Ciwaanka Qormada markaad aragto
kana timid Dhulyowga uusan marin Wabigu waxaa kugu soo
dhacaya in Ciyaalka Xaafadu yihiin Daasado la tiir
tiiriyey oo aan karti dhaba laheyn mudneyna in qorma laga
qoro halka Ciyaalka Xaafadu uheystaan inta aan iyaga aheyn
qaar Qabyaalada iyo qasku Madax marey lana dhex yimid
Colaadii Ceel biyoodka Ciyaalka Xaafade dhexdooda aanse ku
xusuusiyaa Raiisul wasaaruhu waa Ciyaalka Xaafada.
Xadaarada Ciyaalka Xaafada waa mid Ilka dhacsatay tasoo
gaartay in Qabiilkii lagala yimid Baadiyaha intaanan lasoo
Reer Magaaloobin ka hor iska dhigay meel iyagoo astaan ka
dhigtay Qabiilweynaha Laan dheeraha ah ee Ciyaalka xaafada
tasoo ay isugu hiiliyaan marka ay gurmad isaga baahdaan
isugu kalmeeyaan sida iyagoo lacaga iskugu dira hadba
sidey isugu xaafad yihiin sidey dhawaan yeeleen Ciyaal
Waabari.
Somalia:Government
to establish Mogadishu security
Astaamaha ay isku aqoonsadaan marka ay wada hadlaan
waa Lahjada iyagoo durba is weydiiya Ciyaal Hodan ama
Boondheere ama Wardhiigley ama Howlwadaag midka uu
yahay,waxaana hormarkaa ay gareen mardanbeeto oo
Sideetamaadkii shuush galiyey sida uu iisheegay mid kamida
Ciyaalka Xaafada qaar badan oo ka yimid Miyiga galayna
Seeraalaha dhar magaalana xirtay kuna bilaabay Ciyaalka
xaafada dhexdooda Qabiil walow in badan oo iyaga ah lagu
godi jiray farta loona yiqiin "Galow" taasoo aheyd magac
lagu takoori jiray qaarkaa danbee Dhaqan bi`iska ku
bilaabay Ciyaalka xaafada.
Markii ay soo baxday magacaabista Ra`iisul wasaaraha Cumar
C/rashiid Sharmarke waxaa Hanbalyo is dhaafsaday dhamaan
Ciyaalka xaafada oo iyagu Tuko canbaarleh ku dhex noqday
Bulshooyinka Liqay xadaaradoodii fiicneyd waxaana ay
dareemeen guul usoo hoyatay hadey kala joogaan
Hargeysa,Waqooyiga Ameerica,Xamar,Yurub,Jamaame ama
Galkacyo iyagoo leh Ciroole,Da`a dhexaad iyo Dhalinyaro
waxaana xabadka isa saaray Habeenii guusha Cumaraani iyo
saxiibkii Qaranka iyagoo is leh "Duqa waa ujeedaa noo
Ra`iisul wasaaraha anaga waaye saxiib,Ciyaalka xaafada waa
ugu jirtaa lakiin Ra`iisul wasaaraha waa usheegeynaa
Shariifka haku Dhooreyn aan leenahay Macalinkan Nabaduu
rabaa noo?",damaashaadyada la qaban qaabinayo ee ay wadaan
Beelweynta Ciyaalka xaafada oo leh Jareer iyo Jileec ayaa
laga wadaa daafaha Dunida iyo Dalkeenaba iyadoo
Farshaxaniistaha Caan baxay ee Amiin Caamir oo kamida
Beesha Ciyaalka xaafada uu isagu sii hormarsaday Hanbalyo
maadama Ciyaalka xaafada loo diiday maanta ka hor masiirka
hogaaminta Dalka laguna dhaho markey shirka beesha tagaan
"waxaan aan Dhiiga laheyn yaa Shirka Beesha uga yeeray".
