Somalia:No
government no ceasefire, Islamist leader says.
By Dahir
Alasow
Clickhere
Somalia:Worst
drought hit Galmudug regions.
By
Dahir Alasow
Clickhere
Somalia:MSF-Holland
suspends aid in central Somalia
By Dahir
Alasow Clickhere
Somalia:
opposition warns government against deploying troops
By Dahir Alasow
Clickhere
Somalia:
France offers to train 10,000 Somali soldiers By
Dahir Alasow
Clickhere
Somalia:
Kenya seizes vehicles carrying Somalis at border By
Dahir Alasow
Clickhere
Somalia:
Al-Shabab imposes curfew in southern town By
Sunni Said
Clickhere
Somalia:
Burundi opposition urges troop pullout of Somalia By
Sunni Said
Clickhere
Mukhtaar Roobow oo weji cusub hadlay
Mogadishu
2March 2009 Waagacusub
Media
Afhayeenka Xarakadda Khawaarijta Shabaab Mukhtaar Roobow
Cali ayaa markii ugu horeysay jeediyay hadal ka turjumaya
inuu xeeradda salkeeda taabtay,kana xanuunsanayo gefafkii
ka dhacay kooxdooda ee ay kula kaceen dad aan waxba
galabsan iyo falal ka baxsan Diinta Islaamka,Xaquuqul
insaanka iyo Somalinida guud.
Mukhtaar Roobow oo wareysi dheer siiyay telefishinka
AlJazeera wuxuu uldheer isaga fogeeyay Fagashadii xabaalaha
culumadda,goowracii ninkii ay ku dileen Daaynuunaay,ku
xirnaanshaha Shabaakadda AlQaeda iyo dilalka qorsheeysan
ee ay kula kacaan cidii aragtidoo khilaafta.
" Fagashadii Khabuuraha ee Kismayo Xarakadeena
shaqo kuma lahayn waxaana fuliyay kooxaha Caanoole,Kambooni
maxaa yeelay waxaa ka jira maamul sedex geesooda"ayuu
yiri Mukhtaar Roobow oo dhinaca kale xusay inuu ku talinayo
inaan lagu deg degin khabri fagashada oo dib loo dhigto
hadii ay sababi karto in qabiiladda hub qaataan oo dhiig
badan ku daato.
Roobow oo hadalkiisa u muuqday mid uu ku muujinayo inuu
weji cusub hadlayo waxyaabaha ugu fadeexada badan ee
uu been hadlay waxaa ka mida isagoo inkiray inay ka
mid yihiin Shabaakadda AlQaeda wuxuuna dhinaca kale
xusay inay dhaqaalo ka helaan dalal shisheeye.
Keeydka Warbaahinta Waagacusub waxaa ku jira Abuu Roobow
isagoo leh,waxaanu ka mid nahay AlQaeda waxaana tageeynaa
ilaa Alaska hasse yeeshee wuxuu Wareysigiisa AlJazeera
ku xaaraantinimeeyay inay tegayaan Alaska iyo meel kale
wuxuuna si baarinimo ka muuqato u yiri " Diinta
xoog maaha,in dadka xoog ku soo galaana suurtagal maaha,anigu
waxaan nabadeeynayaa Baydhabo kadibna waxaan u gudbayaan
Diinsoor waana la yaabay ninkii lahaa waxaan weerareeynaa
ilaa Alaska"
Hadalka Roobow sida muuqato wuxuu xambaarsanaan karaa
ujeedooyin badan.
1- Inuu ka sii baxayo Xarakadda Khawaarijta Shabaab
oo uu doonayo inuu noqdo madaxa maamul goboleedka Bay
iyo Bakool.
2- Inay Khawaarijtiisa yaqiinsadeen kacdoonada dadweyne
ee lagu fahmay inay yihiin kooxaha u adeegaya danaha
AlQaeda kana turjumeyn diin Islaam iyo Somalinimo sidaas
darteedna uu doonayo inuu bulshada qaldo,kuna maaweeliyo
erayo aan dhaafsiisneen kalxamahiisa,ama afka baarkiisa.
