Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Somalia News: Associated Somali Journalists ASOJ
 

Faalo:Shariifka maka fa’iideysan doonaa mise? By:Saciid Nabadoon.

Maqaal19 Fabaury 2009 Waagacusub Media

Booqo Waagacusub English Site PhP


Kadib soo shaac bixidii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dadka badidiisu ay maqleen xiligii Maxkamadaha oo uu hogaamiye ka ahaa, ayaa waxaa ay keentay in hadal qurxanaanta iyo u turida dadka masaakiinta ah ee dagaaladu soo daashadeen in ay u aqoonsadaan hogaamiyaha dhabta ah ee Soomaaliya inta la xusuusto soomara.

Hadaba arinta aan korkusoo xusay ayaa waxaa ay marqaati kac u tahay habeenkii doorashada ka dhacday Jabuuti ee  Madaxweynenimada  layaab aheyd in uu helo cod aan marnaba maskaxda qaabka doorashooyinka mid kasareysa in codad sidaa u tirabadan halqof uun inuu helo iyadoo cadaalada la’dhowrayo, hadaba taasi waxaa ayka turjumeysaa rabitaanka shacbiweynaha Soomaaliyeed.

Markaan waxyar ka waramo aqoonta aan u leeyahay Madaxweynaha iyo mishaakilka colaadeed ee aafeeyay Soomaaliya, waxaan isleeyahay maanta ayey Soomaalidu waxgarteen hadey Shariifka Madaxweyne ka dhigteen.

Shacbiyada faraha badan ee uu bulshada ku leeyahay waxaa ay u dhigantaa xiligii kacaanku dalka qabsanayay, xiligaas oo aheyd xili dadku ay caafimaad qabaan iyo weliba xili uusii muuqdo raadadkii gumeysiga oo wadaniyada ayaa sareysay.

Aqristow waxaanu maanta hadaba ku jirnaa xiligaa oo kale balse mishkiladu weyka yara adagtahay, waxaa Soomaalida hortooda maanta weli ka muuqda dhibtii ay ku reebeen shacabka Soomaaliyeed ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, waxaana weli dowladdan ka dhexmuuqda kuwii shalay dalka keenay, marka taa adligeed dhibaatadu ma sahlana.

Shariif jaceylkan loo muujinayo ma’ahan inuu si qaldan u fisirto oo uu kaligii socdo, waxaa hadaba Madaxweynaha runtu ay tahay oo la’gudboon inuu doono marka hore ragii asxaabta ay ahaayeen oo uu ugu horeeyo Sh. Xassan Daahir Aweyn, Sh. Muqtaar Robow, Sh. Xassan Turki iyo kuwa kale ee muhiimka u noqonkara nabad waarta in laga helo Soomaaliya.

Dhinaca kale runtu waxey tahay waa in uu Madaxweynaha ka dhowrsadaa si kasta oo lagu baajinkaro in xal lagu raadsho xabad, hadii arintaas uu ku sifoobana waxaa ay arintu noqondoontaa mid fadhiid noqota dadkuna ay ka niyad jabaan.


Waxaan hadalkayga ku gunaanadayaa midka mida hogaamiyee kooxeedyadii Xamar hadal uu yiri oo ahaa “dowladaan miney bacnoqoto waa la bijaa miney birnoqotana waa laga leexaa”

Qore:Saciid Axmed C/waxed(Saciid Nabadoon)
said@london.com


 

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new