Ciyaalka xaafada waxaa ay isku mashquuliyeen dhowr iyo
tobankaan sano ee aynu colaada ku jirno in ay Madax ka
noqdaan Ururada Isboortiga ee ka dhisan Dibada iyo qaar
gudaha kamida waxeyna ku caajiseen Sheekada Qabiilka
taasoo aad arkeyso meelaha ay fariistaan Ciyaalka Xaafada
kuwa kusoo dhex dhuunta furana sheeko Qabiil kuwaa oo lagu
yiraahdo" Duqa Idinka wali Dilowgii lee maa rabtiin maxaa
mala noogaaya miyaa annaga Qaxootinimo maan Cimrigeen ku
dhameysaneynaa yaaqeey"?, waxaan ogahay qaar badan oo aan
aheyn Ciyaalka xaafada in ay durba ufasiranayaan sidey
jeclaayeen ama leeyihiin malaha Qoruhu waa ujeeda badan
sheekadiisa ee Ciyaalka xaafada maahan waxaase arinkaa iga
kaafinaya Odey C/dulle oo aan wareysi kula yeeshay Labadii
kun iyo Labadii Caasimadeena Muqdisho isagoo ay is fahmi
waayeen soogalootiga waayeyna hanaankii uu ku sharfanaa
yirina" Reer baadiyaa reer Magaal qabsadhay, kuwakalaa sii
qabsadhey, hadana kuwa kalaa sii qabsadhay,waa la sii
qabsadhay hadane waa la sii qabsadhay tan iyo waaga waa
socotaa".
Ra`iisul wasaaraha Ciyaalka xaafada waxaa horyaal caqabada
badan tasoo ay uweyn tahay cirif ilaa cirif Dalkeena oo ay
hantiyeen dadyow aan hore umagaaleysneen Maamulana
Dagmooyin,Ma`mul Goboleedyo iyo Tuulooyin, waxaa kaloo
sugaaya Afhayeena Qabiil,Afhayeeno Ururo,Wasiiro Badfaruur
ah, Suuqyo Qabiil,Warbaahin Qabiil,Qoroyaal Qalin
Dhiiglayaal ah,Afar jeeblayaal colaada huriya,Bl
Qabiil,Afar iyo Bar iyo wax kastoo jaahii Dowladnimo gabay,
waxaa la gudboon in uu arinkaa kaga gudbiyo Maskax ka
fiyow nin jecleysi iyo karti dheeriyana la yimaado
fiiriyana Magaca Aabihii sameystay hadii uuse dhan kale uu
uleexdo muxuu ka leeyahay Axmed shire"Ra`iisul wasaare
ogow Ciyaalka xaafada meelkastey ku rafaadsan yihiin
iskaba daa umada Soomaaliyeed ee aad Ra`iisul wasaaraha
utahay, waxaadna ogaataa hadii dhaqanka Ciyaalka xaafada
lagu yaqiinay ee ka hufan qabiilka aad iska tuurto
bilowdana sheeko Asaaranimo in ay kugu daadatay oo ay
Roobka kugu tahay aadana aheyn Ciyaal Boondheere ogow
Ra`iisul wasaare Qabiilkeena waa Ciyaalka xaafada".
Darajadii ugu sareysay ee uu qabtaa mid kamida Ciyaalka
xaafada ayaa ah midan uu hayo Ra`iisul wasaare Cumar Cali
Sharmarke, Inj Xuseen Ceydiid oo aan mar ku wareystay Shan
sano kahor Magaalada London ayaa isna iisheegay"wax
Ciyaalka xaafada ka joogi malahan Magaalada Xamar hal
xitaa waa arki waayey",hadana aqristow tani waxey
noqoneysaa tijaabadii ugu horeysay ee ay Ciyaalka xaafada
maraan madama in badan ay ku faaneen inta aan aheyn
Ciyaalka xaafada in ay ahaayeen Hogaamiya`yashii Dalka
gaar ahaan iyagoo ku faanay in ay ka wada yimaadeen Mudug
intaan ka aheyn Madaxweynihii uhoreeyey Marxuum Aadan cade
waxaase faankaa lagdi doona Majarahaha Nabada qaban doona
sida ay ku faaneen Ciyaal Kuwaarto iyo Ciyaal Shibis
Ra`iisul wasaaraha Ciyaalka xaafada

Mohamed
Barre Haji "Fiyoore"
Qorraa iyo Saxafi Somaliyeed
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new