3- Inuu tixgelinayo codsigii Culumadda Soomaaliyeed
ku waydiisteen inuu beeniyo ku xirnaanshaha AlQaeda,uuna
ku biiro dowladda cusub ee Shariif Sheekh Ahmed si looga
saaro liiska argagixisada ee Xukumadda Washington gelisay.
Si kastaba Wareysiga Mukhtaar Roobow Cali waxaa turjumay
qoraaga weyn ee Sabriye Macallin Muuse oo jooga Minnesota,wuxuuna
ciwaan iga dhigay:-
ABUU-MANSUUR: BEENLOW MISE NIN LAGU BEEN ABUURTAY?
Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow
Cali (Abuu-Mansuur) wuxuu dhowaan xaruntiisa Bayshabo
waraysi ku siiyay barnaamij lagu magacaabo Liqaa’ul
Yawm (kulanka manta) oo ka baxa taleefishanka Al-Gezira
qaybtiisa Carabiga.
Waraysiga Abuu-Mansuur oon hubo kolka ay dad badani
dhegaystaan ama akhristaan inuu ka yaabin doono, ayna
isweydiin doonaan su’aasha ah: Sheekhu ma beenlow baa
mise waa lagu been abuurtaa?.
Haddaba waa kan waraysigii ee akhris wacan:
Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur hadda annagu
waxaan joognaa magaalada Baydhabo. Ciidamadii Itoobiyaanku
way bexeen ciidamo ka socda dowladda kumeelgaarka ahina
ma joogaan magaalada dhexdeeda. Daqiiqadaha iminka la
joogaa maxay idiinka dhiganyihiin, sideese u qiimayn
kartaan?
Abuu-Mansuur: Mujaahidiintu meel kastoo
ay joogaan gaar ahaan mujaahidiinta Soomaaliya jooga
waan u bishaaraynaynaa. Sidoo kale waxaan u tacsiyaynaynaa
qoysaskiii shuhadadii ku shahiiday xoreynta magaalada
Baydhabo. Wixii aan u dagaallamaynay way dhaboobeen,
waxayna tani bishaaro weyn u tahay muslimiinta caalamka
oo nagu kaalmeeyay dareenkooda iyo ducadooda, nana siiyay
talooyin iyo weliba qaar kamid ah oo na siiyay taageero
dhaqaale. Kuwaas waxaan ku leenahay: Bishaaro, rugtii
riddadu maanta gacanta mujaahidiinta ayay ku jirtaa,
waana in aan ogaanno in cadawgu aanu ku bixin rabitaankiisa
ee uu ku baxay weerarrada mujaahidiinta dartood. Generaalkii
Itoobiyaanka ahaa ee u yimid inuu qaabeeyo ciidamada
una diyaariyo sidii ay u bixi lahaayeen isagoo dadkii
iyo madaxdii joogtay madaxtooyada Baydhabo wuxuu yiri:
(Halkaan markaan ka tago oon saacad keliya kasii maqanahay
Mukhtaar Rooboow ayaa ku fariisan doona). Kurisgii kuma
aanan fariisan maxaa yeelay kuwii isku magacaabayay
dowladda ayaa boobay kuraastii iyo dhammaan hantidii
dowladda ee magaalada taallay. Magaaladii waan soo galnay
waxana maanta Alle mahaddiis lagu dhaqaa shareecada
Ilaahay. Waxan dareemaynaa wixii aan u dagaallamaynay
inay dhaboobeen, dadkuna waxay ku jiraan nabad iyo xasillooni.
Suurtagal ma ahayn maanta kahor in aad mobile-kaaga
suuqa ku dhex qaadato, mana aadan awoodi karin in aad
magaalada habeenkii dhex socotid. Maanta waxaad awooddaa
inaad wixii aad doonto qaadato waqtigii aad doontana
socoto.
Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maxaa loo
aasaasay, muxuuse kaga duwanyahay dhaqdhaqaaqyada kale
ee ka jira Soomaaliya?.
Abuu-Mansuur: Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
waxa uu aasaasmay waqti aan fogayn keddib markii dadka
qaar ay kasoo laabteen dagaalkii Af-Ghanistaan, lana
jebiyay dowladdii Dhaalibaan. Rag kamid ah dhaqdhaqaaqyadii
Islaamiga ahaa ee dalka gudihiisa joogay ayaa kulmay.
