyaalka xaafada"
Si kastaba arintu ha ahaateen qoraayaasha soomaaliyeed
waxaa lagudboon maanta in ay iyagana dhinacooda iska
ilawaan waxyaabihii lasoo maray ayna ogaadaan in maanta
lagaaray waqtigii ay dhigi lahaayeen qalinka dhiiga leh
badalkiisana ay qaataan qalin cad oo waxii lagu qoro ay
usoo carfeyso qofkii aqriyaa ayna si isku mid ah usoo wada
jiidaneyso dadweynaha soomaaliyeed marka taas la sameeyana
waa hubanti in dadka kale ee nabad diidka ahna ay qaadan
doonaan nabadda mar hadii aysan heleyn qoraa buunbuuniya
beentii iyo balaayadii ay usheegi jireen dadka
soomaaliyeed.
waxaan qormadeyda ku soo gunaanadayaa Qoraaga wanaagsani
waa midka markasta qora ama cabira xaaladda ugu wanaagsan
ee dalkiisa ugana diga dadka w
waxyaabaha xunxun isla markaasna tusa Wadadda Wanaagsan
sida ku dhaqanka Shareecadda Islaamka Wadaninimo Nabadd
Horumar wax soosaar Midnimo IWM

W\Q Fardowsa sh xasan Kuuriya
fardowsok@hotmail.com
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new