Raggaasi waxay dareemayeen in dhaqdhaqaaqyadoodu ay
gaabis yihiin gaar ahaan wixiiba ku saabsan jihaadka.
Waxa jiri jiray dhaqdhaqaaqyo islaami ah oo Soomaali
ah oo isku deyay inay jihaadaan, laakiin waxa kahor
yimid caqabado fara badan, markaas bay iska daayeen.
Raggii dhqdhaqaaqyadaas ku jiray oo isku daygaas hore
sameeyay baa kulmay, go’aanna ku gaaray inay aasaasaan
dhaqdhaqaaq jihaadkana gala diintana fidiya oo jihaadka
iyo diin fidinka isku dhinac wada. Arrinkaasi wuu dhaboobay
Allena wuu barakeeyay dadaalladaas, raggaasina waxay
burriyeen maleegyo gaalo waddo oo fara badan oo dadkaan
lala maagganaa. Rag badan oo dhaqdhaqaaqaan ka tirsanaa
Alle wuxuu u doortay inay dartiis u shahiidaan. In ka
badan toban qof oo kamid ahaa raggii dhaqdhaqaaqaan
aasaasay manta waa shuhado. Waxaa kamid ah walaalkeen
Sheekh Ibraahim Xaashi, walaalkeen Abuu-Qutayba, walaalkeen
Macallin Aadan Xaashi (Ceyroow), walaalkeen Cumar Dheere
(Abuu-Jabal) . Qaar baran oo kamid ahaa raggii goobjoogga
ka ahaa kulankii lagu aasaasay dhaqdhaqaaqu way shahiideen,
qofkii kamid ah oo noolina wuxuu ku dadaalayaa inuu
ku dhinto wixii ay ku dhinteen kuwii isaga ka horreeyay.
Dagaalladii ugu horreeyay ee shacbigu uu ku bartay dhqdhaqaaqa
mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ahaayeen dagaalladii
argagixiso la dirirka ee ay hoggaaminayeen sagaalkii
dagaal ooge, kuwaas oo la heshiiyay Maraykanka. Dagaal
oogeyaashaasi waqtigaas intay afduubaan islaamiyiinta
ayay u gacan gelin jireen maamulka Maraykanka, iyagoo
usii marsiinaya xafiisyo uu ku leeyahay dalka Jabuuti.
Waxaa kamid ahaa laba laga afduubay guriga Aadan Ceyroow.
Mid kamid ahi hadda wuu joogaa wuxuuna ka qaybgalaa
jihaadka, kii kalena Hargeysa ayuu ku xiranyahay. Haddaba
kuwaasi markii ay ku talax-tageen ka ganacsiga muslimiinta
bay mujaahidiintu go’aansadeen inay la dagaallamaan,
waxayna weerareen Airporradii ulajeeddooyinkaas loo
isticmaali jiray, dadkii gacantooda ku jirayna iyagoo
bedqaba bay kasoo furteen. Markaas keddib waxa billaabmay
hawlgalkii wadajirka aan u fulinnay annaga iyo maxkamadihii
islaamka. Taageerada shacbiguna qaybweyn bay ka qaadatay
soo afjariddii dagaalka. Hawlgalkaas keddib dhaqdhaqaaqa
Al-Shabaab wuxuu noqday mid can ka ah dalka.
Al-Gezira: Waxaa jira dad dhahaya waxad xiriir
la leedihiin ururka Al-Qaacida, arrintaas dhabteedu
maxay tahay?.
Abuu-Mansuur: Xiriirka naga dhexeeyaa
waa xiriirka qofka mislinka ah kala dhexeeya walaalkiisa
muslinka ah, caqiiqada muslinkana waxa dhuuxeeda kamid
ah Al-Walaa’u wal-Baraa (La jir iyo ka jir) oo ah in
aad ka fogaato gaalada oo aad xiiririso muslimiinta
oo dhan oo aad jeclaato. Waa kaas xiriirka nagala dhexeeyaa.
Way noo duceeyaan, waaanan u duceyanaa. Mararka qaar
waxay Internetka ku baafiyaan talooyin aan wax badan
ka faaideysanno ama farriimo ay Internetka inoosoo mariyaan
oon aad ugu faraxno, waxana ugu dambeeyay cajalkii uu
soo diray walaalkeen Abuu-Yaxya Al-Liibiyi. Hadalka
caynkaas ah markaan maqalnana aad baan ugu faraxnaa.
Ma jiro xiriir dhow oo keenaya in aan iyaga kamid nahay
ama iyagu ay naga mid yihiin, laakiin waynu iska tirsannahay
marka laga eego inay muslimiin yihiin. Iyagu waa mujaahidiin,
cadawgeennuna waa mid, Maraykanka ayay la dagaalaan
annaguna waan la dagaalnaa, gaalada kale ayay la dagaalaan
annaguna waan la dagaalnaa, waxay doonayaan inay shareecada
Alle dhulka ku fuliyaan annaguna sidoo kale, waxan diidaynaa
xuduud beenaadda uu isticmaarku sameeyay oo u diidaysa
qofka Ciraaqiga ahi inuu Jordan tago, Sacuudiguna Yaman
tago, waxanan codsanaynaa in dalalka Islaamka la mideeyo,
ayaguna sidaas bay doonayaan. Waxa jiraa waa uun intaas,
laakiin urur ahaan kama tirsanin, laakiin aad ayaan
u jecelnahay.
Al-Gezira: Dhaqdhaqaaqiinnu yoolalka uu hiigsanayaa
ma u kala horreeyaan?
Abuu-Mansuur: Shareecada Islaamku waxay
wax ku xukuntaa kitaabka, sunnada, wada-jirka Culumada
(ijmaaca) iyo cabbirka (qiyaasta). Annagu waxyaabahaas
oo dhan waxaan ugu dhaqannaa sida ay yihiin, laakiin
sidii khilaafada Islaamka loosoo celin lahaa, waxan
taas ku gaaraynaa diin fidinta iyo xisaabtanka iyo jihaadka.
Dadka waxan u caddaynaa waddada saxda ah, waanan iska
leexinnaa cid kasta oo diin fidintaas hor istaagta,
waxanan sidaas kusoo celinaynaa khilaafadii Islaamka,
arrintaas soo billaabashadeediina hadda way muuqataa
oo Baydhabo shareecada Alle ayaa laga fuliyaa.
Al-Gezira: Sida aad sheegayso hadduu arrinku
yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama Alaska in la gaaro
oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna
maanta kuwa ugu horreeya?.
Abuu-Mansuur: Anigu magaalada Baydhabo
ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa
ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa
Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada
ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna arrimuhu u soconayaan.
Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa
ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka
Al-Gezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas
ka gudbiyeen nin xamaasadaysan isagoo leh shareecada
ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen
rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii
sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay
dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina
ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad aynaan garanayn,
laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno
in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan
dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid
lagu soo galo ma aha. Dhanka qabuuraha, meelaha uu dhaqdhaqaaqa
mujaahidiinta Al-Shabaab keligiis xukumo waxa ku yaal
qubuuro, hana rumaysannina haddii la idin yiraa waa
la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma waafaqsan tahay
mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh.,
waana la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro.
Annagu waan naqaannaa waxa kutubta ku qoran, laakiin
arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa
wax kale. Waxaad ogtihiin in shareecada Islaamku ay
ahmiyad siiso masaalixda (waxa ay danta guud ku jirto)
iyo mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya). Waxa aan
samaynayno waa in aan hubsannaa samayntoodu ma habboon
tahay maanta mise maya. Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha
(RC) ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu ahaan lahayn dad
ay diintu ku cusubtahay, Kacbada intaan dumiyo ayaan
ku dul dhisi lahaay tiirarkii uu Nabi Ibraahim (CS)
taagay) (Sunan At-Tirmidi). Rasuulku (SCW) wuu ka joogsaday
inuu Masjidka dhiso waxana u bannaanaa inuu dadka oo
diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar ah ku eego. Wuxuu
arkayay in dadka loo dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo
marxalad dadka oo dhami ay fahmi karaan waxyaabahaas
ay diintu farayso oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu ku diiday
qofkii soo jeediyay in la dilo munaafiqii Cabdullaahi
ibni Ubay si aan loo dhihin Maxamed asxaabtiisuu laayaa.
Waa inaynu daryeelnaa masaalixda iyo mafaasidda oo haddii
munkarka (waxa aan fiicnayn) oo dadka laga reebayo uu
ka dhalanayo munkar ka weyni dadka laga reebi mayo.
Haddii tusaale ahaan qabri dumintiisu ay keenayso in
qabaa’ilka qaarkood ay hub qaataan oo dhiig xaaraan
ah la daadinayo dhibaatana ay ka dhalanayso, waxa waajib
ah in aan la degdegin oo arrinka dib loogu dhigo waqtiga
ku habboon ilaa iyo inta ay dadkaasi arrinka dhanka
diinta uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay ka dhacday Kismaayo,
waxana ka jira maamul saddex geesood ah; Mucaskarka
Raas-Kambooni, walaalaha maamulka Caanoole iyo dhaqdhaqaaqa
Al-Shabaab, nidaamkaasina waa mid madax bannaan oo go’aamadiisa
lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo kala jeeday. Waxaynu
aaminsan nahay in si tartiib tartiib ah hore loogu socdo.
Fiiri, xitaa markii Khamrada la xarrimayay arrinku wuxuu
maray saddex marxaladood: (Waxay wax kaa weydiinayaan
Khamrada iyo Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa ku jira
dembi weyn iyo waxyaabo dadka anfacaya) (Suurat Al-Baqara:
219). Marxaladdii labaad waxay ahayd: (Salaadda ha’u
dhowaannina adinkoo sakhraansan ilaa aad kala garataan
waxa aad sheegaysaan) (Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina
((Kuwa xaqa rumeeyayow Khamrada, Khamaarka, Sanamya
caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal Shaydaan
ahe ka fogaada aad liibaantaane.) (Suurat Al-Maa'ida:
90). Waa kuwaas waxyaabaha ay diinteennu ina farayso.
Al-Gezira: Waxa aan kaa maqlayaa aad buu uga
duwan yahay waxyaabaha aan dhaqdhaqaaqiinna ka maqlo
oo waxa la idinku eedeeyaa xagjirnimo tan ugu sarraysa,
isla marka la idin khilaafo dil baa waajibaya, ee ma
qaab hadalkiinnii bay wax iska beddeleen?.
Abuu-Mansuur: In aan sidan (dandarrida
ah) u muuqdo oo aan reerkaygii iyo carruurtaydii ka
maqanahay iyo in aanan daar iyo dirham toona adduunyadan
ku lahayn, aniga oo weliba awooda in aan ganacsado oon
maal tacbado sida dadka kale. In aan ku noolaado xaaladdan
murugsan keddibna aan berri Naarta galo Alle ayaan ka
megangelayaa arrintaas. Suurtagal ma aha in aad disho
qofkii fikir kugu khilaafa. Arrintaasi waa mamnuuc.
Wax kasta oo la sheegayaa waa dicaayado ay baahinayaan
cadawga Alle. Annagu usbuucyo ayaan magaaladaan joognay,
mana lagu dilin qofna marka laga reebo hal nin oo hooyadiis
dilay, intaanan imaanna maalin kasta tobanaan dad ah
ayaa lagu dili jiray. Sideen u dilaynaa qofkii ra’yi
nagu khilaafa annaga oo cafinnay kuwii shalay nala dagaallamayay.
Nabigeennu (SCW) markuu Makka galay oo uu goobta isugu
keenay kuwii shalay bixiyay, wuxuu ku yiri: (Maxaad
u malaynaysaan inan idinku samayn doono?). Waxay ku
dheheen: (Walaal wanaagsan baad tahay uu walaal wanaagsani
dhalay). Inuu u naxariisto bay ka dooneen, wuxuuna ku
yiri: (Iska taga xor baad tihiin eh). Waa taas saamaxaadda
Islaamku. Dhab ahaantii aad baan ula yaabay waxyaabaha
Internetka lagu faafiyay. Nin Middi haysta oo mid kale
doonaya inuu gawraco oo Aayado Qur’aan ah akhrinaya
oo xitaa akhrinta Aayadaha khaldaya, keddibna waxay
leeyihiin: Dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab sidaan
buu waxyeelaa. Waxaas annagu waxba kama aannu ogin.
Aniga ayaa ah afhayeenkii Al-Shabaab waxa aan kuu sheegayo
ayaana soconaya.
Al-Gezira: Mar dhow waxa aasaasmay xisbi Islaami
ah oo uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan, diyaar ma u tihiin
inaad ku biirtaan ood xulafo la noqotaan?.
Abuu-Mansuur: Annagu mabaadi’ iyo usus
aan ilaalinaynaa jira kuwaas oon gorgortan marnaba gelayn.
Ayaga ayaa xisbigaas aasaasay nalagalamana tashan, war
badanna kama haayo, laakiin waan soo dhoweynayaa waanan
ku faraxsan-nahay iskaashigaas iyo midowgaas mujaahidiinta
dhex maray, waxanan u haystaa tallaabadaasi inay tahay
guul weyn oo muqaawamada usoo hoyatay. Arrintaas waan
fiirinaynaa waanan ka doodaynaa, keddibna waxaan qaadan
doonnaa wixii aan munaasib u aragno. Dr. Cumar Iimaan
waa nin aan ixtiraam weyn ugu hayno cilmigiisa iyo mawaaqiftiisa
ku aaddan xukuumadda baadilka ah, datoorkuna kolleey
waa nin la yaqaanno.
Al-Gezira: Wax badan baad ka hadasheen dowlad
cusub ee lagu soo dhisay Jabuuti. Sheekh Shariif Sheekh
Axmed waxa loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed isagoo
haysta taageerada shacabka iyo caalamka, maxaad u aqbali
weyseen ood ula macaamiltami weyseen?.
Abuu-Mansuur: Waxa la diiddan yahay
ma aha qof gaar ah, waxa aan diidaynaa waa manhajka
yo aasaaska lagu dhisay dowladdaas uu Shariif hoggaaminayo.
Dastuurkeedu waa dastuur gaalo ay dad ra’yigooda ku
dejiyeen dadkaas oo weliba ah kuwa dad oo dhan ugu liita
oo Alle Subxaanahu watacaalaa ugu caasin og. Waad maqasheen
inuu ku dhaartay inuu dhawri doono dastuurkaas federaalka
ah. Dastuurkaas uu ku dhaaranayaa waa dastuurkii aan
diidnay oon u dagaallannay si aan uga takhallusno. Cabdullaahi
Yuusuf ulama aynaan dagaallamin inuu gobollada Bari
kasoo jeedo, laakiin waxaan ula dagaalnay manhajkii
uu xambaarsanaa dartiis, Shariifna wuxuu doonayaa inuu
shacbiga ku khasbo dastuurkaas uuna shacbiga ku hoggaamiyo.
Waxan aaminsannahay in dowladdani ay ka liidato dowladdii
Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay Cabdullaahi Yuusuf
wuxuu sheegi jiray inu shareecada diiddan yahay, wuxuna
ku dhegganaa dastuurkiisa baadilka ah, laakiin kooxdaani
waxay leedahay; Tani waa dowlad Islaam ahoo shareecada
fulinaysa. Annagu ma taageersanin dowladda Shariif,
waxanan ula dhaqmaynaa sidaan ula dhaqmi jirnay dowladdii
Cabdullaahi Yuusuf.
Al-Gezira: Hadalkaas ma waxaan ka fahmaynaa
inaad sii wadi doontaan dagaalka aad kula jirtaan dowladda
cusub?
Abuu-Mansuur: Taas shaki kaagama jiro.
Ciidamada ajnabiga ahe jooga dhammaantood waan la dagaallamaynaa,
dowladdaan uu Shariif madaxda u yahayna iyana warkii
oo kooban waan la dagaallamaynaa ilaa iyo intay Alle
u tawba keenayaan kana laabanayaan baadilka ay ku jiraan.
Al-Gezira: Sheekh Abuu-Mansuur siyaasad wax
waliba waa ka suurtoobaan. Haddii ay Sheekh Shariif
u suuroobi weysay inuu soo dhiso dowlad Islaam ah dhib
kuma jiro hadday u suurowdo inuu dhiso dowlad kulminaysa
labada kooxood ee islaamiyiinta iyo kooxda reer galbeedka
lagu riixo si uu u gaaro guulahA auu hiigsanayo qaar
kamid ah.
Abuu-Mansuur: Allaha sarreeyaa wuxuu
leeyahay: (Xaqa iyo baadilka ha isku dheehina, xaqana
ha qarinnina adinkoo weliba og) (Suurat Al-Baqara: 42).
Alle wuxuu naga reebay in aan xaqa iyo baadilka isku
dheehno. Isu imaan maayaan dowlad Islaam ah iyo dowlad
Dimoqoraadi ah. Dowladdani waa mid Dimoqoraadi ah oo
ay usoo dhafreen Weled Cabdalla iyo kooxdiisu, sinnabana
suurtagal kuma aha inay u dhafraan oo ay ku daalaan
sidii loo aasaasi lahaa dowlad Islaam ah, dimoqoraadiyadduna
agteenna waa gaalnimo. Dimoqoraadiyaddu waxay leedahay:
Xukunka shabakaa iska leh wixii uu doono ayuuna samaynayaa,
Allena wuxuu leeyahay kuxunka cid aan Alle ahayni ma
laha. Labadaas arrimood kuwa isu imaan kara ma aha,
kani waa tawxiid kaasina waa kufri, waa xaq iyo baadil,
sidaas darteed suurtagal ma aha in la isku dheeho. Annagu
waxaan doonaynaa shareecada Alle oo turxaan baxsan wax
qashin iyo soogalooti ah aan lagu dheehin.
Al-Gezira: Waxa jira dad sheegaya in aad xiriir la leedihiin
burcad badeedda Soomaaliyeed, warkaasi ma jiraa?
Abuu-Mansuur: Waxyaabo badan ayaa nalagu
eedeeyaa waxaana kamid ah in aan dadka sabab la’aan
dilno, tanina waxay kamid tahay eedeymahaas. Annagu
ma nihin burcad badeed wax xiriir ahna lama lihin, burcad
badeeddana waan jebinnay oon ka tirtirnay biyaha Soomaaliya
xilligii maxkamadaha, adiguna taas waad ogtahay. Burcad
badeedda waxaa sameeyay Maraykanka iyo dalalka reer
Galbeedka ah. Ayagaa hubeeyay una iibiyay doonyaha iyo
qalabka kale. Waxay ka baqi jireen dhallinyarada mujaahidiinta
ah ee ka imaanaysa Sacuudiga iyo Yaman ee Soomaaliya
usoo socota. Waxay kula dardaarmeen: Isha ku haaya doonyaha
ka imaanaya dalalkaas noona soo gacangeliya qof kasta
oo Carab ah oo saaran. Maraykanka iyaga laftooda ayaa
burcad ah oo risaas ayay ku ridaan kalluumaysata Soomaalida
ah, qaarna wayba xiraan iyagoo ku eedaynaya inay yihiin
burcad, iyaga oo burcaddii dhabta ahaydna sii deynaya
oo weliba maalgelinaya. Waxaa jira burcadda cirka waana
Maraykanka. Haddaad magaaladaan shalay joogi lahayd
waxaad arki lahayd diyaaradaha Maraykanka oo hawadeenna
duulaya, guryaha iyo aqalladuna ay guuxeeda la gariirayaan.
U naxariisan maayaan qof waayeel ah iyo bukaanka isbitaallada
ku jira midna, balse waxay soo tuuraan qumbuladohooda
wax dila waqtigii ay doonaan iyo sidii ay doonaan. Burcadnimadaas
baa annaga dhibaato nagu haysa. Ayagaa ah burcad iyagaana
maalgeliya burcadnimada.
Al-Gezira: Waxa jira jihooyin badan oo soo jeedinaya
in dagaalka laga joojiyo ciidanka nabad ilaalinta Afrikaanka
ahe Muqdisho ku sugan, jihooyinkaas oo sheegaya in ciidanmadaasi
aanay ahayn kuwa dalka kusoo duulay. Waa maxay mowqifka
dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka taaganyihiin
soo jeedintaas?
Abuu-Mansuur: Horta kuwa AMISOM sheegtaa
waa Ilaah cadawgiis, wallaahina iyagaa nooga daran Itoobiyaankii.
Ma ogtihiin imisa jeer ayay xasuuq u geysteen shacabka?.
Waxa ugu dambeeyay hawlgalkii ay ku geeriyoodeen ku
dhowaad afartan shacab ah. Ma awoodaan inay yiraahdaan
nabad baan ilaalinaynaa, maxaa yeelay iyagaa burburrinaya
nabadda. Markii ciidamada Itoobiyaanku ay xasuuqa ba’an
Muqdisho ka geysanayeen isha ayay ka eegayeen maalinna
ma aysan dhihin joojiya xasuuqa, balse iyagaaba taakulaynayay,
nidaamkii riddada ahaana waxay siiyeen gawaari iyo qalab
kale oo fara badan. Sidaas darted waa cadaw waana inay
dalkeenna ka baxaan. Annagu dalkooda ma aynaan aadin,
mana aynaan qabsan. Haddii ay bixi waayaan weerarro
isdaba joog ah ayaa ku soconaya. Waxa jira hawl isqarxin
ah oo inoo diyaar ah aanan fulin doonno mar dhow Insha’allaah
ee dalkeenna haka bexeen. Midda ku saabsan in hubka
la dhigo, waxa weeye soo jeedin baaadil ah. Alle wuxuu
Nabigiisa Muxammad (SCW) lasoo diray hub. Rasuulku (SCW)
wuxuu leeyahay: (Waxa saacadda horteed la ila soo diray
seef ilaa Alle keliya laga caabbudayo irsaqaygana waxa
la geliyay warankayga hooskiisa hoostiisa) (Musnad Imaam
Axmed: 5667). Hubka oo la dhigaa waxay kamid tahay afkaarta
gaalada, kana mid ma aha hillinka toosan ee muslimiinta.
Haddaba hubka oo inta la dhigo laga tago waxa soo jeediyay
gaalada iyo Bush, arrintaasna qof caalim ah iyo qof
muslin ahi ma yiraahdaan. Iskaba daa in aan hubka dhigno
eh waxaan dadka ugu yeeraynaa inay isa sii hubeeyaan.
Rasuulku (SCW) ninkii hub la’aan ah oo uu arko hub buuba
siin jiray. Umaddaan waxa la jebiyay oo laga guulaystay
markii ay hubkeedii dhigtay ooy adduunyo cuskatay. Alle
subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay: (Kuwa gaaloobay
waxay jeclaan lahaayeen inaad hubkiinna iyo qalabkiinna
hilmaantaan ooy hal mar idin soo hujuumaan) (Suurat
Al-Nisaa': 102). Rasuulku (SCW) intuu Seef kor u taagay
ayuu yiri: (Yaa seeftaan qaadanaya). Markaas buu qof
walbaa damcay inuu isagu qaato. Wuxuu markaas yiri:
"Yaa seeftaan xaqeeda ku qaadaya?". Asxaabtii
way baqeen. Waxaa markaas istaagay Abuu-Dujaana (RC).
Wuxuu yiri: (Anigaa xaqeeda ku qaadaya Rasuulkii Alloow),
markaas ayuu qaatay. Rasuulka (SCW) markii la weydiiyay
waa maxay xaqeeduna wuxuu yiri: (Inaad gaalada ku garaacdaan).
Asxaabtu waxay dheheen: Seeftii wuxuu ku kala jeexjeexay
madaxyadii gaalada, waxayana Abuu-Dujaana u ahayd wax
lagu faano, saxaabigaa jaliilka ahina wuxuu lahaa: (Anal-ladii
caahadanii khaliilii wa naxnu fis-Safxi ladan-Nakhiili
an laa aquumad-Dahra fil-Kuyuuli Adribu bi-Sayfil-Laahi
war-Rasuuli = Aniga ayaa ah kii uu saaxiibkay igula
ballamay, annagoo gebiga iyo geed timirka agjoogna inaanan
weligay safka dambe gelin oon seefta Alle iyo Rasuulkiisa
ku garaaco).
Al-Gezira: Mahadsanid Sheekh Abuu-Mansuur,
mahadsanidiin daawadayaasheenna sharafta lahow.

Halkaan hoose ka gal si aad kulankaas Af-Carabi ugu
daawato.
http://www.youtube.com/watch?v=G9Mc03aIDaA&eurl=
http://www.hillaac.net/news.php?readmore=2802
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new